የእለት ዜና

Waxa lagu buriyay sharciyada bayaanka 39aad ee qeexaya goa’aminta masuuliyada iyo wax qabadka xubnaha hawl fulinta cusub

26kii meskerem 2014kii ee aan aoo dhaafnay go’aanki lagu soo ban dhigay goolaha wakiilada shacabka oo lagu goa’amiyay nidaamkii iyo wax qabadka xubnaha fulinta ee sharciyada bayaanka tirsigiisu yahay 1263/2014:39 ayaa lagu buriyay .

Goolaha wakiilada shacabka ayaa todobaadki aan ka soo gudubnay wareegi 6aad sanadkii kawaad shirkii gaarka ahaa ee uu yeeshay masuuliyada iyo xubnaha hawl fulinta bayaanki la soo hor dhigay ku goa’amiyay hal cod oo aan laga dhiiban iyo codad badan oo laga dhiibtay. Ayada oo bayaanka cusub laga duulayoo ayaa waxa xafiisyada dawlada ee sida cusub dib u habaynta loogu samaeeyay lix bayaan iyo 33 xukun lagu buriyay,sidaas darted bayaankaasi oo la dhqan galiyay awgeed ayaa shrciyadaasi hore dhaqan gal ah ma yeelanayaan.

Bayaanka cusub ee lagu buriyay bayaanada ayaa jamhuriyada dimoqraadiga itoobiya masuuliyada iyo xubnaha hawl fulinta si loo goa’amiyo bayaanka laga soo saaray ayaa tirsigiisu waxa u yahay 1097/2014: masuuliyada dabogalka shidaalka iyo wax soo saarka shidaalka soo ban dhigida iyo qaybinta bayaanka lagu asaasayo tirsigisu waxa u yahay 1145/2011: bayaanka lagu asaasayo ka hortaga shucaca tirsigiisu waxa u yahay 571/200: dhisida wakaalada kaabayasha dhqale ee isku dhafan ee federaalka bayaanka tirsigiisu waxa u yahay 587/2000 iyo dhisida sahaminta dhulka ee itoobiya bayaanka tirsigiisu waxa u yahay 194/1992 in ay kala yihiin ayaa la goa’amiyay.

Ayada oo laga duulayao tirsiga bayaanka cusub ee labadalay tirsiga bayaanka 1263/2014 33ka xukun ee la buriyay waxa ka mid ah dhisida machadka warshadaha horumarinta hargaha tirsiga xukunka 180/2002, dhisida wakaalada fursada shqo abuurka magaalooyinka iyo damaanada cuntada ee federaalka xukunka tirsigiisu u yahay 347/2008, dhisida ha’ayada koomishinka horumarka biyaha iyo waraabka xukunka tirsigiisu u yahay 444/2011, dhisida ha’ayada tamarta itoobiya xukunka tirsigiisu u yahay 308/2006 iyo dhisida xarunta xeelada waxbarashada itoobiya xukunka u tirsigiisu yahay 276/2005.

Sida oo kale waxa ka mid ah asaasida wakaalada ku haboonaanta iyo tayada waxbarashada heerka sare ee xukunka tirsigiisu u yahay 261/2004, dhisida ha’ayada koomishinka wax qabadka isboortiga xukunka tirsigiisu u yahay 446/2011, dhisida wakaalada dhulka magaalooyinka iyo arimaha la xidhiidha diwaan galinta iyo xogta hantida dhulka xukunka u tirsigiisu yahay 251/2003, dhisida wakaalada horumarinta warshadaha wax soo saarka ee yaryar iyo kuwa dhaxe xukunka u tirsigiisu yahay 373/2008, dhisida machadyada horumarinta warshadaha maryaha xukunka u tirsigiisu yahay 180/2002, dhisida machadka horumarinta warshadaha hilibka iyo caanaha ee itoobiya xukunka u tirsigiisu yahay 295/2005 iyo dhisida koomishinka masuuliyada hawlaha abuurida fursada shaqo abuurka ee xukunka u tirsigiisu yahay 435/2011. Guud ahaan kuwa kor lagu soo xusay iyo qaar aan la xusinba waxa la buriyay 33 xukun oo lagu badalay bayaanka sharciga cusub.

Sharciyada bayaanka cusub ee qeexaya goa’aminta masuuliyada xubnaha hawl fulinta cusub sharciyada ka gudbay waxa dheer in 40 xafiisyo oo hawl fulinta ah oo feederaalka ah magacyada laga badalay, xafiisyadaasi magacyada laga badalay waxa ka mid ah maamulka wakaalada nuxurka masharicda horumarinta ee dawlada oo loo badalay maamulka horumarinta nuxurka mashaaricda dawlada, wakaalada nabad sugida shabakada macluumadka oo loo badalay maamulka shabakada macluumaadka nabad sugida, xarunta xogta dakhliga nabad sugida oo loo badalay adeega dakhliga nabad sugida, koomishinka maraynta masiibooyinka ee qaran oo loo badalay koomishinka maraynta hawlaha masiibooyinka iyo ha’ayada iibka bunka iyo shaaha oo loo badalay ha’ayada bunka iyo shaaha ee itoobiya.

Waxa jira xarumo kale oo aan la sheegin oo magaca laga badalay, sidaas darted wixii hada ka danbaysa waxa loogu yeedhaya magacyadooda cusub. Machadyada aan magaca lagaga badalin sharciga cusub iyo kuwa magaca laga badalayba waxa la sheegay in dawladu ay sideed bilood dhisida machadyadaasi daraasad ku samaysay.


አዲስ ማለዳ Meskrem 29 2014 No 16
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com