የእለት ዜና

Xwarshadaha wax soo saarka saliida ee dalka ayaa sheegay in shaqsiyaadka saliida dibadaha ka soo dhoofiya laga qaaday canshuurta ay caqabad ku noqotay

Waxa wargayska addis maleda u waramay mareeyaha warshadaha wax soo saarka salida ee itoobiya mudane Adiise Gaarkaabo waxaana u sheegay in laga qaaday canshuuraha nooc kastaba ah ee salida ee dibadaha laga soo dhoofiyo ay caqabad ku noqotay sidii suuqa ay ugu wada tartami lahaayeen.

Waxa la ogsoonyahay in xafiiska wasarada ganacsiga iyo warshadahu u bishi nahaase 28keedi ee 2013ki war bixintii u soo saaray ee ahayd in canshuur kasta laga daayo salida dibadaha laga soo dhoofinayo, Hadaba waxa u sheegay in arintaasi la xidhiidha canshuurta laga daayo salida dibadaha laga soo dhoofinayo ay warshadaha soo saara saliida ee dalka kor u qaaday qiimihi salida ee suuqa oo ay la tartami kari waayeen.

Xiligan xaadirka ah ganacsatada dibadaha saliida ka soo dhoofiya waxa ay helaan lacag amaah ah. Sidaas darted bu yidhi arintani in suuqa saliida ay si wada jir ah kula tartamaan way awoodi waayen arintaasina waxa ay dhawac u gaysanaysa bu yidhi wax soo saarka salida ee dalka warshadaha ku hawlan.

Waxa u intaas raaciyay Adhiise in warshadaha wax soo saarka saliida ee dalku ay saamayn wax ku ool ah ku yeesheen fursada shaqo abuurka ah oo ay u sameeyeen muwaadiniin tiro badan fursad shaqo, daganaanshaha suuqa saliida iyo in u yareeyay sarifka lacagaha dibadaha taasina marka la barbar dhigo kuwa dibadaha ka soo dhoofiya ay tahay arin aad u saraysa.

Awooda warshadaha ee wax soo saarka saliida dalka guud ahaan waxa ay daboosha baahida loo qabo saliida boqolkiiba 10, halka boqolkiiba 90 ay dabolaan bahida saliida kuwa dibadaha ka soo dhoofiya.

Waxa kale oo u yidhi Adhiise arintanina waxa ay tusaale u tahay in caqabadaha kala duwan ee la soo darsay warshadaha wax soo saarka saliida oo aanay soo saarin wax soo saarki looga baahna. Waxaana arimaha ugu waawayn ka mid ah midhaha qaydhinka ah ama midhaha saliida laga sameeyo oo yar iyo qiimaha oo kor u kacay, in midhaha laga sameeyo saliida suqoodu aanu ahayn mid markasta la helo, laga bilaabo bishi hamle 15keedi ee 2012 midhaha loo yaqaano akuri aterka iibsigoodana laga helo kaliya suuqa wax soo saarka itoobiya(ECX) ayaa suuqa wax soo saarka akuri aterka ee loo soo iib geeyo suuqa u isku dheeli tiri kari waayay wax soo saarki iyo awooda wax soo saarka warshadaha.

Waxa kale oo u yidhi waxa intaasi dheer in midhaha saliida laga sameeyo wadamada dibadaha loo iib geeyo, qaabka loo soo saaro midhahaasi oo aan ahayn mid casriyaysan, shaqsiyaadka ku hawlan wax soo saarka oo aan haysan beero lagu beero midhaha saliida oo u gaar ah oo casriyaysan, midhaha qaydhinka ah iyo lacagaha sarifka dibadaha oo aanay haysanin si ay ugu iibsadaan, saliida cuntada oo koontobaan ahaan dibadaha laga soo galiyo, in midhaha saliida laga miiro ee dalka laga soo saaro oo inta badan ayada oo aan wax canshuur ah la saarin dibadaha loogu dhoofiyo, quwada korontada oo yar iyo in marar badan ay korontadu go’odo ayaa ah dhibaatooyinka ka jira qaybtaasi.

Adhiise ayaa xusay in guud ahaan wax soo saarka beeraha ee midhaha saliida laga miiro in ugu yaraan ay daboolan 2.71 boqolkiiba, sidaasi darteed waxa loo baahan yahay in beerolayda soo saarta midhaha saliida laga miiro wax soo saarkooda laga dhigo mid teeknolojiyadu ay ku ladhantahay. Waxa kale oo u intaasi raaciyay in loo baahan yahay warshadaha waawayn ee soo saara wax soo saarka saliida ee cuntada si ay u helaan waxyaabihi ay u baahnayeen ee saliida in lagu caawiyo dhul ay wax ku beertaan sidii ay u heli lahaayeen.

Waxa kale oo intaasi dheer bu yidhi in loo diyaariyo warshadaha fursado ay ku helaan xeelad ay ku heli karaan caawimo midhaha salida ah oo xili dhaxdhaxaad ah oo ay warshaduhu sidii ay ku heli lahaayeen midho qaydhin ah oo kufilan loogu diyaariyo, sida oo kale waxa suuqa si cadaalad ah looga dhigi kara ayada oo kanbaniyada ku hawlan hawsha midhaha saliida laga miiro ay duul saaraan canshuurta iyo wax soo saarka midhaha qaydhiinka ah ee loo isticmaalo saliida oo loo sameeyo hab ama sharci isku mid ah oo lagu kala iibsado ayaa loo baahanyahay.

Haayada maaikalawi statstiiks war bixintii ay soo saartay 2013kii oo laga duulayo ayaa ku sheegtay in itoobiya sanadkiiba baahida saliida cuntada ee loo baahanyahay ay tahay 88 kun 679 tan. Guud ahaan dalka 232 oo warshadaha wax soo saarka saliida ah ayaa ka jira 206 warshadoodna waxa ay yihiin kuwa soo saara wax yaabaha yaryar.

Sanadkii 2013kii warshadaha midhaha saliida miira ee kala miira waxa ay soo saareen salid dhan 1 kun 159 tan halka labada warshadood ee soo saara saliida palmiga loo yaqqanona ay 22 kun 154 tan oo saliida palmiga ah kala miireen oo suuqa loo iib geeyay. Guud ahaan saliida palmiga midhihi lagamiiray saliidi laga helayna waxa weeyaan 40 kun 313 tan.

Guud ahaan ururka warshadaha wax soo saarka saliida ee dalka waxa weeyaan urur loo asaasay in warshadaha ku hawlan hawshaasi ay ka heleen aqoonsi xafiiska ganacsiga iyo dhibaatooyinka halkaasi ka jira sidii si wada jir ah ay u wada xaliyaan, wax soo saarka sidi kor loogu qaadi lahaa iyo horumarinta dalka sidii u door wayn uga ciyaari lahaa. Ururku wax u xiligan xaadirka ah ku hawlanyahay oo u dadaalka ugu jira sidii uu hagab tir lahaa baahida loo qabo saliida cuntada oo u ka qayb galiyo warshadaha dalka ka jira ee yaryar kuwa dhaxdhaxaadka ah iyo kuwa awooda saraysa lehba si isku mid ah.


አዲስ ማለዳ Meskrem 22 2014 No 15
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

error: Content is protected !!