የእለት ዜና

Xili roobaadkan ayaa caruurta yaryar ee darbi jiifka ah ku noqotay culays ay xamili kari waayeen

Views: 122

Wiil yar oo magaciisa la yidhaahdo Roobel Alemu oo ku dhashay magalada goojaam ayaa xiligan xaadirka ah ku nool magalada addis ababa xafada la yidhaahdo megenaanya waxan u nolashisa ka dhigtay darbi jiif. Roobel waa 12 jir, waxa asaga iyo abiihi isugu danabaysay asaga oo 8 jir ah. Lixdii sanadood ee u hoyadi iyo abihi la noola waxa u ka dhaxlay qooyskiisa calool xumao, xumaan, yasitaan iyo in markasta la is dilo. Roobeel waxa u ku garwaaqsaday abihi iyo hooyadi oo markasta is haysta oo murmaya. Waxa intaasi u dheerayd abihii oo markasta hooyadi ku hor dila. Marka hooyadi oo oyaysa u arko waxa u isku dayi jiray in u abihiis dilo, balse awoodiisa ayaan u saamixi jirin in u abihii u wax yeelo.

Arintaasi oo u markasta arko waxa ay ku beertay malinba malinta ka danbaysa in u Roobeel abihi u nacayb u qaado.markii ay dadiisu waynaatayna waxa u bilaabay in u naco gurigooda, marka u asxaabtiisa u tago ee u la soo ciyaaro waxa u dareema nabadgalyo, balse asaga oo asxaabtiisa la ciyaaraya kolba waxa niyada kaga soo dhaca arinta qooyskooda waxaana u markasta is waydiiya maxay hooyaday iyo abahaay markasta isu layaan ee ay u heshiin waayeen.

Markasta oo u kasoo noqdo asxaabtiisa oo u is yidhaadhahdo xafadiini tagba waxa maskaxda kaga soo dhaca qaylada hooyadi iyo aabihi, malin maalmaha ka mid ah markii u guriga soo galay waxa u arkay wax aanu filanaayn aabihii oo hoyadii six un u dilaya aad baanu u oyay.

Malintaasi ayuu aabihiis ka tagay. Hoyadi ayaa magalada addis ababa u soo kaxaysay. Waxaana sii badatay dhibaatadoodi, in kasta oo ay hooyadi ay bilawday shaqo ay xaafadaha canjeero ugu dubto hadan buul yar oo ay habeenki dhinaca dhigaan xata ma haystaan. Waxa ay bac yar ku xidheen xafad dhaxdeed oo ay bilaabeen in ay ku noolaadaan. Inta ay hooyadi lacagtii ay ku shaqaysatay ee bishi ay helayso waxa ay ku dawarsadaan darbiyada si ay u helaan wax ay cunaan.

Xiligan xaadirka ah waxa ay ku suganyihiin addis ababa xafada megenaanya, Roobel oo u waramay wargayska addis maleda ayaa yidhi xili roobadkan ama karanta waxa aanu ku dhax noolnahay guri aan bac ka dhisanay si aanu u helno wax aanu maalinti cunona waxa aanu ku wareegaysan xaafadaha iyo darbiyada oo aanu ka uruursana sanaatin.

Hadii aanu wax soo helnona waanu cuna hadii kalese inta aan iska duucaysano ayaanu iska seexana, sidaasi ayaana astaan u ah nolashayada. In dadka la is hor taaago oo la dawarsado waa olol ku leefaya oo an la arkayn, in kasta oo ay jiraan dad nasiiya wixi aan maliti cuni lahayn hadana waxa jira dad aan shilin noo quudhayn oo hadana na caaya. Meesha aan anagu seexano waxa ka nadiifsan suuliyada dadka taajiriinta ah, ciida ayaanu dul seexana korkana waxa aanu ka huwana bac.

Waxa kale oo u yidhi gurigayaga giddarkiisu waa bac xiligana waxa noo saqaf ah roob, gidaarkayaguna waa dabayl, dharkayaguna waa dhaxan, furaashkayaguna waa dhiiqo. Sanad kasta waa noo sidaas.

Nolashayadu waa sidan bu yidhi dhaxantu lafaha ayay ku jajabinaysa roobkuna wuu ku qooynaya xili roobaadkana gaajadu way sii siyaada. Aniga iyo hooyaday madaama aan xirfad u leenahay gaajada wixii aan soo dawarsanay marka aan u qaybino kuwa nala midka ah ayaanu ku dharagnaa.

Bini aadamka baahidiisa hadi la tiriyo ma dhamanayso qofku waxa u haysto mooye waxa kale ee u baahanyahay hadii latiryona waxa cid walba maskaxda kaga jira ayaa markhaati ka ah.
Hadaba arintu si kastaba ha ahaate qofka ugu yaraan waxa muhiim u ah ee u baahan yahay sadix shay, kuwaasi oo kala ah cunto u cuno,hoy u ku hoydo iyo dhar u xidho. Hadii sadixdaasi shay u helo qofku wuu noolaan kara.

Dunidan aanu ku noolnahay waxa ka jira dad labo nooc ah. Kuwa ugu horeeya waa kuwa u nool cunto kuwa labaadna waa kuwa cuntada u cuna si ay u noolaadan. Kuwa u nool si ay cunto u cunaan waa kuwa ku nool nolosha raaxada ah, kuwa cuntada u cuna si ay u noolaadanna waa kuwa ay noolashu ku qasbayso . dadkaasi labada nooc kala ahna waxa loo weeyaan noolasha taajiriinta iyo masaakiinta.cida u fiirsata farqiqa u dhaxeeya si loo helo alabada raaxada ah inta lagu daalo iyo in la helo waxyaabaha daruuriga ah helitaankood sida loogu daalo wax naga daahsoon maaha.

Hadii aan iska dhaafno daka raaxada kunool waxa jira dad yidhaahda waxyaaah daruurig ah wax ay naga fogyihin inta u cirku noo jiro.dalkeena waxa jira dad noolashooda ka dhigtay darbiyada oo isgu jira wayeel iyo caruur gaar ahaan meelaha ay dadku ku badanyihiin waxana tusaale u noqon karta casimada dalka ee addis ababa.

Waxa la sheegay in dalkeena guud ahaan ay ka jiraan dad darbi jiif ah oo gaadhaya 88 kun iyo 960. 3000 oo ka mid ahna waxa darbiyada ka qaaday dawlada iyo haayado aan dawli ahaayn oo noloshoodi darbiga wax ka badalay, 85 kun iyo 960ka hadhayse waxa ay ku noolyihiin darbiyada. Tiradaasi kor lagu soo xusayna intooda ugu badan waxa ay ku noolyihiin darbiyada magalada addis ababa.

Darasaad lagu sameeyay dadkaasi ayaa sheegaya in 50 kun oo ka mid ah oo ay caruurina ku jirto in ay ku noolyhin magalada addis ababa, waxa caadi noqotay in darbiyada lagu arko dad waayeel ah iyo kuwo laxaad la’aba.

Arintu si kastaba ha ahaate waxa jira caruur yar yar oo u baahan in fiiro gaar ah la siiyo, caruurtaasi oo wadooyinka addis ababa baco goglada oo roobka iyo cadceeduba ay ku dhacdo oo oyayaya ayaa dadku si dhayal ah inta u eegaan iska dhaafaan.

Waxa la ogsoonyahay in dalkeena ay ka jiraan caruur ay nolashu u saamaxday in ay nolol fican ku nool aadan oo marka ay da’adoodu gadho in ay dugsiyada galaan dugsiga la geeyo wax kasta oo ay u baahanyihiina hela.

Sida oo kalena waxa jira caruur wadooyinka baco goglada halkii ay ka tagi lahaayeen dugsiyada, waxa kasta oo ay u baahan yihiinna ay ku adagtahay in ay heelaan oo qaada masuuliyad aanay qaadi Karin da’adoodu, halkii ay ka ciyaari lahaayeenna si ay baahidooda u buxiiyaan ku wareegaya meelo kala duwan oo dawarsada.

Nolasha bini aadanku way kala duwantahay cid kastaba waxa ay ku nooshahay wixii ay nolashu u ogolaatay. Dadku si ay ugu noolaadan darbiyada waxa ku kalifa wax yaabo kala duwan oo dadka laftigoodu ay sabab u yihiin. Dhibaatooyinkaasi ay sababeen dadku misiibooyinka lagala kulmo waxa markhaati ka noqon kara kuwa darbiyada ku nool.

In caruurta yar yari ay darbiyada ku noolaadan waxa ku kalifa labo sababood oo kala ah dhibaatooyinka dabiiciga ah sida dhimashada walidiinta iyo abaaraha tan kalena waa mida ay biniaadanku sababaan oo kala ah sida qooyska oo is fahan la’an ku burbura, dagaalada iyo kufsiga loo gaysto hablaha yar yar ayaa ka mid ah.

Waxana tusaale u noqon kara sababaha ay biniaadamku ku kalifaan in caruurtu ay darbiyada ku noolaadan oo ay ka mid tahay qooyska oo burbura wiilka yar ee wargayska addis maleda u waraystay.

Waxa u wargayska addis maleda u fursad u helay in u wax ka waydiiyo kuwa caruurta yar yar darbiyada ka qaada ee wax u tara oo ay ka mid yihiin Ermiyaas Zina iyo Asmaroom Tafara.Ermiyaas Zina ayaa yidhi in caruurta yar yar ee darbiyada jiifa ay dhibaato laxaad la’a soo gaadho si gaar ahna xiliyada roobabka, in kasta oo u xiligan xaadirka ah u ku hawlan yahay hawsha samo falka oo u darbiyada ka qaaday 32 caruur ah oo u wax baro, hadana bu yidhi way nagu adagtahay in aan wax u wda qabano caruurta yar yar oo dhan waxaana wali jira buu yidhi caruur badan wadooyinka magaalada jooga oo rooobabka iyo cdceeduba ku wax yeeleyaan.

Waxa u yidhi waxa sababa in ay caruurta yar yari u soo baxaan darbiyada cafimaad darida walidiinta iyo dhimashada, sababaha la xidhiidha nolasha qaaliga ah oo ay heli kari waayan lacag ay guryo ku kiraaystaan ayaa ah sbabaha ugu waawayn.waxa kale oo Ermiyaas u addis maleda u sheegay in caruurta u caawiyo ka sakoow u wayeel gaadhaya 270 oo aan haysan cid wax tarta u malin kasta cunto ku siiyo meeshiisa oo hadana ku soo noqda meesha ay ku noolyihiin.

Waxa u yidhi Ermiyaas sabata ay marka ay cuntada cunaan kadib ugu noqonayaan darbiyada ay ku noolyihiin ayaa ah in aanay u haynin meel u fadhiisiyaan. Dadkaasi maalin kasta ku soo noqnoqda ee u cuntada siiyo waxa ka mid ah buu yidhi hoyooyin todoba sano in ka badan ku nool darbiyada oo bac goglada oo bacna huwada oo aan haysan dad wax siiya.

Waxa ay Ermiyaas iyo Asmiroom sheegeen in dadka darbiyada u soo baxa ay ku kalifto waxyaabo kala duwan tusaale ahaan waayeelka waxa ku kalifa ayaa ah ayaga oo aan haysan cid daryeesha iyo laxaad li’I halka caruurta yar yarna ay ku kalifto in ay walidiintoodu ka dhintaan iyo kufsiga loo gaysto hablaha, waxaana aan ka baranay taariikh nololeedkood oo an wax ka waydiino.
Waxa ay intaasi ay raaciyeen in caruurta ay cawiyaan ay ka mid tahay inan 14 jir ah oo la kufsaday oo haysata ilmo yar oo sanad jira. Kufsiga loo gaysto hablaha yar yarna ay sabab u tahay in ay darbiyada u soo baxaan arintaasina ay tahay mid la canbaareeyo.

Waxa kale oo ay yidhaahdeen in dadka ay caawiyaan ay ka heleen wadooyinka ayaga oo baco gogladay oo baco huwada, hadii ay qaar kalena ka qaadi lahaayeen darbiyada ay san u haynin meel ay ku xanaaneeyan.

Ermiyaas iyo Asmiroom waxa ay wargayska addis maleda u sheegeen in samo falkan ay ku hawlanyihiin ay caawimo uga uruuriyaan shakhsiyaad iyo hayadaha gaarka loo leeyahay oo aanay wax cawimo ah haba yaraate aanay ka helin dawlada. Hadii ay dawladu nagu caawiso oo dhul ay nasiiso taasi oo dhibaatadayada ugu wayn ah wax aan diyaar u nahay in darbiyada aan ka qaadno dad tiro badan oo kale oo darbiyada ku nool.


አዲስ ማለዳ Nahaase 15 2013 No 8

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com