የእለት ዜና

Xiliga karanta oo dhibato lagala kulmo dhinaca korontada.

Dalkka etoobiya gaar ahaan magaalooyinka yaryar ayaa shacabka waxa ku noqotay caqabad xiliga roobabku ay da’an ee karanta laydka oo aad uga gogoa.karantan aan ku jiro laftigeeda waxa meelo badan oo ka mid ah magaalooyinka yaryar ee miyiyada laga arka in ay ka jirto laydhka oo aad uga taga, in kasta oo xafiiska adeega tamerta korontada ee etoobiya u marar badan sheego in isbadalo u ku sameeyay hadana marki ay roobabku bilawdeenba waxa bilaabmay in laydhku u ka gogo’o. arintanina waxa wargayska addis maleda ugu waramay shakhsiyaad kala duwan oo ka shaqeeya hawlo kala duwan.

Waxa la ogsoonyahay in dalka etoobiya u ufidiyo adeega korontada xafiiska adeega tamarta korontada ee itoobiya oo kaliya.xafiiskaasi adeega korontadana marar badan waxa laga muujiya cabashooyin ka soo yeedhaya isticmalayaasha adeega oo markasta waxa ka soo gaadha magic xumo,marka xiliga karanta ay tahayna cabashadu waa ay sii badata.

Xafiiska adeega tamarta korontada ee etoobiya oo damacsana in u ogaado adeega u ufidiyo macaamish in u ku filanyahay iyo in kale ayaa daraasaad sameeyay bishi hidhaar ee sanadkan 2013ka asaga oo la kaashanaya bangiga caalmiga, waxaana la sheegay in dalkeena u marar badan adeega laydhku u gogo’o sababo kala duwan awgeed.waxa kale oo intaasi dheer oo xusid mudan in sanadkii 2011kii laydhka galin galin loogu siidayn jiray macamiisha. Waxa kale oo warbixinta u soo saaray xafiisku ku xusan in sanadkii 2012kii si loo gaadhsiiyo awooda korontada macamiisha oo wax looga badalo in u massaariicyo kala duwan u sameeyay, in kasta oo u xafiisku sheegay in mashruucyo kal duwan u fuliyay hadana sida daraasadka lagu ogaaday waxa jirta cabasho badan oo ka imanaysa dhinaca macaamisha oo ah laydhka oo aad uga gogo’a. ¾ ka qayb  galayaasha daraasadkasi ayaa sheegay in dhibatada sonoqnoqoshada laydhka gogo’aya ay balaadhantahay, taasina ay tahay mid aad u badan.

Waxa xaqiiqo oo aan la dafiri Karin  in soo noqnoqoshada laydhka oo gogo’a ay caqabad ku noqotay hawlo kala duwan. Sida ay sheegayso war bixinta “the world bank’s enterprise surveys(WBES) ay soo sartay in wadamada ka hooseeya saxaraha afrika bil walb laydhku u ka go’o in ka badan 11 jeer,xiliyadaasna u laydhku ka maqnaado mudo aan ka yarayn ila iyo lix sacadood.

Xaladan oo dalkeenana ka jirta ayaa waxa la aaminsanyahay dalkeenana madaama u laydhku marar badan u bakhtiyo oo u mudo dheerna maqnaado ay ka soo gaadhaan khasaare badan oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba.

Baryahan danbe waxa ay dadku hawlo badan u isticmaalan laydhka, taasi oo ay keentay kalsoonida laga qabay laydhkana waxa ay abuurtay hadana dhibaato kale.

Mid ka mid ah macamiisha korontada oo bilaabay shaqo ah iibka canjeerada oo lagu dubo laydka oo aan rabin in magaciisa la sheego ayaa sheeggay laga bilaabo intii ay karantu soo gshay u sidi u ubaahna u shaqaysan kari waayay.

Waxa u yidhi shaqsigaasi oo u ku bilaabay hadaladiisa xiligan wa la ogsoonyahay caqabada jirta, sido kale shaqooyinkayagi sidi ku haboonayd waan u qabsan kari waynay oo faaidooyinkaygina caqabad bay ku noqotay, waxa u in taasi raaciyay macaamishayada xata si haboon u lama dhqano oo xiligii ay nooga baahnaayeen in wax soo saarkayaga aan gaadhsiino waan gaadhsiin kari waynay.

Waxa kale oo u yidhi marka u laydhku naga bakhtiyo waxaan door bidna in aan gacmaha duubano oo aan iska fadhiisano,taasina waxa ay nagu keentay in u dakhligayagu u hoos u dhaco.

Suraafel Geetajew oo ka ganacsada filimaanta dadka la daawadsiiyo ee interneetka kala soo dago oo u waramay wargayska addis maleda ayaa sheegay in u hawshan ka shaqaysanaayay lix sanadood, hadana karanta sanadkan waxba qabsan kari waayay. Waxa kale oo u yidhi hadii xita galin galin nalooga dhigaayo xiliga aan adeega korontada helayno ha na loo cadeeyo, hadii sidaasi ay noogu sheegan waxa naga yaraan lahayd kharashka aan ku bixinayno gadiidka.

Suraafeel oo ah mid ka mid ah dadka cabanay ayaa yidhi waxa isugu kayo biiray laydhka oo gogo’aaya iyo koronihii, waxa u hamigayagu noqday in aan is nidhaahno laydhka ayaa soo dhici ee goobta shaqada taga ,marka aan halkasi tagnona laydh la’anta jirta hadana dib aan guryahayaga ugu soo laabano. Laydh la’aanta awgeedna waxa aan ku waynay macaamishayadi waxa noo dheer kharash aan ku bixino gaadiidka.

Waxa hubaal ah in laydka gogo’aaya u dhibaato si toos ah iyo mid aan toos ahayn ba u ugaysanayo kuwa ka adeegsada laydhka, sida oo kale ay jiraan shaqaale mushahar ka sugaya iyo kharashaad kaleba tasina ay khasaare ku noqonayso.

Bekele Kifle oo ah maareeyaha xafiiska koomishinka adeega awooda korontada ee magalada addis ababa oo arintan ka hadlay ayaa yidhi awooda korontadu waxa ay u go’goda labo arimood kuwaasi oo kala ah laydhka oo xumaada iyo qorshe la’an.

Waxa u yidhi maareyuhu inta badan laydhka magalada ka go’oa waxa sababa asaga oo xumaada, inta badan geedahu marka ay lulmayan oo xadhkuhu istaabsadaan ayaa awooda korantadu ay ku kala go’odaa, marmarka qaarna xadhkaha oo iskood u kala go’oa ayaa sababa in ay awooda korantadu ay kala go’odo.

Waxa kale o yidhi masuulku waxa magalada addis ababa ka socda dhismoyaal dib u dhis ah marka dib u dhiskaasi aan u jarno awoodan waa qorshe la’an.

Mareeyaha koomishinkaasi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi xadhkaha oo markooda horeba daciif ahaa hadana marka ay roobabka xoogan ee karantu ugu darsamaan waxa ay u nuguladaan in ay xumaadan, sida oo kale xiliyadan danbe waxa tirarka laydhadhka rida gawaadhida oo jiidha, geedaha waawayn oo ku soodhaca iyo xiliyada la wado dhismaha wadooyinka oo xadhkaha la kala jaro,arimahaasina ay sababaan in mudo dheer latdhku u maqnaado in xafiiskoodana ay ka wadaan hawl lagu xalin karo dhibaatooyinkaasi oo ah maamul haboon.

Waxa kale oo u xusay maareeyuhu in dhibaatooyinki hada ka hor ka jiray dalka etoobiya ee adeega awooda korontada oo gogo’a si loo yareeyo oo gaadhsiinta awoodana la kordhiyo lagu hawlanyahay, waxaana ka mid ah arintaasi lagu hawlan yahay marka hore in la tiriyo oo la diiwaan galiyo hantida sida joogtada ah u xafiisku u leeyahay.

In kasta oo u xafiisku u sheegay in hantida la diwaan galinaayo ee ay ka midka yihiin xadhkaha dhaxdhaxaadka ah iyo kuwa yaryar iyo uruurinta xogta traansformada oo lanbaro lagu kala saaro loo sameeyo, hadana u sheegay in u ku hawlanyahay hawsha sidii xal hufana loogu xaliyo dhibaatooyinkaasi, balse wali aan la xalinin dhibaatooyinkaasi.

Berket Wubishet oo ah mid ka mid ah shaqaalaha kuwa macamiisha u soo dhaweeya adeega cuntada oo u waramay wargayska addis maleda ayaa yidhi imika ka hor ma jiri jirin laydh gogo’a, hadii u xita mar mar go’ona u hore u soo dhici jiray, imika se u maalintii oo dhan u ka bakhtiyo laydhku taasina ay khasaare ku keentay shaqadoodi.

Bareket oo hadalkiisa sii watay ayaa yidhi shirkadoodu malmaha aanu laydhku ka bakhtiyin waxa ay malinti shaqayn jireen lacag gaadhaysa 8 kun oo bir, balse intan u laydhku ka gogo’o ay jirto maalmo ay shaqeeyaan lacag gaadhaysa 350.

Macaamishaydu waxa ay u badanyihiin buu yidhi ardayda wax ka barata jaamacadaha gaarka loo leeyahay, ardaydaasina waxa ay halkan ka cunteeyaan xili qadaha hadii aan xili qadahana aan ka gaadhsiin wayno qadadii waxa nagu dhacaaya khasaare. Waxa u yidhi oo kale hawshayadu boqolkiiba boqol waxa ay ku xidhantahay laydhka kaasi oo si noqnoqosho ah nooga googo’ana waxa u nagu kalifay in aananu ka gaadhsiin kari waynay xiligi loo baahna, macaamishayadiina waxa ay doorbidaan in ay meelo kale tagaan. Waxana u nagu abuuray bu yidhi walwal.

Barakat oo xusay in bisha hamle u aad u sii batay dhibku, hadii nalooga dhigaayo in laydhku u galin galin noogu baxo ha na loo sheego. Marwalba marka u laydhku naga bakhtiyo ee aan tilifoon ugu sheegno in u naga bakhtiyay sida ay kolba noo leeyihin waa mushkild yar waa la idiin xalin oo hadana aanay iman oo aanay hadana noo hagaajin shaqo la’an moye xal kale ma hayno.

Macmiilkan oo dagan xafada loo yaqaano Hayle garment ayaa yidhi madaama ay dhibaatadani ka jirto meel kasta oo magaalada ka mid ah ayaa waxaanu ku noolnahay hami ah waa la hagaajin doona.

Mareeyaha wakaalada awooda korontada ayaa dhinaca kalena sheegay, in kasta oo ay dhibaatada ugu wayni tahay roobabka xoogan ee xili roobaadka hadana waxa caqabada ugu wayn ku noqday xafiiskooda dhibka xatooyada ee awooda. Dadkan ku dhaqmaya falka xatooyada awooda ee isticmaala ayaa waxa ay ku keentay cidhiidhi khadka taasina waxa ay samaysa in u laydhku u googo’o, sida oo kale traansformada iyo qalabyo kale oo dalka dibadiisa lagaga soo iibiyo lacagaha dibada in ay soo gaadhsiiyeen in ay hore u kharaaban.

Bekele Kifle oo si raaciyay hadalkiisa xalka dhibaatooyinka noocaasi ah lagu xalin kara ayaa ah in sacadaha laydhka badhitaan lagu sameeyo taasina hawsheeda ayaan wadna. Waxaana aan aragnay bu yidhi dad inta ay xadeen awooda korontada ku isticmaala shaqooyinka canjeerada lagu dubo, meelaha biraha lagu laxaamado iyo kooxo kale oo is kaashaday oo ku qabsada hawlaha yaryar iyo kuwa dhaxe. Dadkaasina sida sharci darada ah u isticmaalaya awooda korontadana si sharciga loo hor keeno in hawsheeda lagu jiro.

Mareeyaha oo sheegay in bajetka sanadka 2013ka ee magaalada addis ababa u xafiiska adeega laydh tiriigu u hawl fiican qabtay. In kasta oo sanadkan ay jireen dhibaatooyin dhinaca agabka ah hadana xiligan xaadirka ah waa la dhamays tiray. Si dhibaatooyinkan loo xaliyona waxa loo baahan yahay buu yidhi in bulshdu ay ka qayb qaataan sidi ay door uga ciyaari la hayeen.

In kasta oon la hubin xiliga laga takhalusi doono dhibaatada laydhka ee ka jirta magalada, waa in la rajeeyo uun rajada u hadalkiisa ku sheegay Berket ee ah wax baa laga badali doona.

 

 

 

 

 

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

error: Content is protected !!