የእለት ዜና

Sanadka cusub iyo suuqa sanadka cusub

Sanadka cusub ee tirsiga itoobiya waxa la xusa malnta meskerem 1deeda. Sanadkana meskerem 1deeda waxa loo dabaal dagaya sanadka 2014ka. Markasta oo ciidi ay jirto dadku waxa ay is ku hawlaan suuqyad si ay wax u kala iibsadaan, suuqyadana waxa ka muuqda dad faro badan iyo buuq.

Wax yaabaha xiliyada ciidaha lakal iibsado ee ah waxa lagu garto in ciid ay tahay waxa ka mid ah kala iibsiga xoolaha sida lo’oda, adhiga iyo waxyuaabaha la midka ah. Wargayska addis maleda ayaa arbacadii la soo dhaafay soo bookhday suuq ka mid ah suuqyada magaalada addis ababa oo la yidhaahdo shoola gebeya, waxaana u wargaysku u soo indho indheeyay dad tiro badan oo suuqaasi u yimid si ay u iibsadaan waxyaabaha ay rabaan.

Abebech Desta oo ka mid ah dadka suuqa wax ka iibsanaya oo dhawr iyo 30 jir ah ayaa waxa ay wax uga warantay suqa iyo sicir bararka wargayska addis maleda.
Qiimaha alaabada oo aad u korday iyo ciida sanadka cusub oo isku soo beegmay ayaa waxa ay nagu nootqy hawl adag bay tidhi. Waxa kale oo ay tidhi lacagti aan gurigayga ka soo qaatay waxba way ii jari wayday wixii aan rabay oo dhan waan iibsan kari waayay inti ay ii gooysay uun baan iibsaday wixii kalena waan iskaga tagay.

Waxa aan saliid ku iibsaday 650 oo bir, 250 birna waxa aan siistay bun, hal kilo oo daqiiq ahna waxa aan siistay 60 bir, halka kilo ee subaga ahna waxa la iga siiyay 450 bir wixii yara ee iiga soo hadhayna waxa aan siistay waxyaabo yar yar oo kale bas.

Ganacsataduna marka ay ciiduhu soo dhawadaan in ay qiimaha kordhiyaan wax ay ka dhigteen caado. Xiligan aan joognona ciid iyo ciid la’anba wax kastaaba way qaaliyoobeen. Wax alaale iyo waxaan samaynona garan mayno wixi yara ee aan haysanayna waan ku ciidnay.

Baryahan danbe dalkeenan itoobiya waxa ku soo badanaya bedeecadaha oo aad u qaaliyoobaya. Waxana ay sababeen in noloshu ay qaaliyoowdo.
Ayada oo arintu ay sidaasi tahay hadana waxa isku dheeli tirmi waayay baahidi dadka iyo wax soo saarkii. Waxana ay sababtay arintaasi in shqo laantu ay badatao iyo in waxyaabaha loo isticmaalo wax sorka lawaayo.

Waxa ka soo wareegtay bilo inti u qaaliyoobay raashinku, salidii, roodhidii, in kasta oo la sheegay in wax laga qabani doono qiimaha maceeshada qaaliyoowday hadan lama arag wax is badala ilaa iyo hada.

Wasaarada wax soo saark iyo ganacsiga iyo xafiiska ganacsiga ee magalada addis ababa in kasta oo ay yidhaahdeen waxa aan dabagal ku samaynayna oo aan ganaaxayna dadka qariya badeecooyinka oo qiimahana ku kordhiya, hadana lagama arag wax natiijo ah. Markasta waxa ka soo yeedha dhinaca dawlada cid kastaaba masuuliyadeeda ha ka soo baxdo balse wax dhulka u soo dhaadhaca oo hadal ka baxsani majiraan.

Xafiiska ganacsiga ee magalada addis ababa ayaa sheegay in wax kala iibsiga ee sanadka cusub u wax ka qaban doono lacagaha sida sharci daroda ah loogu kordhinaayo alabada.
Ciidaha laga xuso dalka itoobiya waxa ay leeyihiin waxyaabo u gaar ah maalmaha ciida, wax baa la wada cuna oo lawada cabaa, ehelada ayaa isasoo bookhda waa la isu yimaadaa, cidii aan wax haysana waa la gargaara.

Maalmaha ciida waxa la cuna waxyaabo aan maalmaha caadiga ah la cunin, sida xoolo la qasho iyo waxyaabaha la midka ah. Qiimihi xooluhuna circa ayay isku shareeray sidii loo goyn laha qiimaha xoolaha ayaa ah wax cid walba ay is waydiinayso.

Waxa wargayska addis maleda u soo arkay marki u soo bookhday suuqa shoola ee magalada addis ababa in halki digaaga ahaa ee la siin jiray 300 ee bir lagu iibinaayay 800 oo bir, beedkii lagu iibin jiray 7.50 santina lagu iibinaayo ilaa 10 bir.

Si gaar ahna mudo yar ka hor ayuu qiimaha beedku u circa isku shareeray taasina waxa ay ka nixisay ganacsatada qaar.
Dhebebe Mekoonin oo ganacsade ah dadiisuna ay tahay dhawr iyo afertan jir ayaa waxa u daaradiisa ku dhaqda digaaga. Waxa u yidhi diigaagu waxa ay cunaan calafka xoolaha, qiimihi arabakhida, qamadiga iyo heedana waxa uu noqday labanlaab. Waxa qiimaha beedka kor u qaaday buu yidhi qiimaha calafka xoolaha oo aad u kordhay. Waxa u Dhebebe u maalin kasta u qaybiya 100 ilaa 300 oo xabo oo beed ah dukaanada.

Waxa kale oo u noosheegay in xabada beedka ah u ku iibiyo 7 bir,qiimahanina bu yidhi waa qiimaha ugu jaban ee aan ku iibiyo si aanan u waayin macaamishayda , hadii intaasi wax ka badan aan ku iibiyo bu yidhi ma helaayo cid iga iibsata.

Maalmaaha ciidahan madaama si aad ah loo doono beedka wax aan isku dayaya in aan dadka wada gaadhsiiyo maalmaha ciida.
Waxyaabaha aadka u qaaliyoobay ee aan ku aragnay suuqa shoola ayaa wax ka mid ah subaga iyo bunka. Si gaar ahna bunka barigii hore waxa bunka la siin jiray 150 bir hadase waxa u maraya qiimihiisu 250 ilaa 300 oo bir.

Inta badan dadku waxa ay aad u isticmaalaan ciidaha subaga, ciidan sanadka cusub waxa la mooda in u qiimaha subagu u hoos u dhacay.
Aberaash Zeleqe oo ka ganacsata subaga mudo 7 sanadood ah waxa ay noo sheegtay in ciidi sanadka cusub ka horaaysay u halka kilo ee subaga ah la siinaayay 600 oo bir sanadkan cusubse waxa u yahay qiimiihsu 480 ilaa 530 bir.

Waxa kale oo Aberaash ay sheegtay in subaga looga keeno meelo ka mid ah deeganka axmaarada, sido oo kale waxa ay sheegtay in ay jiraan dad subaga ku iibiya xaafadaha qaar iyo xafiisyada oo ay la dhax wareegaan ay kuna iibiyaan 300 ilaa iyo 350 bir.

Taasina ay sababtay in u subagu mudo dheer yaalo oo ku jiro gacanta ganacsatada, sababtaasi ayaan u malaynaya in u hoos u dhaco qiimaha subagu xiligan.
Suuqa shoola adhiga iibka loo keenay ayaa waxa lagu iibinayay ugu yaraan 6000 oo bir.

Adhigi halkaasi loo iib keenay ayaa ka qiimahiisu ugu hooseyo waxa u la siinaayay 3000 oo bir qiimaha ugu sareeya ee lagu kala iibsanayayna waxa u ahaa ilaa 9,500 oo bir.
Mulu Dhesaaleny oo ku nool magaalada addis ababa oo qooys ka kooban 4 qof biilisha ayaa sheegtay in ay caadi noqotay qiimaha markasta kordha, sidaasi darteedna madaama aan ogahay in u qiimuhu kordhi doono xiliyada ciida wixii aan rabay waxa aan iibsaday ciidaha ka hor.

Mulu waxa ay bishi hesh 2300 oo bir markii u ninkeedi dhintay ka dibna waxa ay hesha lacagtii odaygeeda la siin jiray oo ah 1350 bir lacagtaasi ayaanay ku biirsataa dakhligeeda.
Mulu waxa ay ka shaqaysata nadaafada mushahaarkeedana waxa ay ku biilisa sadex caruur ah oo ay dhashay iyo walaasheed oo laxaadla. Waxana ay sheegtay in malinba maalinta ka danbaysa ay nooloshu sii adkaanayso.

Qiimo kasta oo kordhay waxa aad iga nixiyay bay tidhi mulu qiimaha saliida, waligay kamaanan fakirin in aan saliid siisan doono 650 bir.
Ilaa iyo bari dhawayto waxa aan siisan jiray 550 bir, markaliiyaata ayaa waxa dul saar ku noqday 100 bir taasina aad bay iiga nixisay.
Saliida waxa lagu dara cunto kastaba, cunto aan salid lagu karinin ma jiro sidaasi darted waxa khasab igu noqotay in aan ku iibsado 650 oo bir.
Xafiiska ganacsiga iyo warshadaha iyo cidi ay khusayso arintani ayaa la filaya in ay wax ka qabtaan arintan kor u kaca qiimaha wax lagu kala iibsado.

Kaasahun Mulaat oo ah madaxa waaxda qiimaha alabada ganacsiga iyo dabagalka ee wasarada ganacsiga iyo warshadaha ayaa sheegayin wax soo saarka saliida iyo baahida dadka aysan isku dheeli tirnayn.

Kaasahun oo ka hadlay hawlihi laga soo qabtay salida si loo baahi tiro shacabka ayaa sheegay in boqolkiiba 50 la baahi tiray.
Waxa kale oo u sheegay Kaasahun in sarifka lacagaha dibada oo yaraada ay sababeen wax soo saarka saliida in ay yaraato, sida oo kale cabuqa covid 19 inti u ka dilaacay caalamka ka dib hawsha cusub ee loo yaqaano fraankovaalita markii la bilaabay in ay kor u kacday qiimaha saliidu.

Hawsha fraankovaaluta laga bilaabo daboyaaqadi sane ilaa taahisaas 2013ka waxa dalka lagu soo galiyay 16 miiliyoon oo litr oo saliid ah oo bila canshuur ah.
Xiligaasina macaamisha ayaa waxa ay ku kala iibsan jireen saliida ilaa 300 oo bir. garacsatadi isticmaalaysay habka fraankovaaluta ayaa lacagaha suuqa madaw u isticmaalay si sharci daro ah, sidaasi darted ayaa waxa la joojiyay in habkaasi lagu dhaqmo. Xiligaasina saliidi dibadaha laga soo dhoofin jiray ayaa yaraatay, waxana kor u kacay qiimihi saliida oo waxa ay gaadhay 650 ilaa 700 oo bir in lagu iibiyo.

Ayada oo laga duulayo baahida loo qabo saliida xiliyada ciidaha ayaa waxa ay dawladu qorshaysay in ay u isticmaasho doolarka u kaydsan dawlada si ay dibada uga soo dhoofiso saliida, qamadiga iyo sonkorta.

Waxa kale oo Kaasahun u sheegay in lagu hawlanyahay sidii ay kor u qaadi lahaayeen awoododa wax soo saarka saliid wax soo saarayaashu.
Marka aan ka fakirno sanadka cusub inta badan waxa maskaxda nagaga soo dhaca waxyaabaha la cuno, sida oo kale waxa sanadka cusub la badala alaabada guryaha sida gogosha, roogaga, kuraasta fadhiga, tviga iyo waxyaabaha la midka ah in la soo iibsado.

Waxa jira dad badan oo aaminsan in sanadka cusub alaabo cusub la iibsado oo la soo dhigto in ay sanadka cusub ay ka dhigayso mid hami cusub u keenaya.
Hadaba waxa u wargayska addis maled la kulmay qaar ka mid ah dadki kuraasta fadhiga sanadka cusub u iibsanayay, waxaana ka mid ah Tesfaaye Abera. Waxa u sheegay in meelo badan u ka baayacay kuraasta fadhiga markii ugu danbaysay waxa u ka iibsaday kuraastaasi fadhiga xafeda kotobe ee magaalad addis ababa oo u ka siistay 40 kun oo bir.
Waxa kale oo u yidhi in sanadka cusub aan alaab cusub iibsado waan jecelahay, imikana waxa aan samaystay qooys cusub, intii aan qooyska cusub yeeshay waaa markii iigu horeysay ee aan xuso sanad cusub. Waligay aniga oo an sanadka cusub wax cusub iibsanin ima dhaafin.

Sanadkan cusub in u qooyskiisa u iibiyo alaabo cusub ayuu ugu balan qaaday, balse alaabada oo aad u qaaliyoowday awgeed wixii u ku talo galsana oo dhan wuu iibsan kari waayay.
Waxa u sheegay hadii aad rabto in aad tv iibsatiid qiimaha tvgu waxa u udhaxeeya 15 kun ilaa 80 kun oo bir, kuwaasi oo kala sumado duwan ayaa dakhligiisa marka loo eego in u Tesfaaye wax ku iibsado wuu awoodi kari waayay.

In kasta oo la sheego in ciidaha ay wax kastaba ay jabanyihiin hadana aniga taasi iima muuqato, sidaas awgeed wixii aan iibsan lahaa oo dhan dib ayaan ugu dhigtay buu yidhi.


አዲስ ማለዳ Meskrem 1 2014 No 11

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com