የእለት ዜና

Caruurta iyo dagaala

Caruurtu masuuliyada saran waxa ka badan xuquuqda ay leeyihiin. Caruurtu loogama baahna in ay goa’an bixiyaan, waxa ay u baahanyihiin in ay ku koraan gacanta walidiintooda. Awlaadu waa hadiyada Ale bulshaduna inta badan waxa ay aaminsanyihin in awladu ay tahay hadiyad xaga eebe laga siiyay.

Caruurtu waa inay helaan waxa ay u baahanyihiin, marka ay waawaynadaan ee ay qaan gaadhaanna waxa ay garab u noqdaan waalidiintooda sida oo kale waxa ay gaashaan u noqdaan dalkooda. Hadaba si ay halka loo hamiyayo ay u gaadhaan waa in marka hore si fiican loo koriyo taasina waxa looga baahanyahay waalidiintooda ama kuwa korsada caruurta iyo waliba dalkaba.

Hase ahaate inta badan caruurta ku nool caalamka lama arko ayaga oo xuquuqdooda loo ilaaliayo ama gaajada iyo dhibaatada soo gaadhaysa laga ilaaliyo oo waalidiintoodu ay si haboon u soo koriyaan. Waxaaba inta badan dhacda in caruur badan oo marka ay so dhashaan laga bilaabo ay la kulma dhibaatooyin faro badan oo ay ka midka yihiin in ay darbi jiif noqdaan, in la soo gaadhsiiyo tacdiyo jinsi ah, in xoogooda loo isticmaalo si sharci daro ah iyo in ay gaajoodaan oo ay cuduro ku dhacaan.

Waxa arimaahsi aan korka ku soo sheegnay oo dhan ka daran in meelaha qaar ee caalamka ka mid ah caruurta yaryar loo adeegsado dagaalada waxaana baryahan danbe caadi soo noqonaysa arinta noocani ah. Waxaana soo badanaya dadka caruurta yaryar u isticmaalaya in ay isqarxiyaan, in ay wax soo basaasaan iyo in ay goobaha lagu dagaalamayo tagaan oo ay qoryo qaataan oo ay dagaalada ka qayb qaatan. Waxa aan muran ku jirin in caruurtu xiliga ay yaryaryihiin ay u baahanyihiin nabadgalyo, ciyaar iyo wax barasho oo aanay u baahnayn in dagaalo laga qayb galiyo.

Waxa sodon sano ka hor la saxeexay heshiis ku saabsan xuquuqda caruurta yaryar waxana heshiiskaasi wada saxeexay 196 wadan oo caalamka ka mid ah, waxaana heshiiskaasi ku xusan in caruurtu ay u baahan yihiin ilaalo, in ay xaq u leeyihiin si ay u noolaadan iyo in ay xaq u leeyihiin in ay wax bartaan, sida oo kale in ay waalidiintdooda la noolaadan in ay xaq u leeyihin iyo in xaqaasi ay leeyihin aanay cidina ka qaadi Karin.

Hadaba heshiiskan la saxeexay sodonka sano ka hor ayaa waxa koob iyo toban sano kadib lagu daray labo qodob waxaana ka mid ah qodobadasi oo amar ku bixinaya in koox kasta aanay caruurta 18 jirka ka yar aanay ka qayb galin Karin dagalada ama aanay u tababarin dagaal.

Wadamo badan oo afrika ka mid ah oo aan dagaaladu kadhamaanin ayaa ah wadamada dhibaatooyinka caruurta yaryar lagu soo gaadhsiiyo, waxaana mararka qaar ay kooxo argagaxiso ahi ay qafaashaan caruurta yaryar waxana ay u isticmaalaan dagaalo iyo falal argagixiso ah.

Dawladi hada ka hor dalka xukumi jirtay ee markii danben goolaha wakiilada shacbigu ay ku tilmaamay argagaxisada ayaa ku xad gudbay sharcigi ay soo saareen wadamada caalamku oo waxa la arkay in ay caruurta yaryar dagaalada ka qayb galiyeen arintan oo hada ka hor itoobiya aan laga arag.

Waxa la mooda in waalidiinta qaar lagu xukumay in ay arkaan dhimashada iyo silica caruurtooda. Caruur badan xabadaha lagu ridayo ayaa ku dhaca oo halkaasi ayay ku geeriyoodan. Qaar badan waxa soo gaadha dhaawacyo kala duwan oo waxa ay ku wayaan laxaadkooda, caruurta markasta aragta dagaalad oo markasta maqasha sheekooyinka ku saabsan dagaalada noolashoodu aad bay u adkaata, dagaaladu waxa ay baabiyaan mustaqbilka caruurta maanta iyo mustaqbilkooda bariba.

Sidaas darted xiligan xaadirka ah dagaalada ka jira wuqooyiga itoobiya ayaa waxa laga maqlaa warar badan oo kala duwan, arintaasina saamaynta ay ku yeelan karto caruurta ayaa ah mid aad u badan. Waxa maskaxda caruurta yaryar ku abuurma inta badan hadii ay xuntahay iyo hadii u santahayba oo ka dhalata inta badan waxa ay arkayaan iyo waxa ay maqlayaan.
Marka ay caruurta yaryari ku soo koraan dagaalo dhaxdooda halki ay qalbigooda wax fiicani u kaga abuurmi lahaa waxa ku abuurmaya xumaan iyo xaasidnimo.

Wiil yar oo magaciisa la yidhaahdo Ezra Mesfin oo ku dhashay magaalada addis ababa waxa u jecelyahay in u caruurta la ciyaaro, ciyaarta kasakowna waxa u jecelyahay in u wax barashadis ku dadaalo, waxa u yidhi marka aan wax barashadayda dhamaysto kadib waxa aan doonaya in aan noqdo ciidanka dalka. Hadaba waxa la yaaka leh sababta u wiilkaasi yari u ku hamiyay in u ciidanka ka mid noqdo, waxana u yidhi waxa aan ciidanka u noqonaya in aan dalkayga ka ilaaliyo kooxda argagaxisada ah ee tplfta ee caruurta yaryarna disha oo aan soo qabqabto.

Hadaba arintan waxa lagu ogaan kara sida ay dagaaladu u xumaynayaan maskaxda caruurta yaryar. Ezra oo kaliya maha asxaabtiisa oo dhan waxa maskaxda kaga jira in marka ay wax barashada dhamaystaan kadib in ay ka mid noqdaan cidanka.

Wadamada hore u maray ee caalamka qaar waxa ay ka shaqeeyan mustaqbilka caruurta, waxaana tusaale ahaan aan ugu soo qaadan karna wadanka ingriiska caruurta yrayar waxa lagu soo barbaariya in cadceeda dalka ingriiska ee aan dhacaynin ay caruurtu sii wadi doonaan. Waxaana markasta la maqashiiya taariikh fiican.

Arinta ka duwan fikirkaasina waxa weeyan in ilmaha yar u aabihiis garab fadhiisto oo u tvga kala daawado dagaalo iyo jidh dad oo la gogoynaayo maskaxdiisa waxa ay ku reebayso arintaasi waa la qiyaasi kara.

Waxa wargayska addis maleda u la kulmay nin magaciisa la yidhaahdo Liuul Abebaaw ninkaasi oo sadex caruur ah leh waxa u sheegay in dagaalada xiligan xaadirka ah itoobiya ka jira ay caruurta mustaqbilka dalka hananaya ay saamayn wayn ku reebayso.

Liuul waxa u yidhi sadaxdayda caruur ah labo way yryaryihiin ka dal ahaan in caruurta soo koraysa maskaxdooda lagu abuuro wax fiican wax laga qabtay ma jirto taasina waa wax laga warwaro. Waxa kale oo u yidhi maalmo badan tvga ma furo xata in aan warka ka dhagaysto caruurtayda awgeed, inkasta oo ay hadana wararku ay soo gaadhayaan caruurta ayaga oo aan rabin ama si sahlan ay ku soo gaadhayaan waxa aan ka baqaya in ay ku abuurto baqo oo ay yeeshaan dabeecad adag.

Sida u ku sheegay hadalkiisa aabahaasi in caruurta yaryar dagaalka laga qayb galiyo waa arin aad u adag, hadana kuwa guryahooda fadhiya ee wararka dagaaladana maqlana dhaawa soo gaadhi kara maaha mid yar.

Xiligi u talyaanigu dalka soo weeraray bu yidhi waxa dagaalada ka qayb gali jiray caruur yaryar oo aabayaashood garab ordi jiray, hadaba caruurtaasi kuma aysan khasbanayn dagalada in ay ka qayb galaan, balse waxa la rumaysna xiligaasi in geesigu asaga oo yarna u geesi yahay hadalka odhanaya.

Waxa kale oo u sheegay in dagaaladii xiligaasi jiray ay ku beereen caruurta yaryar maskaxdooda jacaylka wadanka, balse dagalada xiligan xaadirka ah jira caruurta xata guryahooda iska fadhiya waa mid jah wareer ku abuuray oo niyada ka dilay ee maaha mid caruurtayada ka dhigaya in ay dalkooda fikir fiican ay ka qaataan si dalkooda ay wax uga ogaadaan.

Dhinaca dawlada iyo dhinaca bulshadaba in caruurta sii fiican loo koriyo oo lagu kobciyo niyaad fiican waxa laga qabtaa waa yaryahay. Caruurta ku korta ayaga oo maqlaya wararka ku saabsan dagaalada marka ay waynaadaana waxa sugaya uun wixi ay maqlayeen ee ay ku koreen. Sidaas darted waxa ay ka dhigaysa nolashooda mid warwar miidhan ah oo aan mustaqbil iyo hami lahayn. Caruurta maskaxdoodu ay ka xumaato waxa ay ku koraan bila hami marka ay waynaadana waxa ay noqdaan kuwo balwado barta oo dadaka dhaca, noolashi ay ku soo waynaadeen waxa ay nolashooda mustaqbilka ka dhigta mid bila macno ah waxana ay marka danbe noolashu ay ku danbaynaysa in ay falal argagixiso ah ku dhaqmaan iyo kuwo wax dhaca in ay noqdaan.

Sidaas darted waxa loo baahan yahay in caruurta lagu koriyo shaqsiyad ficaan oo laga dhigo kuwo mustaqbilka dalkooda hanta. Caruurta dhagahoodu ay maqlayaan xabado dhacaya oo ay indhahoodu arkayaan dhiig daadanaya in ay noqdaan kuwo nabada jecel oo dadka kalena nabada u raba in lagu fakieo waa doqoniimo. Si dal wanaagsan oo nabadi ka jirto loo sameeyo mustaqbilka waxa xalka kowaad u noqonaya in marka hore caruurta wax laga qabto. Waxa haboon in la sameeyo si caruurtu wax wanaagsan ay u arkaan oo ay u maqlaan oo wax fiican ay uga fikiraan in hawl fiican oo joogto ah la qabto cilminafsiga caruurtana lagu kobciyo wax wanaagsan.

Arintanna waxa ka hadashay marwo Tigist Zerihun oo ku takhasustay cilminafsiga waxana ay tidhi caruurtu ayaga oo yaryar waxa ay arkaan iyo waxa ay maqlaan sida ay u turjumtaan ayaa ah mid gaar ah. Waxa ay hadalkeeda ku adkaysay in laga digntoonaado waxyaabaha aan maqashiinayno iyo waxyaabaha aan tusayno caruurta madaama aanay caruurta maskaxdoodu sida dadka wawayn aanay u kala saari Karin waxa xun iyo waxa wanaagsanba.

Waxa kale oo xirfad lahaasi ay sheegtay hadii caruurta yaryar waxa ay arkaan iyo waxa ay maqlaanba aanay ahayn wax fiican marka ay waynaadaan xidhiidhka ay la yeelanayaan waalidiintooda, asxaabtooda iyo caalamkaba waxa u ku noqonayaa mid fikirkooda iyo aragtidoodaba ka dhigaya mid kala dhantaalan.

Tigist oo sheegtay in cid kasta ba xidhiidhka u la yeelanayo bulshada iyo caalamkaba ay tahay wixii yaraantisi u ku soo koay, ayaa hadana caruurta yaryar meelaha ay ku soo koraan hadii ay ka dareemaan baqo, cidhiidhi iyo in aad loo koontroolo waxa ay dabecadoodu si joogto ah noqonaysa mid aan u noqonqyn ama la heshiin Karin dadka kale.

Waxa kale oo ay sheegtay in ay jiraan caruur aragta walidiintooda oo ku dhimanaya dagalada ka jira wuqooyiga dalka, qaar ka soo qaxaya meelaha dagaladu ay ka jiraan oo gaajo iyo dhibaato ay la soo daristo. Waxaana ay ku abuuraysa dhibaato dhinaca maskaxiyan ah, dhinaca shakhsiyadiisa iyo dhinaca bulshadaba sidaas darted dibaatooyinka hada dalkeena jira si aanay caruurtu u arag waa in waalidiintu ay aad uga digtoonaadan.

Tigist wixii ay odhan lahayd way tidhi , caruurtuna waxa ay eheladooda iyo agagaarkoodaba ay ka dhaxlaan asaaska nolashooda mustaqbilka. Sidaas darteedna hadii anagu aanu dad fiican noqono waxa ay noqonayaan dad wanaagsan, hadii se aanu dad xunxun aan noqono oo aan wax xun tusno waxa balaadhanaysa fursada ay ku noqonayaan dad aan wanaagsanayn.


አዲስ ማለዳ Meskrem 22 2014 No 15
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com