የእለት ዜና

Saamaynta sicir bararka iyo halka ay u socoto

Views: 118

Waxa wargayska addis maleda la kulantay Senaayit Akaalu, Senaayit waa haweenay dhawr iyo sodon jir ah waxana ay leedahay 3 ciyaal ah waxana ay ka ganacsata ganacsiga waxyaabaha la isku qurxiyo ee loo yaqaano kosmotiks. Waxana ay sheegtay in xiligan xaadirka ah ay aad u adkaatay noloshu, waxana ay tidhi in war baahinadu ay aad uga warameen arintan oo wax isbadal ahna ay keeni waayeen sidaasi darteedna aan loo baahnayn in laga hadloba. Senaayit oo ka tagtay xafiiski ay ka shaqayn jirtay ayaa gurigeed mudo iska fadhiday. Balse madaama ay noolashu aad u qaaliyoowday waxa ay bilaawday ganacsi ay iskeed u furatay si ay wax uga cawiso odaygeeda oo reerkooda biliya.

Sida ay ugu warantay wrgayska addis maleda ayaa waxa ay tidhi xiligan xaadirka ah in 3 caruur ah la koriyo iska dhaaf oo waxa adkaatay in aan iskeen wax aanu cuno u helno. Waxaana ay sheegtay in caruurteeda labo ka mid ah ay dugsiga tagaan oo maceeshada aad u qaaliyoowday ka sakoow lacgta ay ku bixiyaan dugsiga ay jah wareer ku noqotay. Caruurtu cuntada ay u baahanyihiin in ay cunaan in la siiyo aad bay dhib u tahay, dadka sidayda dhakhliga dhaxdhaxaadka ah u soo gale ugu yaraan wax waan cuni karna, sicir bararka maceeshada ku kordhay mahaa mid mid dadka danyarta ah ka qaayb galinaya noolashooda, tusaale ahaan bay tidhi anigu waxyaabaha aan ka ganacsado aad bay u qaaliyoobeen. Mar marka qaar waxa aan is idhaahda inta aan lacag qaaliya ku iibsado intee in leeg baan hadana macamiishayda ka siin doona oo waxa aan iska daya in aan iibsado alabta qaar. Inta badan alaabada aan iibiyo waa qaar dalka dibadiisa laga keeno marka aan waydiino sababta ay u qaaliyoobeen waxa la iigu jawaaba doolarki ayaa kordhay.

Malinba malinta ka sii danbaysa oo ay noolashu sii qaaliyoobayso ayaa mar marka qaar waxa laga walaaca in wax lacuna akhiirka la waayo. War baahinada, dawlada, ganacsatada, bulshada iyo aqoonyahaaninta dhaqaaluhuba marar badan waxa ay ka doodaan sicir bararka. Aqoon yahaanintu waxa ay sabab uga dhigaan sicir barka sarifkii doolarka oo kordhay, daganaansho laanta dalka ka jirta iyo wax soo saarka oo aan ahayn mid ku filan.

Iskudwayaasha arimaha cuntada ee afrika ayaa sheegay in sicir bararka maceeshada ay tahay mid la xidhiidha yarida wax soo saarka.beerolayda dalkeenu waxa ay sheegan in wax soo saarka dalka ee ay soo saaraan oo ah boqolkiiba 80 iyo bulshadu aanay isku dheeli tirnayn. Malaayin qof ayaa sheegaya in wax soo saarka beeralaydu u kaalinta wayn ugu jiro oo hadana wax soo saarku aanu ahayn mid sidi loogu talo galay ahayn. Waxa kale oo ay xuseen in maceeshada qaaliyoowday ee itoobiya ay ka dhigtay in dadku aanay cunin cunto isku dheeli tiran. Sida oo kale waxa ay sheegen in qofki ubaahanyahy malintiiba in u cuno cunto isku dheeli tiran, balse aanu haysan lacag u ku iibsan karo, si qofku u uawoodo in u cunto isku dheeli tiran u cuno ay muhiim tahay in dakhligiis loo kordhiyo. Sida oo kale si loo koontroolo sicir baraka maceeshada ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waxa loo baahanyahay in la kordhiyo awooda wax soo saarka.

Marka laga hadlaayo noolasha qaaliyoowday sababaha keeni kara ee ugu muhiimsan waxa ay u qaybsamayaan 4 marxaladood.waxa sidaasina yidhi Zeenaw Alemu ah macalin wax ka bara jaamacada addis ababa. Afartaasi sababoodna waxa ay kala yihiin bu yidhi culaysyada soo gaadhaya shakhsiyaadka, qooyska, bulshada iyo dawlada weeyaan.waxa aanu yidhi qaybahaasi oo xidhiidh ka dhaxeeyo awgeed ayuu dalka ku keeni karo culays kaga imanaya sicir bararka.

Waxa kale oo u wargayska addis maleda u faahfahiyay mudane Zenaawi in sicir bararku u nolasha shaqsiga ku keeni karo culaays dhinaca bulshada, dhaqaalaha iyo maskaxiyanba. Arintanina maadama ay shaqo la’an keeni karto waxa laga yaaba in shakhsiyaad badani ay bila shaqo noqdaan. Sidaas darted waxa ay ku khasbanyihiin in shakhsiyaadku ay ku dhaqmaan falal xatooyo ah, sida oo kale waxa u intaasi raaciyay shakhsiyaadka lagu shaqaalaysiiyo mushahaarka yar ee ka yar wxii ay u baahnayeen ee daruuriga ahaa waxa laga yaaba in ay khasb ku noqoto in u musuqmaasuq u sameeyo asaga oo an rabin.

Zeenaawi waxa kale oo u yidhi dadku in ay noolashooda ka adkaadan ka sokow waxa ay ka warwaraan in ay wax ay cunaan heli iyo in kale. Si ay u helaan cunto ay cunaan waxa ay u baahanyihiin lacag ku filan, hadii aanay helin lacag ku filanna waxa ay door bidaan in ay ku dhaqaaqan falalka xatooyada. Hadii la soo hadal qaaday xatooyada bal aan isku dayno in aan ka warano marxalado kala duwan oo u wargayska addis maleda soo indho indheeyayoo ku saabsan xatooyada, waxa jira kooxo is bahaystay oo tuug ah waxaana ka mid ah basak caasiga loo yaqano ee tagaasida ah in ay iska buxiyaan tuug miidhan oo hal qof meeshi u fadhiisan lahaa oo kaliya la baneeyo marka u qoofku soo galo ee u gaadhigu dhaqaaqo qofka ayaa la jah wereeriya ayada oo wax yaabo badan qaylo loogu sheegayo, sida xagaa u durug mask xidho foorarso si aanu tiraafiigu ku arag iyo wax yaabo la mid ah oo jeebkiisa wixi ku jiray marka lagala baxo qofkii oo marka horeba nolasha la wareersan arintani oo kalena ay ku dhacdo waa waali caadi ah. Hadaba dadkan ku dhaqmay xatooyada ayaa noqon kara dad ay ku khasabtay nolashu. Arintanina waxa ay ku keeni kartaa dadkaasi bu yidhi Zeenawi dhibaato dhinaca maskaxda ah.

Waxa kale oo u sheegay in inta badan dhalinyaradu ay noolashu ku khasabto in ay tuug noqdaan. Marka ay dhax galaan falkaasina ay ku adagtahay sidii ay uga soo bixi lahaayeen maadama aanay haysan wax ay cunaan, arintaasina ay ku keenayso in u qofka naftiisu ay cidhiidhi gasho waxa ku abuurmaya baqo,cidhiidhi iyo maskaxiyan culays soo gaadha. Ugu danbaynta qofu waxa u gaadhaya heer u rajo laan ka gaadho naftiisa. Qofku marka u rajo beelo waxa u gaadha heer u naftiisa dilo.

Zeenawi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi culayska ay bulshada ku abuuri karto sici bararku ma sahlana, qooysku waxa u ka kooban yahay aabo, hooyo, caruur iyo cidi kale ee la nool, dadka qooykooda biiliya hadii ay waayan wax ay ku biili karaan qooyskooda waxa hubaal ah in ay ka walacaan wixi ay cunsiin lahaayeen qooyskooda.

Sida oo kale waxa u xusay Zeenaawi in qofka qooyskiisa wax siiya u hubiyo in ugaadhsiin karo wixii ay u baahnaayeen waa in u dakhligiisu noqda mid ku filaan kara qooyskiisa, laakinse arinta dhabta ah ee xiligan xaadirka ah la arkaayo way ka duwantahay sidaas. Bulshada badankeeda dakhliga soo galaya iyo kharashka ay ku bixinayaan baahidooda is ma laha. Marka aan ka fakirno qooysaska bu yidhi waxa hubaal h in aan aragno dad u ordaya si ay u helaan noolal maalmeedkooda, maadaama hadana orodkoodaas aanay ku heli Karin dakhligi ay u baahnaayeen ayaa waxa ka dhax dhalata isku dhacyo qooyska dhaxdiisa ah, sida ninka iyo xaaskiisa oo marar badan isku dhaca, caruurta oo shaqooyin aanay awoodi Karin ku dhaqaaqa in caruurta lagu dawarsado iwl.

Dhibatooyinka noocaasi ahna waxa ay ku kalifi karaan in qooysku u burburo, in shaaqooyin aan ku haboonayn laga shaqaysto iyo in falal danbiyo ah la sameeyo.waxana ay carqalad ku keenaysa xidhiidhki bulshada ka dhaxeeyay. Waxa yaraanaya hawlihi bulshada lala qaybsan jiray tageeradi dhaqanka u ahayd itoobiyaanimada, hagbadi, ururki iyo waxyaabihi kale ee isku xidhayay bulshada ayaa meesha ka baxaya waxaana sabata kawaad u ah nolosha sii qaaliyoobaysa. Arintana waxa ay keenaysa in bulshada aan ka dhax baxno in bulshada laga dhax baxaana waxa ay sababaysa cilad maskaxiyan ah. Badana si ay dadku nolashooda uga adkaadaan waxa badanaa ay ku kalifta in u daayn galo, daayntu marka ay badatona in qofku wax kaydsado iska dhaafo wax u daaynti ku bixiyo ayuu waayaya.

Sidaas darted bu yidhi Zeenaawi dhaqankeena in wax la kaaydsado oo markeeda horeba ahaa mid liitay ayaa meesha ka baxaya, waxa kale oo u yidhi sicir bararku marka loo eego dal ahaan culayska u ku keeni karaa maaha mid sahlan. Waxaana ka abuurmaya shaqo la’an, sharci daro iyo in u musuqmaasuqu u bato. Sharci daroduna waxa ay dalka ku abuuraysa culays dhinaca dhaqaalaha ah. Shakhsiyaadkana waxa looga baahanyahay buu yidhi in ay ku dadaalaan sidi dakhligooda ay kor ugu qaadi lahaayeen in ay falawgeed qabtaan oo ay yareeyaan waxyaabaha ay kharashka ku bixinayaan, in ay iska yareeyaan waxyaabaha raaxada loo isticmaalo. Si loo kordhiyo dakhliga soo galaya waxa xalka koowad u ah oo loo baahanyahay in lagu dadaalo sidi shaqooyin dhawr ah looga shaqaysan lahaa.

Dr. Sewale Abaate oo maareeyaha jamacada addis ababa waaxda ganacsiga iyo dhaqaalaha ahna gudiga bangiga buna ayaa sheegay in sarifka lacagaha dibada oo bangiyada ay ka muuqato korodh waxa hadana sarifka suuqa madoow oo si xad dhaaf ah u kordhay ayaa ah sabata ugu wayn ee keentay sicir bararka, waxa sida oo kale sabab u ah in u sarifka doolaarku u kordho dagaalada ka jira deegaanka tigraay iyo wadamadi caawimada na siin jiray oo yaratay cawimadoodi. Waxa dadka qaar ay sheegayan in dawladu ay talaabo ka qaaday 13 ka mid ah hayadihi ka shaqysan jiray sarrifka suuqa madoow ay sababtay korodhka sarifka ee doolarka, korodhkan sarifka ee doolarku waxa u kor u qaadaya qiimaha wax kala iibsiiga. Waxa kale oo u yidhi maadama dalka itoobiya gudihiisa waxyaabah lagu iibiyoi ay nooga soo galaan dalka dibadiisa sarifka doolarku marka u kordho waxa u sababayaa in qiimaha wax lagu kala iibsado u add u kordho. Waxa kale oo qiimaha iibka kor u qaadaya dagaalda iyo culayska nagaga imanaya wadamada dibada sbabta kalena waxa weeyaan bu yidhi in ganacsatadu ay qariso badeecadihi ay iibin jireen.

Waxa kale oo culaays kale keenaya in ay ganacsatadu alaabada aan dibada laga soo galinin ay ku iibiyaan qiimo sare oo ay sabab ka dhigtaan doolarki ayaa kordhay.waxa u yidhi masuulkaasi dadka ugu horeeya ee ku wax yeeloobaya arintani waa dadka mushahaarka bishii qaata iyo shaqaalaha dawlada. Bangiyadu ma haystaan lacagaha dibada in ku filan oo ay siiyaan ganacsatada dalka dibadiisa wax ka so galisa, sida oo kale bangiyadu doolarka waxa ay ka helaan in ay iibsadan doolarka iyo in ay ka helaan bulshada ganacsatada ah ee dalka dibadiisa u dhoofiya, dadka dibadaha ku nool lacagaha ay soo diraan, marka dadka dalxiiska u imanaya dalka ay sarifanayaan lacagahooda iyo doolarka laga helo caawimada ay na siiyaan dalalka dibaduhu. Sarifka bangiyada iyo suuqa madoow farqiga u dhaxeeya ayaa keenaya in dadka lacagaha ka soo diraya dalka dibadiisa oo shakhsiyaadki ay u soo dirayeen u sheega in aanay bangiga tagin, sida oo kale dal xiisayaasha oo loo sheego in aanay bangiga ka sarifanin. Markaasna waxa aad u yaraanaya cadaki doolarka ahaa ee ay bangiyadu heli lahaayeen. Markaa doolarka ay bangiyadu heli lahaayeenna u yaraado waxa ay dawladu door bidaysa in ay mudnaanta siiso wax soo saarka dalka dibadiisa laga soo dhoofiyo.

Marka ganacsatada dibadaha alaabada u dhoofisona ay waydo fursadaasi waxa ay ku dhaqaaqayaan in ay suuqa madaw tagaan. Arintanna waxa ay keentay in muwaadiniin bulshada ku dhax jirta ay sameeyeen suuqa madoow. Saamayntu waxa ay dib ugu soo noqonaysa qayb ka mid ah bulshada laftigeedi, sidaas darted waxa bulshada looga baahanyahay dabao galka ay dawladu samaynayso ka sakow in ay iska daayan suuqa madow oo ay bangiyada ka sariftaan oo kor loo qaado doolarka bangiyadu ay helaan. In bulshadu ay feejignaato oo ay far fiiqid ku sameeyaan dadka sidaasi samaynaya oo ay dantooda ka horaysiiyan danta dalka si dhaqaalaha dalku u kor ugu kaco sicir bararkuna u hoos u dhaco. Bulshada dalkeenu in ay lacag kaydsadaan waxa ay ka door bidaan in ay kharash badan bixiyaan, taasina waxa ay keenaysa in kharashka ay bixinayaan u ka bato kan soo galaya, ugu danbayntina waxa u masuulku u sheegay in bulshda looga baahan yahay in ay ka shaqaystaan dhawr shaqo si ay u helaan dakhli dheeraad ah. Haayadaha sida sharci darada ah u shaqaystana in la hor keeno sharciga iyo in la yareeyo suuqa sida sharci daroda ah wax loogu kala iibsado ee qiimaha aan haboonayn dul saarta badeecadahooda.


አዲስ ማለዳ Nahaase 8 2013 No 8

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com