የእለት ዜና

Baro kacayaashi ka badbaaday dhimashada

Dagaaladi ka bilaabmay wuqooyiga dalka oo sanad wax yari uga dhimanyihiin ayaa ilaa iyo xiligan xaadirka ah waxa ku naf waayay dad aan tiro yarayn. Dadki ka cararay meelihi lagu dagaalamayay ee galay xeryihi qaxootiga iyo meelaha ay eheladoodu joogeen iyo meelaha lama dagaanka ah oo baco ka dhistay guri ayaa ah muwaadiniin tiro badan.

Waxa la ogsoonyahay in dhibaatooyinki binia’admnimo ee ay dagaaladu soo gaadhsiiyeen ka sakoow ay dalka soo gaadheen dhibaatooyin iyo burbur aan mudo dheer laga soo kaban Karin in ay jiraan. In kasta oo la isku dayayo sidii dadkii dagaalada ku wax yeeloobay iyo baro kacayaashi sidii wax loo gaadhsiin lahaa si aanay u gaajoon si aanay u aradin iyo si aanay cuduro ugu dhicnba, arintani oo ah arin laga warwaro ayaa hadana sidii xal waara loogu helo wax laga qabtay majiraan, sidaas darted waxa laga baqaya in dhibaatadu ay dabo dheeraato. Waxana jira dad sheegaya hadii aan dhibaatadan hore xal loogu samayn oo dadkii soo barokacay si joogto ah aan dib loogu celinin meelahoodi in maalinba malinta ka danbaysa ay si kordhi doonto tirade dadka soo qaxaya.

Dad badan ayaa sheegaya in caawimada la siinayo dadkaasi ay tahay mid aan ku filnayn oo aan joogto ahayn, sidaasi darted waxa loo baahanyahay in fiiro gaar ah la siiyo oo si dhibaatadaasi xal joogto ah loogu heli hawsheeda la galo. Hadii xita la isku dayo in dadkaasi meelihi ay ka soo qaxeen lagu celiyo waxa loo baahan yahay lacag si ay noloshoodi dib halki uga bilabaan. Beerahoodi ay beerteen xita madaama aan laga shqayn intii ay ka soo maqnaayeen midhihii loo baahna lagama heli karo, in kasta oo ay jiran dhul badan oo ayada oo aan waxba lagu beerin laga soo cararay. Meelhi wax lagu beeri jiray ee midhaha ka soo baxa meelo kale la gaadhsiin jiray xita sanadka danbe waxa ay u baahanyaan caawimo. Waxa kale oo la sheegay in kuwwi aan soo qaxin ee beerahoodi ka shaqeeyay in looga baahanyahay in ay dadk kale wax uga qaybiyaan hadii kale laga dhici doono.

Waxa dhacday in dadkii ka soo cararay wuqooyiga walo ee u soo cararay koonfurta walo magaalooyinka dhase iyo kombolja oo ay halkaasi dad tiro badani soo galeen in nolashi maceeshadu ay aad u qaaliyoowday.waxa u wargayska addis maleda u soo indho indheeyay magaalooyinki ay dadkaasi barakacayaashu soo galeen waxana uu soo ogaaday in dadki tirada badnaa ee ku soo galay halkaasi bajaajyada ay magaalooyinki ka buuxsameen. Wadooyinki barigii hore madhnaan jiray in ay imika dad shaqo la’ai ay ka buxsameen. Dhalinyarada wadooyinka iska fadhfadhiya aad bay u badanyihiin, in kasta oo dadka magaladu ay ka garanayaan dadkani iyo dadka kale hadana maliin walba tirade dadku way soo badanaysa. Maalmihi hore dadkaasi guryo ayay kiraysan jireen cuntadana way iibsan jireen xiligaan xaadirka ah se madaama ay lacagihi ay haysteen dhameeyeen waxa khasab ku noqotay in ay dadka hor joogsadaan oo cawimo ay waydiistaan.

Waxa u wargaysku bookhday dugsiga lagu magacaabo dhaawudho, xiliga cuntada la qaybiinayo mooye xiliyada kale waxa dugsigaasi lagu arkaa oo kaliya caruurta yaryar iyo hoyooyinka kaliya, dhalinyaradu hadii ay xanuunsanaayn mooye dugsigaasi dhaxdiisa laguma arko.

Waxana uu wargaysku halkaasi ku la hadlay gabadh ka soo qaxday habiru oo aan rabin in magaceeda la sheego waxana ay tidhi waxa la yidhaahda waxa wax la siinaya caruurta yaryar iyo waalidiinta hadana ayaga laftigooda ayaa la hilmaama. In kasta oo inta ay magalada dhase soo gashay ay tahay 22 cisho oo qudha hadana dharki ay halkaasi ku timid mooye ma haysato xita wax ay ku badalato. Waxa ay tidhi gabadhani dhalinyarada ahii in kasta oo aanan helin wax lacag ah oo la ii siiyay hadana hantiilayasha reer dhase ee cawimada na siiyaa way ku mahadsanyihiin. Waxa kale oo ay sheegtay in aanay jirin wax lacag ah oo la siiyay oo laga siiyay dawlada iyo hantiilayaasha cawimada bixiya oo lacagaha qaybiya ay ayadu tahayna gabadh dhalinyaro ah oo aan wax qooys ah meesha ku lahayn.

Qaar kale oo soo barokacayaal ah oo halkaasi ku sugan ayaa ayaguna waxa ay sheegeen in markii hore sadexda wakhtiba cuntada la siin jiray balse hada la siiyo kaliya quraacda iyo qadada oo cashadana in dibadaha ay ka doontaan ay khasab ku noqotay. Maadama aanay wax lacag ah haysanin hadii la yidhaahdo ka baxa xerada ay ku jiraana in aanay haysanin meel ay u kacaan. Waxa kale oo ay sheegan dadkan halkaasi ku sugan in ay baqo ka qabaan cawimada hada la siinayo ay ka yaraato inta ay hada tahay.

Adaanej Siisay oo isla xeradaasi ku sugan oo sadex caruur ah haysata oo wargayska uu warantay ayaa sheegtay in la sheego in dugsigaasi ay ku jiraan ay ardaydu wax barashadoodii ka bilaabi doonaan oo arintaasina ay warwar ku abuurtay. Hadii maalin la yidhaahdo ardaydii baa soo galaysa ee ka baxa in aanay haysanin meel ay tagaan iyo meeshoodi ay ka yimaadeen oo aanay ku noqon Karin ayay sheegtay. Waxana ay dawlada ka codsatay in arintan sidaasi ah aanay meesha ku joogi Karin oo loo raadiyo xal sidi halkii ay ka yimadeen ugu noqon lahaayeen. Hoyadani oo tidhi waxa dhibaato dheeraad ah nagu noqotay in aan hamino in meelihi aanu ka nimid aan ku noqono, waxaanan rajaynayna in aan hore ugu noqon doono meelihi aanu ka nimid.

Teshoome Haylu oo asaguna ah aabo ka soo qaxay meesha la yidhaahdo mersa ayaa yidhi waxa aan halkan u imid waxan ka baqay in la i silciyo. Waxana uu halkaasi jooga hal maalin ah oo kaliya waxana uu hadalkiisa oo murugo ka muuqato ku sheegay in dadki halkaasi ku sugnaa ay gaajonayaan oo aan dadka loo ogolayn in guryahooda ay ka soo baxaan, qooyskaygi meel ay ku kala suganyihin kama war hayo imika waxa aan isku dayaya buu yidhi in aan xeryaha ka baadi goobo.

Waxa kale oo uu wargayska addis maleda la kulmay aabo la soo qaxay afar caruur ah oo uu dhalay kana soo cararay xaaskiisa oo umul ah kana soo qaxay qoobo. Waxaana uu yidhi waxa aan ka mid ahay xisbiga barwaaqo madaama la ogyahay arintaasina waxa aan ka baqday in dhibaato la ii gaysto oo waan soo cararay. Waxa aanu dhse soo galnay anaga oo 22 qof ah sadex cisho ka hor ila iyo hada cid ay arintayadu khusayso oo noo yimidi ma jiraan. In aanay helin furshaan ay gogladaan iyo wax ay huwadaan waxa u markhaati furaya soo barokacayaasha halkaasi jooga. Hadaba aabahan ayaa xiligii u soo qaxay marin habaabay oo wadadi saxsanayd ka lumay, sidaasi darted wixii lacag u haystayna wuu dhameeyay waxana u bilaabay in u dawarsado, waxaana u ka soo wareegay baaxardhaar iyo abaay oo mudo labo bilood ah kadib ayuu magaalada dhase soo gaadhay. Maadama uu halkaasi ku cusubyahay oo aanu diiwaan gashanaynna wax cawimo ah ma usan helin sida waxyaabaha dadka kale la siiyo, qol yar oo sandaqad ah oo wax uu goglado aanu ku haysan ayuu asaga iyo caruurtiisuba garab jiifsadaan qof buka oo halkaasi jiifa.

Waxa jira dad badan oo sheegaya in magaalooyinka dhese iyo komboljaba aanay jirin raashin ku filan, waxa kale oo ay sheegen in ay jiraan raashin gawaadhidi ku rarn oo aan wali laga soo dajin oo wadooyinka taagan. Ayada oo arintu ay sidaasi tahay hadana waxa ay ka warwarsanyihiin in la yidhaahdo wax bay haystaan oo laga jaro kaalmada ama laga yareeyo. In kasta oo aanay hubin kaalmadaasi dad intee leeg ayay ku filantahay hadana marka la eego dadka halkaasi ku soo qulqulaya in aanay mudo badan hayn doonin ayay qiyaastaan.

Waxa ay bulshada qaar ka mid ahi sheegayaan in kaalmada la keeno meelaha u dhaw melaha ay diyaaraduhu fadhiistaan. Sidaas dartee inta badan la gaadhsiiyo magaalooyinka iyo meelaha u dhaw balse kuwa ku sugan meelaha magaalooyinka ka fog fog iyo kuwa duurka ku dhax dhuumanaya aanay waxba helin. Si gaar ahna dadkii aan waxba haysanin ee aan magaalooyinka imanin wax ay u carareen oo khasab ku noqotqy duurka iyo qabaleyada u dhaw. Dadkii halkaasi ku sugnana in kasta oo ay wixi ay haysteen u qaybiyeen hadana madaama u wakhtigii dheeraday xita bulshadii halkaasi ku sugnayd ayaa dhibaato ay la soo kulantay.

Wargayska addis maleda ayaa isku dayay in uu soo arko soo barokacayaasha la sheegay in aanay magalada daganayn ee meelaha fogfog jooga waxana uu maray canfarta dhxdeeda waxana u la kulmay dadka ku sugan wadada u dhaxaysa hara iyo mili. Meel u dhaw magalada dhire rooqa oo la yidhaahdo jaara dad ku jira duurka u dhaw waxaana u soo arkay dad maryo geedaha ku xidhay oo ku hoos nool, waana dad isugu jira caruur iyo dhalinyaro ay ku badanyihiin waxaana ka muuqata dhibaato ka daran kuwa magaalooyinka jooga.

Waxaana u badan dadkani qaar eheladoodi kaga yimid meel kala duwan oo sahaminaya sidii ay kaalmo ku heli lahaayeen, hadii ay helaan wax kaalmo ah waxa ay ula tagayaan meelihi ay eheladoodu ku kala baahsanaayeen oo waxa ay rajaynayaan in ay soo af jarmato dhibatadoodu.

Sooyuma meesha la yidhaahdo waxa weyaan meel lagu dagaalamayo meelo badan oo cidanku ay daganyihin oo aanaanu idiinka warami Karin ayaa ciidanku dadkan soo qaxay waxa ay wax uga qaybin jireen raashinka ay haystaan sida shuuro wadi iyo wax yaabo kale. Madaama ciidanku ay hada ka horna ay raashinkooda wax uga qaybin jireen dad kale waxa ay ku noqotay wax ay awoodi kari wayeen.

Weerarada taxanaha ah ee lagu soo qaaday halkaasi dagaladii ay bulshdu la galeen ee ay ku soo ceshadeen mile shakhsiyaadkii u dagaalamay ee halkasi u xoreeyay waxa ay iskood u siiyeen darajooyin generaalnimo ah. Xasan Keremu oo loogu magic daray generaalka macawista qaba oo u halgamay bulshada halkaasi ku dhaqan oo kaalmana siiyay bulshada halkaasi joogt iyo dadki tirade badnaa ee soo baro kacay ayaa ka mid ah sababta u ku helay magaca fiican.

Xeerada jaara ku taala ee aan xita lagu sheegi Karin in ay tahay xero qaxooti ah ayaa waxa ka dhisan hal taanbuug walin cidi ma soo galin. Xiligii uu wargaysku halkaasi ku sugnaa ayaa waxa wali la bilaabayay diiwaan galinta dadkii halkaasi joogay. Waxa wargayska u waramay malintii xigtay mid ka mid ah dadki hawshaasi waday oo asaga laftigiisu ahaa barokace in caruurta yaryar iyo hooyooyinka xaamilka ah iyo kuwa umusha ah halkaasi lagu kala saarayay. Waxa kale oo uu wargaysku soo ogaaday in ay halkaasi ka soo raacen shaqaale dawladeed oo qabalayasha miyiga ee halkaasi ka jira ah oo ay caawinayeen. Wargayska addis maleda waxa kale oo u la kulmay dad la layn laha oo ka baxsaday oo dhaawac soo gaadhay oo u socday dhakhtar ku yaala kombolja oo fursad u helay in u waraysto.

Nin la yidhaahdo Idriis Secid oo asaga iyo qooyskisuba ay ku dhuumanayeen dagmada habru qabalaha 20aad ayaa markii ay wixi ay cunayeen ka dhamaadeen soo dhuuntay oo daqiiq u soo doonay qooyskiisa waxana dhaxda ka helay oo qabsaday kooxdii hubaysnayd ee halkaasi soo weerartay. Waxana ay ku xukumeen in la dilo ayaga oo ku wada meel yara qarsoon oo ay ku dilaan waxa ka soo hor baxay 40 qof oo ka tirsan kooxdaasi soo weerartay waxana ninkii waday Idiriis ay ku amreen in hortooda uu madaxa ka toogto, ninkii loo waday dilka oo meel god ah oo uu dhaw la rabay in maydkiisa lagu tuuro ayaa intii aanay dilin ka hor godki isku tuuray oo ka baxsaday.

Ninkaasi oo galgalasho kaga baxsaday ayaa xabadihi laga dabo ridayayna ka badbaaday, sidaasi ayaanu kaga baxsan karay. Dhawaci iyo holhoolki soogaadhay awgeedna waa uu socon kari waayay. Markii danbena dad ayaa soo gaadhay waxana ay ku qaadeen qoryo iyo macawis ay ku xidhxidheen waxana ay soo gaadhsiiyeen xeradii uu ore u joogay.

Waxa u sheegay ninkaasi in kooxda soo weerartay ee argagaxisda ahi ay ka soo dabo direen nin kale oo ay qabteen in uu usoo sheego sida uu uga badbaaday xabadahaasi faraha badan ee ay ku soo ridayeen oo u bixiyo xabadihi ka khasaaray hadii kale se ay ka aar goosan doonaan oo qoyskiisana ay dhib u gaysan doonaan. Markii danbe asaga iyo ninkii loo soo dirayba meeshii way ka carareen qooyskiisina meeshi bu ka kaxeeyay in u soo baxo oo uu qooyskiisana wax u soo doono wuu awoodi waayay.

Dadkii ku noola qabaleegi uu ninkaasi dagana ayaa sheegay in labo cisho oo dhan xabado lagu furay oo ugu yaraan 45 guri inta gaas lagu rusheeyay laga gubay. Waxa uu sheegay ninkani in ay 7 beerolay ah ay meeshaasi ku gawraceen, sida oo kale dadki kacararay si aanay meeshasi ugu soo noqonin bay ka yeeleen waxaana ay ba’abiyeen beerihi halkaasi ka jiray. Waxa kale oo uu yidhi riyihi iyo digaagi aanu halkaasi ku haysanay oo dhan way wada qaatee, guryahayagina inta ay wada dumiyeen ayay dab ay wax ku karsadaan ka shiteen. Meel aanu ku noqono ma haysano dawladu sida ugu dhakhsaha badan hanooga saarto kooxdaasi.


አዲስ ማለዳ Meskrem 29 2014 No 16
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com