የእለት ዜና

Waxa la sheegay in arintii dadkii aan hantidooda u soo diiwaan galinin sidi ugu haboonayd ee loo diray xeer ilaaliyaha guud ay daahday

maareeyaha xafiiska ogaysiinta hantida iyo diiwaan galinta oo u waramay wargayska addis maleda ayaa sheegay in xafiiska anshaxa iyo ka hor taga musuq maasuqa ee federaalka oo hada ka hor dadkii hantidooda aan sidi ugu haboonayd u soo diiwaan galinin, kuwii la soo daahay in ay diiwaan galiyaan hantida ay haystaan iyo iyo kuwii farqiqa wayni u dhaxeeyay hantida ay soo diiwan galiyeen iyo waxa ay haystaan oo loo diray dacwadooda xeer ilaaliyaha guud ayaa waxa u sheegay in arintaasi annny u soconin sidii loo baahna.

Masuulkaasi ayaa sheegay in koomishiinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maasuqau in si dadkaasi xaaladooda loo baadho oo dacwad loogu soo oogo failo sharciyaysan loo diray xeer ilaaliyaha guud, hadana geedi socodki dacwadaasi iyo baadhitaanki lagu samaynaayay ayaa dib u dac ah. Sida oo kale waxa u yidhi waxyaabaha la xidhiidha dacwada iyo baadhitaanka waxa ay ka baxsantahay shaqadayada sidaas darted waxba kama qaban karno. Ayada oo lagu salaynaayo bayaanka tirsigiisu yahay 668/2002 qaybta 11aad ee ogaysiinta hantiuda iyo diiwaan galinta ayaa waxa u awood noo siiyay komiishiinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maasuqa in aan hubino xogta ku saabsan hantida la diiwaan galiyay wixii intaasi ka baxsn se waxa ay khusaysaa booliska iyo xeer ilaaliyaha guud.

Waxa u sida oo kale u sheegay in xeer ilaaliyaha guud iyo komiishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maasuqa ay ka dhaxayso heshiis arintan ku saabsan oo imikana lagu jiro hawshi sidi hore arintan loogu dhamayn lahaa.

Sanad miisaaniyeedka sanadka 2013ka ayaa waxa la xaqiijiyay in heer federal lagu sameeyay baadhitaan shaqsiyaad ay tiradoodu dhantahay 386 in si saxsan ay hantidooda ay u soo diiwaan galiyeen iyo in kale, waxana la ogaaday in boqolkiiba 47 shakhsiyaadkaasi in ay siiyeen xog khaldan. Qaar badan oo ka mid ah kuwaasi ayaa hantidoodi ay diwaan gasheen iyo badhitaanki lagu sameeyay hantidooda ay farqi yar u dhaxeeyaan waxana la siiyay digniin qoraal ah waxaana la ogaaday in ay dib hantidoodi u soo diiwaan galiyeen. Sida u sheegay Mesfin Belaayneh in kuwi kale ee ay hantidi ay sheegteen iyo dabagalkii lagu sameeyay lagu ogaaday in farqi wayni u udhaxeeyo in aritooda u gacanta u ku hayo booliska baadhaya arintaasi oo hawsheedana lagu jiro.

In kasta oo bu yidhi hawsha diiwan galintu ay xoog u socoto hadana in la soo xaqijiyo waxa ay qaadanaysa wakhti dheer, hawshu maaha mid ku kooban qofka hantidiis diwaan galinaya oo kaliya ee waxa ay khusaysa oo kale ehelada shakhsigaas.

Waxa kale oo u xusay in hawsha lagu hubinaayo u koomishinku iskiis u wado baadhitaanka oo umeelaha u ka shakisanyahay in u musuq ka jiro, shakhsiyaadkii hantidoda sida saxda ahna u soo diiwaan galiyayna hawshi lagu hubinaayay ayaa dib u dhacday. sidii loogu talo galsana in lagu hubiyo waa la awoodi waayay taasina waxa ay ku yeelanasa saamayn hawsha.

Mudane Mesfin ayaa waxa u sheegay oo kale si loo dadajiyo hawsha hubinta oo looga dhigo mid midho dhal leh waa in ay ka qayb qaatan bulshadu, waa in ay dadku soo sheegan waxyaabaha ay ogyihiin oo ay kalin wayn ka ciyaaraan madama ay hantida la soo husanaya aanay aad u badnayn wakhtigi dheera ee ay qaadan lahaydna ayay soo koobaysa.

Sida u sheegay koomishinka anshaxa iyo ka hor taga musuqmaasuqu si guud waxa loo baahanyahay in sharciga lagu saleeyo oo shakhsiyaadka hantidooda looga baahanyahay in ay soo diwaan galiyaan ay in sida saxda ah iyo si daacad ah ay u diiwaan galiyaan, hadii kale se kuwa isku daya in ay hantidooda qariyaan oo ay sheegaan xogta khaldan waxa lagu tilmami doona qaar hanti aan la garanayn meesha ay ka soo gashay haysta oo sharcigana lagu waydiin doono waxaana lgala wareegi doono hantdooda waa in ay sidaasi u fahmaan.


አዲስ ማለዳ Nahaase 8 2013 No 8

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

error: Content is protected !!