የእለት ዜና

Waritaanka sharciga ogolaanaya gooni u goosadka

Views: 71

Qoomiyadaha dalka inay aayahooda ka tashtaan ama inay gooni  dalka uga go’aan sharciga u ogolaanayo dastuurka dalka intii lagu ansixiyay waxaa ka soo wareegtay in ka badan rubuc qarni.sharciga noocan ah ee dalka burburinayo in wadamada kale aysan lahayn ama ay dhaqan galinin waxaa ka faalooday khuburada iyo aqonyaamiinta dalka.sharcigan dhibaatada uu dalka ku keenayo ayay aqoonyaamiinta marar badan tilmaameen oo waxay iskudayeen in sharcigan labadalo laakiin dhag looma dhigin.qodobka 39aad ee darstuurka dalka ayada oo la adeegsanayo in dawlada eritiriya ay dalkan itoobiya ay ka go’oday ayay dad badan sheegayaan taaso ay ku tilmaameen qodob dastuuri ah oo dalka aan faa’ida u lahayn.xukuumadii hore ee dalka ka talin jirtay ee hiwaat ayaa ku adkaysatay in aan dastuurka labadalaynin qodobkan gooni u goosadkana uu yahay mid saxsan.

Tan iyo markii kooxda hiwaat xilka laga xayuubay oo deegaanadii la oran jiray bahwadaagta ay awood yeesheen,ayay marar kala duwan shacabka iyo xisbiyada siyaasadeed dawlada ka codsadeen in qodobkan la badalo dastuurka dalkana dib u habayn lagu sameeyo.si kastaba ha ahaatee baaqii dawlada laga sugayay maadaama uu siyaaba kala duwan u soo daahay dad badan ayaa cabashooyin ka muujiyay.in kasto oo aan la hubin qaab sharciga waa faqsan in su’aal arintaas laga gudbiyay.waxaa jirtay mar asxaabta siyaasadeed ay arinka diirada saareen R/W dalkuna uu jawaab ka bixiyay.laakiin dad badan jawaabtii ay sugayeen maadaama aysan arkin way ka niyad jabeen.mar uu dr abiy axmad ka hadlayay badalida calanka dalka ayuu yiri ‹hal deegaan awgiis dastuurka dalka uma badalayno› hadalkaas inaysan taageerayaal badan wanaag u arkin waliba dadkii taageersana ay yaraadeen ayay dad badan sheegayaan.

Doorasho intii la qabto xisbiga guulaysta moyaane cid kale inaysan wax kabadali Karin dastuurka iyo arimaha waawayn ee dalka ayaa waxaa la aasaasay deegaankii 10aad ee dalka laakiin wax isbadal ama dib u habayn dhanka dastuurka dalka laga sameeyay ma jiraan.taliskii kooxda hiwaat markii labadalay qodobada kale ee dastuuriga ah isbadalada kala duwan ayaa lagu sameeyay,laakiin su’aashi ay qabeen xisbiyada siyaasadeed iyo shacabka ee dib u habaynta dastuurka dalka arintiisa in la iloobay ama wakhti munaasab ah lala sugayo kay noqotaba ilaa hada waa sidiisii.

Waxaa la sheegaa inay jiraan kooxa kala duwan oo xag jir ah oo kala fikir ah.qaar waxaa la sheegaa inay doonayaan guud ahaanba dastuurka dalka in labadalo,koox kale waxay leeyihiin sida la sheegay in aan gabi ahaanba dastuurka aan la taabanin oo sidiisa lagu daayo,qaarka kalena waxay leeyihiin ayada oo codka shacaba iyo rabitaankooda lagu salaynayo qayb ka mid ah dastuurka isbadal ama dib u habayn halagu sameeyo.ilaa iyo xili dhaw dawladu inay raadinayso xal fikradahan oodhan isku soo dhawaynaya ayaa la sheegaa.

Xisbiyadii lahaa hadii aan guulaysano dastuurka dalka waxbaan ka badalaynaa,inay dawlad noqdaan oo ay doorashada ku guulaystaan maadaama uu madmadow kaga jiro,wararkii ahaa dib u habaynta dastuurka dalkuna sidaas ayay ku iloobeen.xiligan la joogo lama waayin kooxo oranaya qodobkan gooni u goosadka ah ee muwaadiniinta u kala qaybinaya qabiil qabiil iyo koox koox in dib u habayn lagu sameeyo.dhawaan ayay ahayd markii uu r/w dalka la shiray xisbiyada doorashada ka qaybgalay,waxaana la waydiiyay su’aal ah dastuurka dalka miyaanan labadalaynin ama dib u habayn aanan lagu samaynaynin.

r/w dalka su’aashii laga waydiiyay dib u habaynta ama badalida dastuurka dalka in uusan ku faraxsanayn ayuu sheegay shaqsi aanan doonaynin in magaciisa la sheego. Shir loogu talagalay in laga wada hadlo arimaha doorashada in lagu dhax waydiiyo isbadalka ama dib u habaynta dastuurka dalka in kasta uusan r/w ku faraxsanayn ama uusan soo dhawaynin laakiin hadana jawaabtii uu su’aashaas uu uga jawaabay mid aan lafilan Karin in ay ahayd ayuu shaqsigan sheegay.r/w ayaa yiri in uu asagaba doonayo in isbadal iyo dib u habayn lagu sameeyo dastuurka dalka,laakiin shacabka wax aysan ogayn oo ay ogolaanin in lagu dhaqaaqo inaysan wanaagsanayn inuu yiri ayaan maqalnay ayuu shaqsiga yiri.wuxuuna r/w abiy yiri waxyaabaha wanaagsan ee dastuurka intii la daayo ayaa dib u habaynta la samaynayaa.laakiin ka muusan faaloonin qodobada ladaynayo iyo kuwa dib u habaynta lagu samaynayo.sidoo kale hawshan xiliga lagu dhaqaaqi doono iyo guddi arintan loo xilsaaray in ay jiraan waxba lagama oranin.

Shaqsiga in magaciisa la sheego aan doonaynin ee la yiri hadalka r/w ayuu maqlay ayaa yiri dib u habaynta dastuurka in ay uun muddo iyo wakhti qaadan doonto mooyee r/w dib u habaynta in uu doonayo ayuu ka war bixiyay.jawaabta r/w maadaama ay ka soo qaybgalayaasha ku faraxsanaayeen wax faahfaahin iyo su’aale kale maysan r/w waydiinin.shaqsigan ayaa sheegay fikirka iyo hadalka r/w maadaama shir albaabada la iskugu laabay uu ku soo jeediyay in aysan shacabka arinkaas wax ka ogaanin. Marka natiijada doorashada la shaaciyo hadii ay guulaystaan in r/w uu arinkan shacabka usoo bandhigi doono ayuu shaqsiga war bixinta laga helay qiyaasay.

In kasto oo fikirka iyo rabitaanka r/w sida kor lagu soo xusay in ay tahay la sheegay hadana riyadii shacabka war kale ayaa ka daba yimid kaaso dhawaan ka soo yeeray golaha federeshinka.toodobaadkii la soodhaafay ayuu golaha federeshinka soo diyaariyay laba qodob oo ka mid ahaa qodobada uu ku dhisanyahay golaha federeshinka kuwaasoo la horkeenay golaha wakiilada shacabka si looga fiirsado.isbadalka iyo dib u habaynta sababaha loogu baahday in kasta oo uu golaha soo bandhigay hadana su’aalo iyo baahiyo ay bulshada qabeen qaabkii loogu dhaxdari lahaa nidaamka cusub ayaa golaha wakiilada shacabka jahwareer ku noqotay.qodobka 39aad ee  ogolaanaya gooni u goosadka maadaama lagu soo daray qodobada cusub ee dib u habaynta lagu samaynayo waxay gashi u noqotay dadka aan doonaynin in dastuurka wax laga badalo.qodob ku xusan dastuurka dalka ayada oo aan laga leexanaynin maadaama xeerka fulinta qodobka la iska dayin Karin dib u habaynta dastuurka dalka inta xal waara loo helayo in sidiisa lagu daayo ayada oo aan la sugin in golaha federeshinka uu ku dagdago arinkan oo sidaas dastuurka lagu badbadalo ayaa ayaduna jawhareer kale abuurtay.

Arimaha la xidhiidha in dib u habayn lagu sameeyo dastuurka dalka in kasta oo fikradaha iyo qodobada labadalayo la isku khilaafsanaan karo hadana xisbiyada intooda badan waxay isku raaceen in dib u habayn lagu sameeyo dastuurka marka laga reebo kooxda argagaxisada ee TPLF ee kadambaysay aasaaska dastuurka.xisbiyada siyaasadeed fikradahooda kala duwan ee ku aadan qaybaha ay doonayaan in dib u habayn lagu sameeyo iyo qaybaha ay doonayaan in sideeda lagu dhaafo inay soo bandhigaan in kasta oo hada ka hor lagu baaqay hadana hawshaasi halka ay marayso war cad lagamahayo.si kastaba ha ahaate,doorashada ciddii ku guulaysato ayay masuuliyad ka saarantahay in ay isbadal iyo dib u habayn ku sameeyaan dastuurka dalka taasoo dad badan ay doonayaan, ayada oo aan wax dhiba ah dalka aysan ku keenaynin. Gaar ahaan waqooyiga dalka xag jirnimada ka taagan,jiilkan go’aan uusan gaadhi Karin ayuu gaadhay.dhibkaasi hada taagan inta aysan sii adkaanin oo jiilka dambe dhib aysan ku abuurin in xal laga gaadho ayay dad badan ku doodayaan. Degaanka soomaalida hada ka hor tallaabo dagdag ah oo la qaadi rabay in si sharci ah lagu joojiyay oo shacabka jihada ay doonayaan lagu jiheeyay taasina guul lagu gaadhay taasoo loo baahanyahay in wax laga barto ayay dad badan isla qaateen.

Arimaha la xidhiidha dib u habaynta dastuurka dalka iyo qodobka 39aad ee ogolanaya gooni u goosadka ayuu wargayska addis maalada waraysi kala yeeshay sharci yaqaan iyo garsoore mudane kaabitaal kibree.sida uu sheegay khabiirku in dib u habayn lagu sameeyo dastuurka dalka in kasta oo ay jiraan hadala la isla soo qaaday hadana ma jiraan wax la bilaabay oo hada socda oo arinkaas ku aadan.dhanka dawlada hadalada ka soo yeeraya inkasata oo uu khabiirka ku tilmaamay in ay yihiin hadala ay ka muuqato inay dawladu doonayso in dastuurka dib u habayn lagu sameeyo laakiin dastuurka dalka in dib u habayn lagu sameeyo marxalada kala duwan waa in la maraa.

Golaha federeshinka qodobada dib u habaynta in lagu sameeyo ay doonayaan ee ay soo bandhigeen in kasta oo aan la oran Karin sharciga ayuu ka soo horjeedaa laakiin mid xiligii loogu talagalay yimid in uusan ahayn ayuu mudane kaabitaal sheegay.arinkan in uu hirgaliyo maadama golaha awooda leh uu yahay hadana dastuurka in dib u habayn lagu sameeyo in sideeno kale aan isku mar maqalno oo ay iskasugaan ayaa haboonayd ayuu yiri khabiirka.sida la ogsoonyahay sharciyada dhaqso in labadbadalo ma haboona.maadaama sharciga jiritaankiisa iyo waaritaankiisa ay cadaynayso in uu yahay mid u wanaagsan dalka iyo bulshada.dastuur markii horeba la doonayay in dib loo habeyo hadii hada laga sii hordhaco oo kooxba ay gaar u badasho hadhow hadana waxaa dhici mar kale in mudo gaaban isbadal lagu sameeyo.arinkan inta aan lagu dhaqaaqin xubnaha dawlada inay si wada jir ah u shaqeeyaan ayaa looga baahanyahay.khabiirka ayaa yiri mudo gaaban gudaheeda sharci labadali doono in qarash iyo wakhti lagu lumiyo in dhibka uun ay sii kordhinayso ayuu sheegay.

Dhanka dib u habaynta dastuurka marka la eego laba wado in lamaro in loo baahanyahay,mida koobaad waxay tahay marka la doonayo in qayb ka mid ah dib u habayn lagu sameeyo in rabitaanka deegaanada la ogaado.mida kale ayaa ah mida sharciga lagu sheegay ee saddax meelood laba meel codka golaha federeshinka iyo golaha wakiilada shacabka hadii la helo qaabkaasna waala isticmaali karaa.sidaas daraadeed qodobka 13aad ilaa qodobka 44aad ee ku xusan cutubka 3aad ee kawaramaya arimaha dimuqraadiyada iyo xuquuqul insaanka waa in ogolaansho laga helaa golaha federeshinka deegaanada.qaabkaas aan hada sheegnay xisbiga guulaysan doona ee xilka qaban doona sanadka dambe hawshan maqaban karo.sababtoo ah degaanka tigreega doorasho kamaysan dhicin.sidaas daraadeed golaha federeshinka degaankaasi ogolaanshahooda lamahaysto sida uusharaxay khabiirku.

Xubno kala duwan oo katirsan dawlada in kasto oo laga maqlay in dasduurka dib u habayn lagu samayn doono,laakiin sharci ahaan arintu waa mid wakhti u baahan oo aan mardhaw aan la qaban Karin.deegaanada xeerka iyo sharciga ay ku dhisanyihiin in kasta oo dib u habayn lagu samayn karo hadana waxaa qasab ah degaanka tirgreega in doorasho lagu qabto oo cida guulaysato la ogaado oo la helo ogolaanshaha golaha federeshinka degaankaasi.taasi wakhti badan ayay qaadan kartaa.in dib u habayn lagu sameeyo golayaasha federeeshinka deegaanada qodobka doonayo in isbadal lagu sameeyo ee 105aad deegaanada oodhan ogolaanshahooda maadaama loo baahayahay in lahabeeyo way adagtahay kooxo oranaya ayaa jira.dhanka kale hadii ay adkaatay hada in labadalo dastuurka dalka,inta kaasi labadalayo dastuur dalka lagu sii hago oo ku meel gaadh ah  in la diyaariyo oo kii hore la xanibo in la yeelo ayay qaar kale qabaan.si kastaba ha ahaate arinta badalida ama dib u habaynta dastuurka dalka waa arin uun wakhtigeeda sugaysa


አዲስ ማለዳ Hamle 3 2013 No 3

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com