የእለት ዜና

XWaxa la sheegay in ay daahday hawsha dhismayaasha kaabayaasha dhaqale oo 45 jaamacadood loo samaynaayay is fahan la’anmka ka dhax abuurantay cidii ay khusaysay arintani

Waxa sida oo kale la sheegay in dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalahe ee 45ka jamacadood loogu dhisaayo misaaniyad dhan 92 bilyoon oo bir la dhamays tiri kari waayay is fahan laan ka dhax dhalatay cidi ay arintani khusaysay.

Hayada dabagalka dhismayaasha ayaa sheegtay in ay dawladu u qorshaysay misaaniyad dhan 92 bilyoon oo bir machadka waxbarashada heerka sare 45 ka mid ah si loogu dhiso dhismeyaal kaabayaasha dhaqaale ah oo la bilaabay dhismahooda, balse lagu dhamays tiri kari waayay xiligi loogu talo galay kaasi oo ay ka dhax abuurantay Isfahan la’aan kuwi dhismaha dhisayay,kuwii dhismaha mareeynayay iyo la taliyayaashi dhismaha in xiligii loogu talao galay dhismayashaasi la dhamays tiro oo la dhamays tiri kari waayay.

Siisaay Dheribe oo ah madaxa waaxda xidhiidhka dad waynaha hayada dabogalka hawlaha dhismayasha oo u waramay wargayska addis maleda ayaa sheegay in machadka waxbarashada heerka sare qaar ka mid ah la damcay in loo dhiso qolol ay ardaydu wax ku bartaan, guryo ay ku noolaadan, hoolal lagu shiro,qolol loogu talo galay cilmi baadhista iyo qaar kale oo geedi socodka baris barashada ka dhigi kara mid guul leh oo gaadhaya mashaariic 754 dhismeyaal ah oo la bilaabay mar hore.

Waxa kale oo u sheegay in dhismayaashan kaabayaasha dhaqale ah ee la bilaabay in ay ahaayeen kuwo geedi socodka baris barashada ka dhigaya mid firfircoon oo midho dhal leh. Qaar ka mid ah kuwa ka hawl galaya dhismayaasha kaabayaasha dhqaale ee machadyada oo lacag ka qaatay hayadihii dhisi lahaa dhismayaashasi oo ka cago jitay ayaga oo kolba badbadalaya cinwaankooda iyo la taliyayaasha dhismayashaasi oo ay ka muqatay is fahan la’aan baladhan oo dhinaca iskaashiga iyo wada shaqynta ah in ay sabab u noqotay dib u dhaca dhisida dhismayaashaasi.

Waxa kale oo u cadeeyay in cabuqa covid 19 oo ka dilaacay guud ahaan caalmka iyo dalkeenaba iyo korodhka qiimaha ee alaabada dhismayaasha ay qaarkood ka dhiganayaan marmarsiiyo, hadan in arintaasi aanay sabab u noqon Karin dhismayaashan kaabayaasha dhaqaale oo sanado ka hor la bilaabay.

Siisaay oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kaabayaashan dhaqaale ee laga bilaabay machadyada waxbarashada heerka sare ee aan la dhamayska tirin in ay saamayn wayn ku noqon karto tayada waxbarashada iyo qaabilaada ardayda cusub,sida oo kale ay culays ku keenayso miisaaniyada dalka.

Waxa kale oo u sheegay in gudi lga soo kala xushay machadyada waxbarashada heerka sare oo ilaa bisha nahaase 30keeda daraasad ku samayn doona oo soo ogaadana dhibaatoooyinka asaasiga ah ee dib u dhigay dhismayaashasi soona ban dhigi doona si dhismayaasha qabyada ah loo dhamays tiro oo looga dhigo qaar adeeg hufan bixiya.

Waxa kale oo u yidhi dhismayaashan kabayaasha dhaqaalaha ah oo misaaniyad badan ay dawladu ku bixisay oo ah qaar muwaadiniintu ay isticmaali doonaan ayaa waxa loo bahan yahay in si xamaasd leh oo dareen muwaadinnimo ay ku jirto loogu dhamays tiro. Sida oo kale in si qoto dheer ay uga qayb qaadan doonan hawsha dhamaystirka dhismayaashaasi machadyada waxbarashada heerka sare gudigaasi loo doortay iyo machadyaaduba.

Waxa kale oo u sheegay wargayska addis maleda masuulkaasi in kasta oo ay jiraan hawlo badan oo aan ku khasaarnay ka dal ahaan si khasaarahasi aan uga soo kabanona la wado hawl wadeeno ah, in loo baahn yahay in talaaboyin laga qaado. Waa in laga tacliin qaato hawshan machadka waxbarashada heerka sare ee soo cago jiitantay oo dhismayaasha kale ee la midka ah aan lagu celinin falkan oo kale.

Ugu danbayntiina waxa u hadalkiisa ku sheegay in mashaaricda kale ee dalka laga samayn doono ee kaabayaasha dhaqale loo bahan yahay in si balaadhan looga shaqeeyo oo dhismoyaasha si tayo leh loogu dhiso oo misaaniyada ay dawladu u qaorshaysay iyo xiliga loogu talo galyna loogu dhamays tiro.


አዲስ ማለዳ Nahaase 15 2013 No 8

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

error: Content is protected !!