የእለት ዜና

Waxa la sheegay in lacagtii loo uruuriyay bishii nahaase biyo idheenka dib u curashada ay ka yartahay dakhligii sanadkii hore loo ururiyay 55 milyoon oo bir

Dakhliga ugu badanna waxa laga helay qurbo joogta

Waxa la sheegay in biyo xidheenka dib curashada ee abaay bishi nahaase ee sanadkii 2013kii lacagihii dakhliga ahaa ee sida kala duwan loogu ururiyay u ka yaryahay marka labarbar dhigo kii sanadki 2012kii 55 milyoon oo bir.

Haylu Abraham oo ah madaxa xidhiidhka dad waynaha iyo isgaadhsiinta dhinaca war baahinta ee xafiiska goolaha ee biyo xidheenka oo u waramay wargayska addis maleda ayaa sheegay in u farqi u dhaxeeyo sanadkii 2013kii bishi nahaase lacagtii loo ururiyay oo ahayd 96.7 milyoon oo bir guud ahaan, sanadkan xiligii la midka ahaa sanadki hore marka la barbar dhigo ay u dhaxayso farqi 55 milyoon oo bir ah.

Waxa u Haylu sheegay in sanadkii 2012kii loo soo xareeyay dakhli dhan 152 milyoon oo bir oo ay ahayd xiligii dakhliga ugu badnaa loo soo ururiyay sababtuna ay ahayd wareegi kowaad ee biyihi ugu horeeyay ee lagu buuxinayay biyo xidheenka. Waxaana la ogaaday in sanadkii 2013kii bishi nahaase lacagihi loo ururiyay laga kala helay 24.5 milyoon oo bir boondhigi dalka gudihiisa lagu iibiyay, boondhigi qurbo joogtu ay iibsadeen iyo lacagihi hadiyad ahaanta ay ku bixiyeenna qurbo joogtu waxa ay dhamayd 55.7 milyoon oo bir, halka lacagihi lagaga ururiyay firiinta gaaban ee 8100na ay ahayd 16.2 milyoon oo bir iyo ha’ayada korontada itoobiya oo laga helay lacag dhan 109 kun oo bir.

Waxa kale oo u sheegay masuulku in sanadki 2013kii lacagtu ay hoos u dhacdo ay waxyaabo kala duwani sababeen, in kasta oo mashruuci wareegi labaad ee biyo buxintu ay jirtay hadana waxa sababahaasi ka midka ahaa arinta la xidhiidha waxyaabaha dalka ka jiray oo ay bulshadu ka qayb qaateen lacag uruurinti loogu uruurinayay cidanka difaaca qaran iyo mashruucyo kale oo dalka wax loogu uruurinayay.

Waxa kale oo u xusay in loo uruuriyo lacag cidanka difaaca qaran laftigeedu ay tahay arin dalka ka mid ah oo ay soo jiidatay aragtidi bulshada. Waxa bilihii hamle iyo nahaase gudohood ay bulshada dalka gudihiisa ku nooli soo uruuriyeen lacag yar sababihii aan hor ku soo xusnay awgeed, balse dalka dibadiisa qurba joogta ku kala nool dibadaha waxa ay iska uruuriyeen lacag badan.

Haylu oo sheegay in labadii bilood ee la soo sheegay guud ahaan 201.8 miliyoon la uruuriyay, waxa kale oo u xusay in qurbo joogtu ay ku soo cawiiyeen 122.2 milyoon oo bir.xaaladanina waa mid 10kii sano gudaheed taariikhda qurbo joogta cawimada ay bixiyeen tii ugu badnayd ah, in wadooyin kala duwan oo casri ahna la sameeyo waxa sabab u ahayd bu yidhi arintan.

Waxaana ka mid ah bu yidhi wadooyinkaasi in loo isticmaalo habka on linka ah “it is my dam” ama dhaqdhaqaaqi ahaa (biyo xidheenka aniga ayaa iska leh) ee ay iska kaashadeen bangiga qaran, ha’ayada awooda korontada, bangiga zemen oo la kaashaday ha’ayadaha la yidhaahdo jaaba iyo eegl oo iska uruuriyay bilihii hamle iyo nahaase kaliya 338 kun oo doolar.

Waxa u xusay oo kale in xafiiska looga baahanyahay in u usameeyo wadooyinka kala duwan oo sahlan oo casri ah oo lacagaha lagu uruuriyay oo tusaale u noqda si loo sii xoojiyo habka lacag uruurinta.

Waxa kale oo u yidhi in loo baahanyahay in la gaadhsiiyo caawimada dalka gudihiisa beero falatayda iyo xoolo dhaqatada ku kala nool dalka, maadaama ay bulshada dalka intooda u badani ay ku noolyihiin miyiyada waxa loo baahanyahay in olole balaadhan lagu sameeyo, waxa kale oo u yidhi bulshadu madaama aanay xiligan xaadirka ah ku cusbayn arinta biyo xidheenku waxa loo baahanyahay in la dhiiri galiyo kuwa lacagohooda ku cawinaya iyo kuwa mooraal ahaanba ku caawinaya.

Sida u wargayska addis maleda u ugu cadeeyaya Haylu in fiiro gaar ah ay siyaan oo ay ka shaqeeyaan ayaa looga baahanyahay dadka ka shaqeeya war baahinada, kuwa xayaysiinta ka shaqaysta iyo bulshada madaniguba. Waxana lagu talo jira in dhaqhaqaaq baraha bulshada ah oo loogu magic daray xidhiidhka biyo xidheenka dib u curashada lagu sameeyo olole teknoolojiyadu ay ku ladhantahay oo loo qorsheeyo awooda dadwaynaha oo ka dhaqdhaqaaqa xafiisyo kala duwn oo loo isticmaalo habab kala duwaan sidii looga shaqayn laha.

Haylu waxa kale oo u ku soo qaatay hadalkiisa in warbahiinadi hada ka hor la isticmaali jiray iyo dadkii fanaaniinta ahaa ee loo adeegsan jirayna dhaqdhaqaaqoodi halki in laga sii wado oo la sameeyo ficiladii sii cawimadi halkeedi ay uga sii socoto oo hawsheedana loogu jiro.

Hawsha labada tarbaayin ee biyo xidheenka oo wakhtii dheer qaadatay ayaa waxa la dhamays tiray guud ahaan hawsha labada tarbaayin iyo waxyaabihi tarbaayinada wareejin jiray.waxana la filaya in labada tarbaayinba ay dhawaan hawshooda bilaabaan. Waxana u Haylu u yidhi waxa hawsheeda lagu jira oo kale sidii tarbaayino kale sida ugu dhaksaha badan loogu samayn laha hawsheeda. Markii la sameeyay hawsha biyo buuxinta wareega labaad kadib xiligan xaadirka ah biyihina way socdaan.


አዲስ ማለዳ Meskrem 22 2014 No 15
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

error: Content is protected !!