የእለት ዜና

Xuska fannaanka hachaalu hundesa

Fanaanka hachaalu hundesa wuxuu ka dhashay hoyadiis gudatu horraa iyo aabihiis hundesa bonsa sanadkii 1976dii Tirsiga itoobiya.wuxuunka ku dhashay magaalada amboo oo caasimada dalka ee magaalada addis ababa ka xigta dhanka galbeedka una jirta 100Km. fanaanka hachaalu oo ku dhashay magaalada ambo ayaa isla magaaladaasi ku soo koray, asagoo da’a yar ah ayuu fanka aad u jeclaa. Fanaankan ayaa diirada saaray dhanka fanka iyo suugaanta islamarkaana ayada oo ay da’adiisu aad u yartahay ayuu ku luuqayn jiray heeso dareenka taageerayaashiiska kicin jiray.

Sanadkii 1995tii tirsiga itoobiya fanaanka hachaalu oo dhigta dugsiga sare ayuu ku luuqayn jiray luuqada afaan-oromo asaga oo ay heesihiisa u badnaayeen kuwa siyaasadeed iyo heesaha halganka,taasoo sababtay mudo shan sano in la xiro.

Fanaankan ayuusan xabsiga ka joojinin riyadiisi ahayd in uu noqdo heesa,asaga oo xiligiisi xabsiga ku jiro ayuu ku sii dhiiraday riyadiisa ahayd inuu fanaan noqdo wuxuuna soo saaray albankiisii ugu horeeyay ee aad ay uga heleen qoomiyada oromoda iyo qoomiyadaha kale ee dalka albankaas oo loogu magac daray “saabi mooti”.
Waxaana la sheega heesaha intooda badan ee albankan ku jira in uu fanaanka hachaalu uu ku curiyay oo uu qoray mudadii uu xabsiga ku jiray.

Sanada yar kadib mar uu carriga maraykanka u aaday in uu ku qabto bandhig-faneed ayuu soosaaray albankiisii labaad oo lagu magacaabo “waa’ee keenyaa” oo macnaheedu ay tahay “arimaheena’’.

Xiligaas albanka uu soosaaray ayaa bogga wax lagu kala iibsado ee Amazon ayaa si balldhan loogu kala iibsanayay,taasoo horseeday in fanaanka uu noqdo mid caan ah oo la jecelyahay.
Sanada ka hor deegaanada oromiya dibad baxyadii iyo halgankii ka jiray hees uu fanaanka u soosaaray oo lagu magacaabo “maalaan jiraa” ayaa noqotay hees aad loo jecelyahay oo halgankii xiligaasna bulshada u noqotay mid ay ku dhiiradaan.

Hachaalu ayaa 36 sana jir ahaa wuxuuna ahaa shaqsi reer leh oo saddax caruur dhalay.bishii sane 22/2012 caasimada dalka ee magaalada addis ababa oo uu fanaanka daganaa weerar lagu soo qaaday ayaa lagu dilay. Dilka loogaystay fanaanka bulshada ka carootay dibad baxyo ay falka ku cambaaraynayeen ayaa waxaa ku dhintay bulsha rayid ah hanti badana way burburtay. Sidoo kale waxaa la xidhay shaqsiyaad siyaasiyiin iyo xubnaha kale bulshada kiciya (activist).

Faantu demise oo ah xaaska fanaanka hachaalu ayaa tiri riyooyinkiisii iyo waxyaabihii uu doonayay in uu sameeyo wali in ay jiraan oo riyadiisa loo rumayn doono, sidoo kale alban hees oo cusub oo xiligii uu fanaanka noolaa uu sameeyay laakiin aan la soosaarin ayay xaaska hachaalu isniintii la soo dhaafay soo bandhigtay.

Waxaana hotelka skylight lagu qabtay soo bandhigda albankii sadaxaad ee fanaanka iyo xuska sanadkii koobaad ee ka soo wareegatay geerida fanaanka. Munaasabadan lagu soo camiray waxyaaba kala duwan ayaa waxaa ka soo qaybgalay shaqsiyaadka caanka ah,qooyska fanaanka,asxaabtiisa,taageerayaashiisa iyo bulshada fanka jecel.

Munaasabadan oo ay hadal ka soo jeedisay xaaska fanaanka marwo faantu ayaa tiri “inkasta oo hachalu uu naga baxay laakiin shaqooyinkiisa iyo xusuustiisa marnaba nagama gu’in”.
Markii uu fanaanka geeriyooday kadib shaqsiyaadkii garab taagnaa qooyska hachaalu ee taageeraha u fidiyay ayay marwo faantu u mahad celisay.
Shaqsiyaadka magaca fanaanka falalka kala duwan ee aan wanaagsanayn u isticmaalaya in ay falkooda ka waantoobaan ayay ku baaqday.

Aabaha dhalay hachaalu mudane hundesa boonsaa ayaa dhankiisa yiri “hachaalu ma ahayn wiilkayga oo kaliya laakiin wuxuu ahaa wiil shacabka oodhan ay wada lahaayeen”.
Wuxuu shacabka ka codsaday “dadkii wiilkayga dilay in sharciga la horkeeno oo tallaabo laga qaado cid walba diinta uu rumaysanyahay ha iigu duceeyso”

Albanka cusub ee la soo bandhigay ayaa la tilmaamay in uu fanaanka sameeyay markii uu noolaa oo hada la soo gaadhsiiyay dhagaha dadka fanka jecel iyo taageerayaasha fanaanka,waxaana albankan ladhhaa “maal malisaa”.

Albankan cusub ayay ku jiraan 14 heesood,waxaana goor horeba wareega koobaad ladaabacay oo la diyaariyay 300 kun oo koobi ah.shabakadaha ama bogaga internetka ablikeshinada caalamiga ah ee heesaha in albankan loo iibgeeyay waxaa shaaciyay amansiisa ifaa oo ah saaxiib ay isku dhawyihiin fanaanka islamarkaana ka qaybqaatay soosaarida heesaha muqaalka loo sameeyay.

Amansiisa ifaa oo ushaqeeya hirra pictures ayay heesta lagu magacaabo maalan jiraa muqaalkiisa si wada jir ah ula sameeyay hachaalu ayagoo abaal marina kala duwan ku helay.
Fanaanka qooyskiisa inta ay samrayaan fanaanka heesihiisa si aan looga xadin goobta heesaha lagu samaynayo (studio) in heesaha la aruuriyo oo si nidaamsan loo xafido in shaqooyin badan la qabtay ayuu amansiisaa lawadaagay addis maaladaa.

Fanaanka xiliya kala duwan heeso uu sameeyay in ay jireen laba ka mid ah in mar dhaxdaas la xaday,labadaas laxaday iyo heesaha kale ee fanaanka in la isku geeyay oo la isku habeeyay islamarkaana alban dhamaystiran oo 14 heesood ka kooban la soosaaray ayuu amansiisa sheegay. Wuxuuna intaas ku daray Shabakada amaazon iyo ablikeshinada iyo bogaga caalamiga ah ee heesaha in albanka cusub lagu faafiyay.

Sidoo kale albanka ayaa loo iibgeeyay shabakadaha heesaha lagu kala iibsado oo uu ka mid yahay (I-Tune) hal maalin gudaheeda ayuu 40ka alban ee ugu sareeyo albankan ka soo dhaxmuuqday. ‹‹maal maliisa›› waxaa laga wadaa ‹‹waa maxay xalku?›› ciwaankan ayaa daba socday albankii labaad ee ahaa “waa’ee keenyaa” oo laga wado (arimaheena) ciwaanka albankan cusub ayaa laga duulay albankii ka horeeyay ayuu amansiisa oo door wayn ka qaatay soo bixitaanka albanka sheegay.

Albankan cusub si uu muddo hal sano gudaheeda dhagaha bulshada u gaadho xaaska fanaanka in ay door wayn ka qaadatay,islamarkaana si aan loo hilmaamin fanaanka magaciisa in lagu dhisi doono xarun shaqooyin kala duwan lagu qabto heesihiisana muuqaalo loo samayn doon in lagu tala jiro oo la qorshaynayo waxaa ka dhawaajiyay mudane amansiisa.

Daraja balata oo ah saaxiib aad ugu dhaw fanaanka hachaalu hundheesa ayaa yiri “ hachaalu ma ahan hal reer ama hal qoomiyad wiil ka soo jeeda.waa wiil itoobiya oodhan ay indhaha ku nuursan jireen”.

Mudane daraja oo ganacsada ah ayaa hada ka hor deegaanada somaalida iyo oromiya dadkii ka soo barakacay asaga,asxaabtiisa kale oo uu ka mid yahay hachaalu ayaa dadkan barakacay ugu deeqay 11 neef.

Sida uu sheegay mudane daraja in uu si kadis ah fanaanka u geeriyoodo inay ku beertay murugo wayn. Dilkiisa waxaa u dhintay bulsha badan oo rayid ah. Taasina waxay keentay in shacabka dalka oodhan ay wada murugoodaan.

Mudane daraja ayaa yiri murugadeena dhimashada fanaanka oo kaliya kumaysan koobnaanin, laakiin in wax sheegaya qaabka loo dilay ama dadkii falkan ka dambeeyo la cadaynin oo cadaalad aanan helin ayaa murugo kale noqotay.

‹‹heesaha hachaalu aduunka oodhan ayaa laga dhagaystaa.inkasta oo bulshada caalamka aysan fahmin luuqada hadana waxaad arkaysaa ayaga oo fanaanka heesihiisa dhagaysanaya.hachaalu in aan geeri ku waynay qalbi jab ayay nagu noqotay.wax walba waxaa nooga daran qaabka loo dilay.hadii aan xitaa samri lahayn waxaan ku samri lahayn dadkii dilay in sharciga la horkeeno oo cadaalada ay shaqayso,laakiin cadaalad maanan arag›› ayuu daraja yiri.

Xaqiiqada in aan ilaa iyo hada aan la shaacinin oo arinka la qariyay in uu murugada ku sii kordhiyay,shaqsiyaadka laga shakiyay ee la soo qabtay falkan inay ka dambeeyeen oo tallaaba sax ah laga qaaday waa in shacabka loo shaaciyaa ayuu yiri mudane daraja. Dadkii ka dambeeyay dilka fanaanka in aan sharciga la horkeenin waxay sababaysaa dhalinyara badan oo dalka wax tar u leh in banaan cidla ah lagu dilo taasoo dal ahaan dhibka sii badinayso ayuu intaas ku daray

‹‹hachaalu waa shaqsi dadka ixtiraam u muujiya,wiil wanaagsan oo aad loo jecelyahay ayuu ahaa,dadka fanaanka yesitaanka u muujin jirayna waa shaqi khatar ku›› ayuu yiri daraja mar uu qeexayay dabeecadaha fanaanka.

‹‹hada hachaalu wuu dhintay.caruurtiisa nolal ay u qalmaan wa in ay ku noolaadaan.reerkiisana in ay walwalaan ama ay cabsadaan ma ahan ee si wanaagsan waa inay u noolaadaan.run ahaantii shaqsi wanaagsan ayaa wax barashada caruurta bixiya oo wax way bartaan.asxaabtiisa iyo taageerayaashiisa hachaalu naftooda ayay u hurayaan.hachaalu oromo oo kaliya umuusan halgamin laakiin dhabta iyo xaqiiqda ayuu u soo halgamay.shaqsigan dalka saamaynta wayn ku leh inta aanan la dilin dawladu inay ilaalo usamayso ayay ahayd››. Ayuu hachaalu saaxiibkiis yiri

Mudane daraja ayaa yiri in qooyska hachaalu guddi loo aasaasay oo ay dhqaala soo aruuriyeen.asxaabtiisa iyo dad badan oo taageerihiisa ayaa lacagahan la soo aruuriyay wax ka bixiyay.hachaalu iyo qooyskiisa magacooda ayaa warshad wayn lagu furi doona lacagtaas ayaa la yiri.laakiin lacagtii la soo aruuriyay meel ay martay magaranayno ayuu yiri.
Mudane daraja oo lahadlaya wargayska addis maaladaa ayaa yiri guddiga la soo dhisay ee lacagaha soo aruurinayay dhaqaalihii ay soo aruuriyeen Meesha ay martay waa in ay dawlada bulshada ushaacisa.

Guddiga loo xilsaaray inay dhaqaalaha soo aruuriyeen ayaa magaca fanaanka ku soo xareeyay 141 milyan oo birrr, waxaana laga jaray qarashka lagu dhisay taalada fanaanka lagu xusuusan doono,wixii intaas ka soo harayna in fanaanka qooyskiisa bangigooda lagu shubay ayuu sheegay iskudabaridaha guddiga dhaqaala aruurinta mudane dhaabaa dabale.

Maalinkii la soo bandhigayay albanka cusub ee fanaanka, xarun lagu taageerayo shaqooyinka fanka iyo suugaanta oo fanaanka hachaalu loogu magac daray in la aasaasay ayaa munaasabada laga sheegay.sidoo kale maamulka magaalada addis ababa ayaa dhankooda xaqiijiyay in taalada fanaanka la dhisay oo la dhamaystiray.

Maareeyaha xafiiska maayarka magaalada addis ababa iyo arimaha la xidhiidha mudane tilaahun warqu ayaa sheegay in taalada fanaanka la dhisay oo la dhamaystiray,waxaana taaladan xariga laga jari doona buu yiri munaasabad ay ku wada dhanyihiin qooyska fanaanka,asxaabtiisa iyo taageerayaashiisa.

Taalada fanaanka hachaalu hundesaa ayay dhiseen waaxda farshaxanka iyo naqshadaynta ee jaamacada addis ababa university.
Waxaa xusuus mudan in ay fanaaniinta dalka ay sameeyeen bogga ama ablikeshinka heesaha lagu kala iibsado ee albanka cusub ee fanaanka hachaalu hundesa laga heli karo.ablikeshinkan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee loogu talagalay heesaha waxaana sameeyay ama aasaasay fanaaninta dalka ayada oo ay sanad ka soo wareegtay inta uu ablikeshinkan shaqo bilaabay.

Laga soo bilaabo 50kii sanadood ee la soodhaafay qaabka iyo nidaamka heesaha loo kala iibsado maadaama ay ahaayeen mid aan dhawraynin xuquuqda fanaanka ama qofkii heesaha lahaa,sidoo kale fanaaniinta aysan helin qarashkii iyo wakhtigii ay heesahooda galiyeen,islamarkaana fanaaninta halkii ay wax ka heli lahaayeen ay ganacsatada fanka kaganacsada ay ka faa’ida bataan fanaaniinta. Nidaamkan cusub ee ay sameeyeen fanaantiinta maxaliga ah,taaso fanaaniinta u sahlayso inay dhaqaalo u qalmo helaan,lahaansha iyo xuquuqdoodana loo ilaalinayo dhanka kalena macaamiisha iibsanaya heesaha qiima wanaagsan sidagdag ah heesaha ay doonayaan inay ku heli karaan ayuu sheegay mid ka mid ah fanaaniinta dalkan itoobiya oo lagu magacaabo jonny raga.

‹‹shaqo walba oo fanka ku saabsan qof inuu leeyahay waala wada ogyahay.fanaantiinda geeriyooday xitaa ayaga umbaa bulshada ka baxay mooyaane heesahooda waligood way jirayaan. Heesaha dadkii ku luuqeeyay ay geeriyoodeen maadaama ay dhaxal yihiin intii heshiis lala sameeyo qofkii lahaa ama ay khusaysay ayaa ablikeshinkan heesaha la soogalinayaa››. Ayuu yiri jonny raga oo lahadlaya wargayska addis maaladaa.

Luuqada afaan-oromo dad badan in ay ku hadlaan shaki kuma jiro.nidaamkan ama ablikeshinkan waa fanka iyo suugaanta luuqadaha kala duwan lagu sameeyay in shacabka la gaadhsiiyo.heesaha oodhan dadkii dhagaysanayay sidii la rabay umaysan gaadhi jirin.markaa ablikeshinkan fanaaniinta oodhan iyo taageerayaashooda sidii ay isku heli lahaayeen ayay ka caawinaysaa ayuu fanaan jonny yiri.


ቅጽ 3 ቁጥር 139 ሠኔ 26 2013

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

error: Content is protected !!