የእለት ዜና

Walaac ka jira dhinaca roobabk badan iyo daadadka

Views: 60

Roobab badan oo ka da’a meelo badan oo dalka ka mid ah ayaa laga qaba walwal madaama roobabka culus lagala kulmi karo daadad, daadadkaasina ay ka iman karaan dhibatooyin ay ka mid yihiin wadooyinka oo xumaada dhulka oo dilaaca in ay dadku ku jabaan iwl.hadaba marka ay dhibaatooyinkasi jiraan waxa ay keeni karaaan dhimsho iyo in bulshadu ay ku baro kacaan meelihi ay daganaayeen.

Dhibaatooyinka ka yimaada daadadka waxa ku naf waaya dad tiro badan iyo hanta kumanaan ka badan oo halkaasi ku ba’abada,waxa intaasi dheer in sabab u unoqdo in ay dadku ka baro kacaan meelihi ay ku noolaayen.

Waxa xusid mudan in meelo badan oo dalka ka mida daadadka ka jira ay meelo ka mid ah dhulkau u dilaaco ooy bulshadun ku noqoto caqabad. Waxaana sido kale aan la hilmaami Karin marar kala duwan in daadadka ay muwadiniintu dhibaatoyin culculus kala kulmeen.

Sido kale magaladan addis ababa meelo kala duwan daadadku waxa ay sababaan in wadooyinku ay xidhmaan iyo shilal baabuur,taasina dad badan ayaa naftooda ku waayasido kale burbur ayaa hantidooda ka soogadha.

Marka roobabka xoogani ay ka da’aan magalada addi abeba daadadka ayaa waxa u gala guryaha qaar, daadkaasin waxa u gaadhsiiya dhibaato naf iyo maal ah.
Kinfe Biqila oo ku nool magaladan addis ababa qaayb magalada nifaas silk laafto ayaa waxa u dagan yahay isaga iyo qooyskiisuba meel u dhaw tog, waxa u sheegay xiliga roobabka ee guga in asaga iyo dadka agagaarkaasi ku nooli ay u nugulyihiin dhibaatooyinka daadadka kaga iman kara,madaama u gurigoodu u dhaw yahay wabi, dhaawr jeer ayaanay sigteen.

Gugii sanadkii 2011kii meel u dhaw guryohooda oo ay biyuhu meraan ayaa waxa xidhantay tuubadi ay biyuhu marayeen ,roobabki halkaasi ka da’ayna biyihi waxa ay waayeen meel ay meraan,sidaas darteedna biyihi waxa ay soo galeen dadki halkaasi ku noola guryohoodi waxana ay kala kulmeen dhib.

Inkasta oo ay da’aadadku soo galeen guryohooda xili casar dabadii ah ama 11ki galabnimo kadib ayaa waxa ay ka badbaaden dhibkii ka soo gaadhi lahaa naftooda, balse waxa ay dadki halkaasi ku noola ugu warameen addis maleda in ay badbaadin kariwayeen hantidoodi,daadadki xiligaasi jiray in kasta oo aanay naf lagu waayin oon dhawacna ka soo gaadhin,balse guryahoodi gabi ahaan way ku burbureen.

Inkasta oo aan la sheegin inta dhib soo gaadhay guryahooda hadana waxa u Kinfe addis maleda u sheegay in guryahoodu ay gabi ahaan burbureen.
Waxana u wargayska addis maleda u soo ogaaday in guryahasi daadku galay raashinkii u yiilay waxyaabihi elektroniksga ahaa iyo dharki ay xidhanayeenba daadku u qaaday.
Sida u knife sheegay tuubadi ay biyuhu maraayeen madaama u qashi xidhay oo ay biyuhu meel ay maraan waayeen ayay dhinaci guryaha u soo fataheen,dhibkaasi ka soo gaadhay daadkaasina in ay 3 cisho oo dhan ay joogeen meelo kale oo ka baxsan guryahooda.

Waxa kale oo u xusay dhibkii soo gaadhay maadama u wayna waxa ay ku khasbanaayeen in ay bulshada ka heleen caawimo,xiligaasina bulshadu waxa ay ku cawisay lacag,alaabo iyo xoogodaaba.

Waxa ay shheegeen dadki halkaasi ku noola in kasta oo xafiiska maamulka qayb magaalo aanay wax caawimo ah ka helin hadan waxa ay u ogoolaadeen in ay guryahoodi ay dib u dhisataan bila waraaqda rukhsada dhismaha.

Inta badan waxa sababa daadadka waxa ka mid ah tuubooyinka oo u qashin ka buuxsamo oo xidhma, sida oo kale darbiyo lagu gudbo meelaha biyuhu ay maraan oo aan jirin,waxana u wargayska addis maled soo ogaaday in bulshadi halkaasi ku noolayd ay lacag iska uruuriyeen si ay ugu nadiifiyaan qashinka tuubooyinka xidhay iyo biriijyo ay biyuhu maraan si ay udhisaan.
Bulshadii halkaasi daganayd waxa mar labaad la soo wajahay daad kale in kasta oo aanu dhibatadi hore oo kale u gaysanin, hadana ay dhibaatooyin yaryari ka soo gaadheen,bulshadu si loo yareeyo dhibaatooyinkan ka soo gaadhaya daadadka waxa ay soo dhigeen wax yaabihi ay is yidhaahdeen waxa u unoqon kara xal,sida u sheegay Kinfe dhibaatooyinkan ka imanaya daadadka si loo xaliyo waa in aanay qaybaha ku hawlan hurumarka kaligood go’aan gaadhin balse ay kala tashadaan bulshada halkaasi dagan.

Sidoo kale waxa u wargayska addis maleda ay u sheegen in mark aay dhisayaan dhismayaasha bulshada halkaasi ku nool waa in ay la socdaan xiliyada,bulshadana waxa mar kasta looga baahanyahay in iskaashadan oo ay wada shaqaystaan in ay waajib ku tahay.

Dhinaca kalena qayb magalada qirkoos bulshada dagan ee u nugul daadadka mid kaid ah oo la yidhaahdo Amelework Zewdu ayaa u sheegtay addis maled madaama u gurigoodu ku yaalo wadada dhinaceeda wdadana xili roobaadka ay biyuhu fadhiistaan waxa ay biyuhu usoo qulqulaan dhinaca guryahayaga waxana u burbur u gaysta hantidayada.

Waxa ay sheegtay Amelework xili hore daad gurigooda soo galay in biyuhu ay ila dhabarka u gaadeen oo ay nafteedi ka badbaadisay balse ay badbaadin kari wayday hantideedi.
Amelework waxa dhibaatada ku noqotay oo ay tilmaamtay in dadku si qayr musuulnimo ah ayqashinka meel kasta ay ugu tuuraan magalada.
Sidaas darteedna ay xidhmaan tuubooyinka ay biyuhu maraan qashin awgi xiliyada roobabka.

Mudane Debebe Zewde oo ah madaxa xidhhidhka xafiiska ka hortaga masiibooyinka ee qaran oo u waramay wargayska addis maleda ayaa sheegay in u xafiiska ka hortaga masiibooyinka ee qaran u ku hawlanyahay sadex hawlood oo muhiim ah,kuwaasi oo kala ah ka hor taga masiibooyinka,marka ay masiibooyinku ay dhacaan in si dagdag ah looga jawaabo iyo masiibooyinka cidi ku wax yeeloobay in dib loo kaalmeeyo.

Waxa kale oo u sheegay sida xogta laga helo xafiisk saadalinta hawad ayaa ah in bilaha hamle iyo nahaase ay da’an roobab xoogan,meelaha khaterta u ah daadaka iyo dhulka oo dilaacana la ogaaday.

Sidaasi awgeedn waxa u wargayska addis maled soo ogaaday in deegaanka ganbela 3 dagmo,benishaangul dagmada asoosa,deegaanka oromiya 12 dagmo,deegaanka amxaarada 9 dagmo,deegaanka canfarta 4 dagmo,deegaanka soomalida 10 dagmo,tigraay 4 degmo,deegaanka shucuubta iyo qoomiyadaha konfurta 14 degmo,deegaanka sidama,is maamulka magalada diridhaba,deegaanka hararida iyo addis ababa ay yihiin meelaha daadadaku ay saameeyaan.

Dhinaca kalena waxa addis maleda u soo ogaaday In deegaanada amxaarada 4 dagmo oo ka mid ah oromiya 6 dagmo oo ka mid ah koonfurtana 12 dagmo,sidoo kale sidaama iyo tigraay in u ka dhacay dhul dilaac.

Sida u sheegay masuulku dhibaatooyinka la xidhiidh daadadka ee ka jira dalka si looga hortago maaha hawl u qaban karo kaligiis xafiiska ka hortaga masiibooyinka ee waa inay iska kaashadaan wasarada biyaha iyo waraabka iyo xafiiska horumarinta wabiyada oo ay wada shaqeeyaan.

Waxa kale oo masuulku u sheegay in hawshan ay ka wada shaqeeyaan federaalka deegaanada iyo xafiisyada ka shaqeeya arimaha daadaka la xidhiidha.sida oo kale deegaanada meelaha wabiyadu ku yaalan ka jira ee sid canfarta, axmaarada, soomalida iyo oromada ayaa si looga hor tago daadadkaasi hawshoodi si guud u bilaabay.

Sidoo kale waxa u cadeeyay kal hore meelihi deegaanka canfarta ka midka ahaa ee daadadku saameeyeen ayaa waxa loo qoondeeyay 45 milyon oo bir si mar kale aanay biyuhu ugu soo fatihin waxaana lagu hawlanyahay sidii loogu samayn lahaa tuubooyin iyo biriishyo ay biyuhu maraan.

Sida oo kale hadii deegaanada somalida iyo canfarta ay ka dhacaan masiibooyinkaasi si sida ugu dhakhsaha badan talaabo looga qaado waxa hawsheeda lagu jira in la soo iibiyo 4 laash. Kal hore deeganka amxarada meelihi ay daadadku ka jireen sida dhinbiya oo kale waxa lagu jira hawsha lagaga hortagayo biyaha oo ah dhisida darbiyo bu yidhi.

Magaalooyinka la midka ahna meelaha ay wabiyadu maraan waxa loo baahan yahay in si la mid ah iskaashi looga wada shaqeeyo.waxa kale oo bulshadana uu ku booriyay in qashinka meelaha lagu turaayo laga digtoonaado oo meelaha ay biyuhu marayaan ay ka ilaaliyaan.waxa kal oo masuulku u yidhi dalkeena etobiya dhibatooyinka daadadka ee ka jir aanay ahay qaar cusub,balse ay yihiin qaar soo jireen ah,sidaas darted aan wax ka barano dhibaatooyinki hore.

Ugu danbayntiina wargayska addis maleda wax u soo ogaaday in daraasadka u sameeyay xafiiska horumarinta wabiyada ee lagu ogaaday 7da deegaan ee looga baqaayo masiibada daadka 600 oo milyan oo bir loo qorsheeyay oo lagu hawlan yahay sidii looga hortagi lahaa.


አዲስ ማለዳ Hamle 10 2013 No 4

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com