የእለት ዜና

qorshihi warshadaha hargaha sameeeya ee ahaa in u soo xarayo lacagta sarifka dibada ayaa waxa u hir galay in la soo xareeyo kalabadh in ka yar qorshihi lagu talo galsanaa

Views: 89

machadka horumarinta warshadaha hargaha sameeya ee itoobiya ayaa misaaniyadii sanadka 2013ka oo qorshihiisu ahaa in u soo xereeyo sarifka lacagaha dibada ayaa waxa u soo xreeyay oo kaliya kalabadh in ka yar.

machadkaasi oo misaaniyada sanadka ku talo jirtay in 100 milyoon oo doolarka maraykanka ah u soo xareeyo ayaa hadana waxa la awooday kaliya in la soo xareeyo 40 milyoon oo doolar.

madaxa xidhidhka is gaadhsiinta ee machadkaasi Birhaanu Serjabo oo u waramay wargayska addis maleda ayaa sheegay in cudurka covid 19 ka oo caalamka oo dhan ka dilaacay u caqabad ku noqday qaybtaasi, si loo soo xareeyo dakhligi la rabay in la soo xareeyo.

sida oo kale warshadaha harguha sameeya si loogu soo xareeyo dakhligi loo baahna waxa caqabad ku noqday oo kale in waxyaabihi lagu samaynaayay hargahaasi oo dabadaha laga soo iibsan jiray la soo iibin kari waayay sarifka lacagaha dibadaha oo yaraaday awgeed.

maadama waxyaabo badan oo loo baahanaa in warshadaha loo isticmaalo sida kemikada oo kale oo dibadaha laga soo iibin kari waayay xiligi loo baahna iyo intii loo baahnba ay keentay wax soo saar yarida.

waxa la ogaaday in waxyaabaha ay warshaduhu u baahanyeen oo ay keemikadu ka midka tahay loo waayay lacagihi dibadaha ee lagu soo iibin lahaa, waxana wada tashi loogu jira si arintan xal loogu helo, wada tashigaasi oo ay madaxda sarsare ee dawlada iyo bangiyada wadaan ayaa waxa lagu talo jira in wadatashigani u xal u noqon doono in sanadka danbe wax soo saar kabadan kii sanadkan lagu soo saaro.

mdaxa hayadaasi oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in lagu talo jiray sanadka 2013 ka oo la is lahaa koronahu in u ka ba‘abo caalamka ayaa waxa la qorsheeyay in la soo xareeyo dakhli dhan 100 milyoon oo doolar.balse halkii laga filayay in cudurku u aduunka ka ba’abao ayaa hadana waxa u sida aadka ugu fiday caalamka oo dhan,waxaba dhacday in wadamada wax soo saarka itoobiya ka iibsan jiray oo albaabadoodi loo xidhay cudurkaasi awgeed, taasina ay keentay in lagu waayo sarifkii lacagaha dibadaha.

Birhaanu oo sheegay in miisaaniyada sanadka 2013ka oo suuqu aad u yaraaday hadana warshaduhu aanay shaqaalahoodi kala dirin ayaa ahayd shaqadi ugu fiicnayd ee la qabtay,waxa intaasi dheer in kasta oo u aanu suuq jirin in warshaduhu ay ku hawlanayeen si ay wax soo saarkooda u uruuriyaan. arintana waxa loogu talo jira in marka la furo wadamada albaabadooda loo xidhay loogu qaybiyo kolba sidii ay ugu bahaanyihiin.

waxa kale oo u sheegay in dawladu ay ku hawlantahay sidii ay isugu soo uruurin lahayd hawlaha kala baahsan ee warshadaha oo kor loogu qaado wax soo saarka warshadaha iyo tayadoodaba.
hayada warshadaha hargaha samaysa ee itoobiya ayaa sanad misaaniyeedka sanadka 2014ka ku talo jirta in ay soo xarayso dakhli gaadhaya 100 ilaa 120 milyoon oo doolarka maraykanka ah. si arintana loo hir galiyo ayaa ah in misaaniyadi sanadkii 2013ka dhibaatooyinki ka jiray halaakasi la kala saaro oo la xaliyo sanadka 2014ka.

Waxa intaasi dheer bu yidhi in sanadkan ay haayadu ay samaysay lix cilmi baadh, cilmi baadhistaasina waxa lagu hiigsanaya in keemikada dibadaha laga soo iibsado dalka gudihiisa lagu sameeyo oo loo baahanyahay in la sii xoojiyo cilmi baadhistaasi,sida oo kale waxyaabaha qashinka ah ee ka soo baxa warshadaha oo uskageeya meelaha u dhaw si xal loogu helo ayaa la rajeeynaya in xal laga gaadhi doono.


አዲስ ማለዳ Nahaase 22 2013 No 9

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com