የእለት ዜና

Waxa la sheegay in sanadkana dagmada warobaabo ee deegaanka axmaarada u ayaxa saxarahu beeraha ku habsaday

Views: 69

Waxa wargayska addis maleda u waramay beero leyda deegaanka axmaarada ee konfurta walo ee dagmad warobaabo oo sheegay in sanadkii hore midhihi ka soo baxay beerahooda u madhiyay ayax,sidoo kalena duulaan ayaax ah u sanadkan midhihi u baxaxay u gaadhsiiyay khasaare.

Beero layd ayaa u waramay wargayska addis maled in imika ka hor ayaxii sida lama fiilaanka ahaa ee ku soo duulay beerihii u baxay beeraleeyda ee dagmadaasi khasaarihi u gaadhsiiyay, waxana ay sheegeen oo kale beerolaydaasi in ayaxa saxaruhu u sanadkan 5tii bishii hamle ee 2013ka u khasaare ba’an gaadhsiiyay beerahooda.

Beerolayda dagmadaasi ayaa sheegay midhihi ay beerteen oo wali soo baxaya in u ku habsaday ayaxaasi oo aanay dib usoo biqlayn.ayaxaasi ku soo beegmay xili ay midhahoodu u soo biqlayeen oo u ba’abiyay midhihi,dhinaca kalena madaama aan xaga dawladu wax ka hotag ah laga samayn ay sii balaadhin doonto khasaarahaasi.

Sida u ugu waramay mid ka mid ah beero laydaasi dagmadaasi ka tirsan dagmadaasi Axmed Yaasin wargayska addis maleda, ayaxa halkaasi ku habsaday maaha mid ay ka hortagi karaan oo kaliya shacabku, ilaa iyo xiligi u ayaxu halkaasi isugu yimid ilaa iyo imika dawladu wax ka hor tag ah oo ay samaysay ma jirto,midhihi noo soo baxayna wuu ba’abiiyay.

Xafiiska wasaarada ee beeruhuna in kasta oo u sheegay in halkaasi u ayaxu ka jiro,hadana waxa u sheegay xafiisku in u awoodi waayay keemikadi lagu ruushayn lahaa ee loo isticmaalayay helikobterka in u ku ruusheeyo ayaxaasi. sida u sheegay maareeyaha wasarada xafiiska beeraha ee qaybta ilaalinta dhirta mudane Belaayneh Niguse meelaha u ku habsaday ayaxu ee dagmadaasi ayaa ah meelo ay shacabku daganyihiin iyo meelo ay biyo fadhiyaan, sidaas darted ayaana u awoodi waynay in aanu ku rushayno kemikada.

Sida u ku cadeeyay hadalkiisa masuulku waxa u yidhi markii ay maqleen in dagmadaasi u ayax soo weeraray, in kasta oon isku daynay in aan ruushaynta halkaasi ka fulino,hadana meesha u ku habsaday ayaxu ayaa ah xaafado dhaxdeed iyo meelo ay biyo fadhiyaan in halkaasi lagu ruusheeyo keemikadana fa’aidadeeda wax ka badanaysa khasaaraheeda.

Waxa kale oo u sheegay in ayaxu u dagmadaasi soo gaadhay laga bilaabo 20kii bishii sane ee sanadka 2013ka laga bilaabo oo hadana sii badaanayo ayaxu,xiligan xaadirka ahna u khasaare ba’an gaadhsiiyay beeraha iyo dhulka daaqa ee halkaasi ka jira,in kasta oo ay beeraleeyda oo kaashanaya bulshada halkaasi ay isku dayeen in si dhaqmeed ah ay ku eryaan ayaxa hadana ay waxba ka qaban kari waayeen khasaaraha u gaadhsiinaayo beerahooda.

Balaayneh waxa u shacabka u ku adkeeyay inta dawladu ay helayso fursad ay keemikada ku ruushayso in ay shacabku iyo beerolaydu is kaashadaan oo ay sii wadaan sidi ay uga ilaalin lahaayen beeraha ayaxa.waxa kale oo la cadeeyay xafiiska wasarada beeruhu meel kasta oo u ku habsado ayaxa saxaruhu in ay ka fulin doonaan ruushaynta keemikada marka la awoodo oo la samayn doono ka hor tag inta aanu khasaare soo gaadhsiinna beeraha hawsheedana lagu jiro.

Sida u sheegay mudane Belaayneh waxa u ayaxu ka dilaacay deegaanka amxarada qaybta bari iyo badhtamaha deegaanka canferta,sidaas darted meel kasta oo ayaxu ku habsado xafiiska beeruhu si u uga hortago ayaxan in sii ka sii heer saraysa sanadkii hore u hawsheeda ugu jiraan.waxa kale oo u yidhi meelaha u ka dilaaco ayaxu ee aan markaaba xafiiska beeruhu soo gaadhi Karin in ay beerolaydu aysi adkayso ooy sii wado hawsha ka hortaga ayaxa.in deegaanka axmaaradana ayaxa ka jira ay dawladu si wada jir ah ula shaqaynayso deegaankaasi wuu sheegay.

Ayaxa saxaraha ee ka dilaacay deegaanka canfarta ka sakoow in dhinaca somaaliya iyo jabuutina u ka soo galay buu sheegay Belaayneh,sida oo kale waxa u sheegay in ayaxu xiligan xaadirka ahna u sii galayo deegaanka tigraay.sidoo kale xafiiska wasaarada beeruhuna asago ka baadi goobaya hawada ayaxa ku jira hawsha sidii ruushaaynta keekikada loo samayn lahaa.
Ugu danbayntii waxa u sheegay Belaayneh in la ogsoonyahay ayaxii kal hore u saamayn balaadhan gaadhsiiyay beeraha,balse duulaanka ayaxa ee sanadkani aanu gaysan doonin khasaarihi kal hore oo kale.


አዲስ ማለዳ Hamle 10 2013 No 4

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com