የእለት ዜና

Ardaydii wax ka baran jirtay jaamacadaha ku kala yaala deegaanka tigraay ayaa yidhi balan qaadki naloo galay ha naloo fuliyo.

Waxa wargayska addis maleda uu waramay ardaydii wax ka baran jirtay jaamacadaha ku kala yaala deegaanka tigraay oo yidhi waxaanu u baahannahay xal, wasarada sayniska iyo waxbarashada heerka sare waxa aan ka rabna in ay noo fuliso balanti ay noogu balan qaaday.

Ardaydaasi wax ka baran jiray jaamacadaha ku kala yaala deegaanka tigray oo ka cabanaya wasarada sayniska iyo waxbarashada heerka sare ayaa waxa ay yidhaahdeen markii aan jaamacadaha ka soo baxnay dagaalada awgeed ee aan waxbarashadayadii joojinay laga bilaabo bishii hamle 6deedii 2013kii oo aan soo marnay dhinaca samara, wasaradu waxa ay noo balan qaaday in ardaydi wax ka baran jirtay jaamacadaha tigraay ee waxbarashadoodi joojiyay in mudo gaaban gudaheed wax looga qaban doono sidii ay ku dhamays tiran lahaayeen waxbarashadooda, balse aan ila iyo hada wax nalooga qabtay aanay jirin.

Sida ay ardaydaasi sheegeen in xiligi ay ka soo baxeen jaamacadaha oo ay soo mareen deegaanka canfarta, marki ay hakaasi ku sugnaayeen wasarada sayniska iyo waxbarashada heerka sare ay uu sheegtay in xilgaasi ay tagaan guryohoodii mudo yar gudaheedna loo yeedhi doono oo kuwa qalin jabinayana ay meel ku wada qalin jabin doonan, sadex bilood ayaa ka soo wareegtay bay yidhaahdeen xiligi sidaasi loogu balan qaaday ilaa iyo xilga warkan laga soo diyaariyayna ma jirto wax loo qabtay si ay waxbarashadoodi u sii wataan.

Cabanayaashu waxa kale oo ay sheegen in ardaydii wax ka baranaysay jaamacadaha kale ee sanadkii 2013kii ay qalin jabiyeen, kuwii aan qalin jabinta gaadhinna wax barashadoodi loogu yeedhay, ardaydi afarta jaamacadood ee deeganka tigraay wax ka baran jirtay se in aanay wasarada sayniska iyo waxbarashada heerka sare aanay ilaa iyo xiligan xaadirka ah wax goa’an ah soo ogaysiinin.
Waxa wargaysku uu soo ogaaday in ay ardaydii wax ka baranaysay afarta jaamacadood ee ku kala yaala deegaanka tigraay ee qalin jabinaysay sanadkii hore ay iska xusheen gudi,gudigaas iyo gudi kale oo waalidiinta ah oo arintaasi ka duulaya iyo wasarada sayniska iyo waxbarashada heerka sare oo is kaashaday si ay wada tashi u yeeshaan, waraaq ogolaansha ahna ay ka heleen koomishinka booliska addis ababa 2dii bishi pagume 2013kiina ay shir wada tashi ah yeesheen hadana aanay helin jawaab qancisa ardaydaasi.

Waxa kale oo u wargaysku soo ogaaday in gudigaasi ardayda ah arintooda waday ay tageen xafiiska wasarada saynsiga iyo waxbarashada heerka sare oo ay wayeen cid jawaab ka siisa sua’ashoodi.
Ardaydaasi oo sheegtay in ay wax jawaab ah ka wayeen shirkii ay yeesheen gudigii waalidintu iyo xafiiska wasarada oo ay tageen ardayda laftigoodu xafiiskaas ayaa waxa ay door bideen in arintan ay ka sheegaan war bahinta, sida oo kale waxa ay isku dayeen in ay banana bax sameeyaan, waxaana ay yidhaahdeen banana bixi aan rabnay in aan samaynona waxa noo diiday koomishiinka booliska magalada addis ababa.

Ardaydaasi cabanayaasha ah oo tiradoodu ay dhantahay 10 kun iyo164 ayaa sheegay in wasarada laftigeedu ay hore u sheegtay in ay wax ka baran jireen afarta jaamacadood ee deegaanka tigraay, halkii ay wax goa’an ah nooga sheegi lahayeen tacabkayagii ayaa marka aan xafiiska ugu tagnoba wax naloogu jawaba bay yidhaahdeen maxaad na leedihiin sameeya ma waxaad na leedihiin jaamacadahaasi albabada ha loo xidho.

Sida ay sheegen ardaydaasi waxa ka muuqata wasarada in ay rabto sidii dib naloogu celin lahaa jaamacadahaasi ku yaala tigraay. Wixii dhib ahaa ee naga soo gaadhay deegaanka tigraay anaga uun baa og, dhib wayn oo dhinaca cilmi nafsiga ah ayaa naga soo gaadhay, in aanu halkaasi dib ugu noqono oo aan wax ka barano niyad uma hayno.

Waxa ay intaasi raaciyeen ardaydu in xiligii dagaaladii itoobiya iyo eritiriya ay dhibaatadan oo kale ka soo gaadhay arday kale oo jaamacado wax ka baranaysay, ardaydaasina waxa wax looga qabtay waxbarashadoodi, sida oo kale anagana waxa loo baahanyahay in nalaga caawiyo oo fursad nala siiyo si meelaha ay nabadgalyadu ka jirto jaamacadaha ku yaala waaxdii ann wax ka baran jirnay inta nalagu soo qoro oo aan waxbarashadayadii halkaasi ka sii wadano.

Waxa ay sua’alahoodii ka mid ahaa ardaydaasi in wakhtigoodi ka baylahay aanay dib u heli karin. Ilaa goorma se wax suga uun nala leeyahay.
Waxa kale oo cabanaysa ardaydii wax ka baranaysay jaamacada woldhiya oo waxbarashadoodi joojiyay dagalada awgeed, waxana ay yidhaahdeen waa in cida ay khusayso arintani ay wax nooga qabato si aan waxbarashadayadii u sii wadan karno.

Wargayska addis maleda ayaa isku dayay in uu wax ka soo ogaado arintan waxaan u la xidhiidhay Dr. Saamuel Urqaato oo ka mid ah wasarada sayniska iyo waxbarashada heerka sare, balse xiligii u la balamay wargayska madama tilifoonkiisa la qaban waayay wax xog ah oo arintaasi ku saabsan in u wargaysku ka soo waramo wuu awoodi waayay.


አዲስ ማለዳ Meskrem 29 2014 No 16
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com