የእለት ዜና

Hawwenka soo barokacayaasha ah ee shaqo doonka ah faro xumaynta jinsiga ah ee loo gaysto

Dhasaash Moola waxa weeyaan haweenay ku dhalatay deegaanka amxaarada gaar ahaana walo dagmada maqeet, Dhasaash in kasta oo ay waxbarashadeeda ka gaadhay ila iyo fasalka sideedaad hadana awood ay wax ku barato laan awgeed wax barashadeedi maaysan sii wadanin, sidaas darteedna waxa ay xiligan xaadirka ah u shaqaysa qooys taajiriin ah oo ay nolasheeda ku kaalmaysa .
Dhasaash oo weeraradi ay ku soo qaadeen meelihi ay daganaayeen kooxda argagaxisada ah ee tplfu ka soo carartay ayaa waxa ay u soo carartay magaladan addis ababa labo bilood ka hor waxa aayna u shaqaysa oo ay gurigooda ka shaqaysa qooys taajiriin ah.

Waxa ay aad uga warwartaa eheladeeda jooga meelaha ay dagaaladu ka jiraan ee ay ayadu ka soo qaxday. Markii ay soo qaxdayba madaama ay shaqo heshay waxa ay ka yaraaday warwarki faraha badna. Hadaba malin maalmaha ka mid ah ayaa gabadhan gurigi ay ka shaqaynaysay looga sheegay in ay shaqada joojoso oo ay ka baxdo. Haweenaydii ay u shaqaynaysay ayaa sadex saac oo habeenimo gurigeedi ka eriday, in kasta oo ay habeenkaasi sariir ay ku seexato ay heshay oo hudheel ah habeenkina ay ku hoyatay aroorti danbe way kalahda oo waxa ay u kalahday si ay shaqo u daydayato. Mudada yar ee ay addis ababa joogtay waxa ay gashay sadex guri oo ay ka shaqaysay .

Hadaba dhawrka guri ee ay ka soo shaqaysay waxa ay kala kulantay qaar aad ugu fiican iyo qaar aan u fiicnaynba oo mushahaarkeedaba u diida oo ay aad uga murugooto.
Meeshi ay ka soo barokacday markii ugu horaysay ee ay ka timid madaama aanay wax lacag ah aanay haysan waxa ay ka fakirtay uun sidii ay lacag ku heli lahayd, waxaana ay la soo hadashay dilaalkan shaqada u helay waxaana u ku yidhi shaqo way jirtaa ee kaalay.

Waxa ay sheegtay gabadhaasi in marki ay halkan timid ee ay la kulantay dilaalki arintu sidii ay moodaysay ay noqon wayday. Sidii u ii waday bay tidhi waxa u igeeyay meel fog oo marka hore u iigu sheegay in ay dhawdahay.

Dhasaash waxa ay tidhi marki habeen ay noqotay ee dadkii ay kala xaroodeen waxa igu dhalatay baqo.
Sidii aan u soconay bay tidhi Dhasaash waxanu soo gaadhnay guri waxaanan moodayay gurigii aan ka shaqayn lahaa, balse arintu sidaasi way ka duwanayd. dilaalku waxa u ii geeyay guri u sariir dhigtay oo u ugu talo galay hablaha u ka keenaayo meelaha fog fog in u ku faro xumeeyo.

Waxa kale oo ay tidhi arintan aad baan ula yaabay waanan ka naxay waxa u rabay dilaalku in u igu sameeyo waxa aan isku dayay in aan qayliyo markii danbese inta aan baryay ayaan qolkii ka saaray waxa aanan hoosta ka xidhay albaabkii.

Arintu si kastaba ha ahaate ninkii dilaalka ahaa waxa u isku dayay in u habeenimadi dhawr jeer ku soo noqnoqdo oo u albaabka ku garaaco, sidii aan waga waaga u lahaa bu waagi baryay bay tidhi.
Gabadho saaxibadeed ah oo la socoday ayaa u sheegtay in gabdhaha kale ee u halkan keeno u markaaba shqada galiyo balse u rabo in u ayada ku ciyaaro. Waxaana dilaalki iyo asxaabtiisu ay ka codsadeen in ay la joogto oo ay la cawayso markii ay ka ogolaan waydayna waxa ay u sheegeen in haweenayda ay u shaqayn doonto ay soo yar daahayso, waxa kale oo ay tidhi waxa aan sugoba cid imanaysaba ma jirin, waxa aan marki danbe fahmay in ay wax kale u jeedaan waxana aan ka fakiray sidii aan uga baxsan lahaa.

Waxaana ay ka fakirtay in ay kaga baxsato sidii qof kaadi ubaxaya oo waxa ay doonatay cidii ay is tidhi waxa ayay kaa caawin karta arintani. Fikirkeedina wa ay ku guulaysatay, hudheelki ay fadhiyeen dadkii fadhiyay qaar ka mid ah ayay u dhawaatay oo waxa ay ka codsatay in ay caawiyaan waxaana ay u sheegtay xalada ay ku jirto, dadkii ay u sheegatay dhibaatadaeeda ayaa cawiyay oo ka saaray xaladii ay ku jirtay sida ay hadalkeeda ku sheegtay.

Waxa kale oo ay tidhi Dhasaash in shaqo laga doonto wakaaladaha dadka shaqaalaysiiya, waxa intaasi u dheer bay tidhi mararka qaar dilaalintu waxa ay noo sheegaan been oo lacag aan jirin bay na yidhaahdaan waa la idinsin doona lacagtii ay noo sheegena waxba kama aragno.

Dhasaash Moola waxa ay ka waramaysay xaladeeda ayada oo oyaysa, waxa ay aad hadalkeeda ugu adkaysay in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha gaar ahaan kuwa guryaha ka shaqeeya, waxa kale oo ay hadalkeeda raacisay in haweenka tacadiyaadka jinsiga loo gaysto dhibaatooyinka la soo darsa ee cilminafsiga ah ka sakoow ay gaar uur qaadan oo ayaga iyo caruurtooduba ay darbiyada jiifsadaan, waxa kale oo ay haweenka ay kula talisay marka ay shaqooyinka daydayanayaan in ay is ilaaliyaan oo ay si taxadir lehna ay shaqada u daydaydaan.
Waxa inta badan dalkeenan la arka in gabdho badan oo miyiga ku dhashay ay magaalooyinka wawayn u yimaadaan si ay shaqo u helaan.

Waxa sida oo kale dalkeena ku soo badanaysa shaqo la’anta, sidaas darteedna iska dhaaf qaar aan wax baran oo miyi ka yimi ee waxa shaqo la’antu ay ku dhacda kuwa jaamacadaha ka soo baxa ee shahaadooyinka wata oo ku noqnoqda wakaaladaha shaqooyinka u soo hela iyo meelaha lagu soo dhajiyo waraaqaha shaqaalaha lagu shaqaalaysto.

Waxa ay gabdhahaasi hdaladooda inta badan ku sheegeen in hablaha miyiyada ka imanaya ee shaqo doonka ahi inta badan ay u malaynayaan marka ay magaalooyinka yimadaan in wax kastaaba ay sahlanyihiin oo ay markaaba ay shaqo helayaan oo aanay ka fakirin xataa meeshi ay ku dagi lahaayeen iyo lacgta ay isticmaali lahayyen inta ay shaqo ka helayaan.

Waxa intaasi dheer in maka ay magaalada yimaadan si ay hamigooda u gaadhaan in ay ka dhigtaan fursadooda kawaad ee ay shaqo ku helaan in ay tagaan wakaaladaha shqooyinka u soo hela.
Waxa ay sheegaan in kuwa miyaga ka yimid ee aan magalada kala garanayn is ka dhaaf oo kuwa wax bartay ee magaalada si fiican ukala yaqaanaba ay wakaaladaha ku ba’abiyaan lacagahooda iyo wakhtigoodaba.

Si gaar ahna wax ay sheegeen in hablaha ka yimaada miyiyada ee magaalooyinka shaqooyinka u soo doonta ay la kulmaan tacdiyo dhinaca jinsiga ah. Si gaar ahaaneedna hablaha ka yimid meelihii ay kooxda argagaxisada ahi ee tplftu soo weerareen ee wuqooyiga walo ka soo qaxay ee ayaga oo faro madhan soo galay caasimada, si ay shaqo u helaan xidhiidhka ay la yeeshaan wakaaldaha loo gaysto tacadiyaadyo jinsi ah.

Waxaana ka mid ah sababaha ay ugu nugulyihiin dhibaatooyinkaasi in aanay haysaniin meelo ay galaan, hudheeladii ay gali lahaayeen oo qaali ah, shaqsiyaadka shaqooyinka u daydayaya oo isaga dhiga dad fiican oo ayaga u roon oo u soo ban dhiga in ay ayaga la joogi karaan inta ay shaqo ka helayaan iwl.

Wargayska addis maleda oo arintan muhiimada siiyay ayaa isku dayay in qaar ka mid ah kuwa wakaaladahu tacdiyaadka ay soo gaadhsiiyeen in u ka waraysto, gabdhahaasi u la kulmay wargaysku waxana ka mid ah gabadh dhalinyaro ah oo la yidhaahdo Tigist.

Tigist oo wuqooyiga walo gaar ahaana dagmada maqeet ka soo baro kacday dagalada halkaasi ka jira awgeed ayaa markii ay addis ababa timid ka dib isku dayday sidi ay shqo u heli lahayd, waxa ay wayday wax shqo ah markii danbena waxa ay tilifoon kula xidhiidhay xafiisyada wakaaladaha shaqooyinka dadka u raadiya.

Tigist waxa kale oo ay sheegtay in maalmo kadib ay kala soo hadleen wakaaladii oo ay u sheegeen in ay shaqo u heleen, markii ay timid xafiiskii wakaalada ninkii xafiiskaasi haystay ayaa u sheegay in wali aanay imanin dadkii ay u shaqayn lahaayd, balse u ku yidhi inta ay ka imanayaan inamari aan qado ku qadee oo u gurigiisi u kaxaystay oo inta u hoosta albaabka ka soo xidhy u isku dayay in u khasbo oo u faro xumeeyo.

Hadaba Tigist oo arintaasi ka naxday ayaa waxa ay wargayska addis maleda ugu warntay in u isku dayday in u faro xumeeyo ayaduna ay isku dayday in ay qayliso waxana an ku idhi bay tidhi waxa ii dhaanta adiga oo kaw igaga siiya intii aad ii faro xumayn lahayd. Markii ay wax badan murmeen ka dib waxa u igu caayay bay tidhi cay xun oo ii dhaawacday, in kasta oo u cay xun igu caayay hadana waxa aan ka badbaaay kufsigii u ii gaysan lahaa.sida ay Tigist sheegtay maha in wax anaanu doonayn nalagu khasbo haweenimo awgeed, in shaqo aan helnaa way fiicantahay, hadana dilaalinta balwada leh ee dadka noloshooda ku ciyaaraya waa in cida ay khusayso ay dabo gal ku sameeyaan oo ay wax ka qabtaan.

Gabadh kale oo aan doonayn in magaceeda la sheego ayaa tidhi dhibaatooyinka na loo gaysta ee naga soo gaadha wakaaladha intaasi kaliya kuma eeka, qaarba marka lacagta nalooga baahanyahay ay naga qaataan kadib shaqadii ay na gayn lahaayeen ka cago jiita, qaarba inta ay lacagta naga cunaan iska baxsada, waxa kale oo ay tidhi anaguba waxa aan leenahay dad aan ka dhalanay, waxa halkan na keenay dhibkii ay na soo gaadhsiiyeen weeraradii ay nagu soo qaadeen kooxda tplf.

Wargayska addis maleda ayaa isku dayay in u wax ka waydiiyo dadka ku takhasusay cilmi nafsiga tacadiyaadka loo gaysto haweenka ee la xidhiidha jinsiga waxaana u la kulmay wargaysku Muzeyin Jemaal oo ku takhasusay cilminafsiga waxana u sheegay in haweenka loo gaysto tacadiyaad jidhkooda iyo maskaxiyanba, waxa kale oo u sheegay waxyaabaha xalka u noqon kara arimahaasi.

Waxa u sheegay aqoonyahanku in haweenka meelaha aanay garanaynin shaqooyinka u soo doonta in wakaaladaha shaqaalaha iyo shaqooyinka isu keena ay haweenka dhibaatooyin badan soo gaadhsiiyan, kuwa loo shaqo geeyo sida o kale waxa ay shaqaalohooda gaadhsiiyaan buu yishi dhib dhinaca shaqda ah oo waxa ay ka fakiraan uun lacagta ay siinayaan, dilaalintuna lacagahooda oo ay u diidaan iyo meelaha ay ka shaqeeyaan oo ay ka soo saran ba u dheer tacdiyaadka jinsiga ah ee la soo gaadhsiiyo.

Aqoonyahanka cilmi nafsigu sida u ku sheegay hadalkiisa marka haweenka loo gaysto tacdiyaadka la xidhiidha jinsiga si ay u ilaawan dhibaatooyinkaasi waxa ay ku dhaqmaan in ay balwado yeeshaan sida sigaarka, khamriga iwl.waxa aanay dhax galaan balwado aanay ka soo bixi Karin. Dhibaatooyinkan marka ay dhax galaan ee hore aritu way sahlantahay balse marka danbe waxa ay ku noqotaa dhibaato aan laga soo kabmi Karin oo noloshooda khadka ka saarta.

Muzeyin waxa u yidhi in dhibaatadaas marka hore laga digtoonaada ayaa ah xalka ugu horeeya. Xalka labaadna waxa weeyan buu yidhi hadii ay dhibaatadaasi dhax galaana sidii ay hore uga soo bixi lahaayeena waxyaabaha ugu haboon hayuu soo dhigay.

Waxaana u xalkaasi ku sheegay in marka ugu horaysa ee tacadiyaadka jinsiga ee faro xumaynta loo gaysto haweenka ay iska dhaadhiciyaan in aanay awood lahayn oo cid kastaba ay waxa ay doonayso ku samayn karto, inta aanay maskaxdooda ka dhaadhicin fikirkaasi waa in ay fikirkaasi ay maskaxdooda ka saran oo meeshi ay fikitrkaasi kaga bixi lahayeen ay helaan, marka xigta cidi dhibaatada iyo tacadiyaadka u gaysatay waa in ay sharciga hor keenaan oo ay sharciga la tiigsadaan, xalka sadixaadna waa in lagu gargaaro sidii ay u heli lahaayeen wixi ay waayeen tusaale ahaan sidii ay lacagti ay ku shaqeeyeen ay ku heli lahaayeen iyo sidi ay ku heli lahaayenn talooyin cilmi nafsiga ah waa gargaarka aadka ugu fiican.

Waxa kale oo u yidhi in sharciga la hor keeno shakhsiyaadkii u gaystay dhibaatada wxax ay ka caawinaysa fikirkii maskaxdooda ku soo noqnoqonayay ee ahaa cid ma lihi iyo awood malihi waxana u ka saaraya warwarkii ay ka qabeen.

Sida oo kale bu yidhi sida u wargayska addis maleda u taldiisa ugu soo gudbiyay waa in dabogal lagu sameeyao hadii u maskaxiyan dhawac soo gaadhay oo laga hortago fikirka ah qof hadii u mar waasho wuu ladnaada mooyi ee ma bogsado oo xalki aan kor ku soo xusnay loo adeegsado, hadii ay daawayn ay u baahanyihiinna la daaweyo oo nolashoodii caadiga ahayd loogu soo celiyo.


አዲስ ማለዳ Meskrem 15 2014 No 14

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com