የእለት ዜና

Qaylo dhaanka ka badbaadin kar wayay dhimashada muwaadiniinta rayidka ah

Nin magaciisa la yidhaahdo Seciid Aden ayaa waxa u ku dhashay kuna koray deegaanka oromiya wuqooyiga gobolka welega xaafeda anguur gutin qebelaha afraad. Siciid waa wiil dhalinyaro ah oo ka shaqaysta ganacsiga, waxa uu sheegay in uu ku dhashay deegaanka oromiya balse uu meelo badan oo ka mid ah deeganada kale ee dalka ku wareegay.

Waxa kale oo uu yidhi xiligan xaadirka ahna iska daa in aad u kala wareegtid deegaano kala duwan qabale ilaa qabale in la ta tago lama awoodi karayo. Laga bilaabo 2012kii bu yidhi dadka halkaasi dagan in ay shaqada tagaan oo si nabadgalyo ah uga soo hoydaan guryahood ayaa laga baqaa.

Dadku waxa ay isku yidhaahdaan inta badan oo la maqla in madaxdii iyo boqortooyadi hore waxyaabihi ay sameeyen ee ay ku beeren dadka ay ka dhalatay is nacayb dhinaca halka ay ka soo jeedaan ama qabiilkooda ah.

Siciid waxa uu sheegay in wax kastaba uu aad ugu fiirsado. Waxa uu ku markhaati furaya in dadku ay kala qaybsameen oo ay kala foogaadeen. Waxa kale oo aan aad ugu fiirsaday bu yidhi in qoomiyad kastaba ay qoomiyada kale ay ka qabto fikir khaldan oo dib u dhac ah oo ay is leeyihiin waa xag jir ama waa qabyaalisiistayaal maraka qaar waxa aan mooda in nalagu haysto xukun.

Waxa uu yidhi waxa aan uu fiirsaday in meesha aan ku noolahay dadka ku kala nool ee oromada ah, amxaarada ah iyo tigreega ahba in ay kala fogaadeen, Malinba malinta ka danbaysa in dadkaasi oo imikana si ficil ahaan ah ay u badaleen oo si sahlanna looga dareemaya. Waxa kale oo uu sheegay Siciid in uu indhihiisa ku arkay dadka raydka ah ee lagu laynayo si arxan daro ah.waxa hubaal ah in laga bilaabo sanadkii 2012kii ay dadku iskood isigu kaceen ayaga oo eegaya cida u yahay ama lagu soo weerarayo qabiilkiisa.

Si dhibaatooyinkan looga gudbo bu yidhi Siciid dadku kolba waxa ay isku dayaan in ay cabashooyinkooda uu gudbiyaan duqa magalada sida oo kale maamulka gobolka iyo maamulka deegaanka si weerarada lagu soo qaadayo wax looga qabto, marka mudo yar ay joogsadaan weeraradaasi hadana waxa si cusub loogu soo qaada weeraro kale oo cusub xili aan la filanayn, wax xal ah oo waara oo laga qabtayse ma jiraan waxaana tusaale uu ah dadka rayidka ah ee maalin kasta la laynayo.

Sida uu Siciid hadalkiisa ku sheegay in dadkii hore isu jeclaa ee sida fiican uu wada noolaa uu nacayb ka dhax abuurmay oo xili dheer soo jiitamayay in arintanina mudo ay ka soo wareegtay.
Si gaar ahna buu yidhi in kooxda argagaxisada lagu magacaabay daboyaaqadi sanadkii 2013dii ee onag shane weerarada ay ku soo qaadayaan ee ku salaysan halka ay ka soo jeedan dadku oo ay maalin kasta dad badani naftooda ku wayaan, intii soo hadhayna ay khasab ku noqotay in ay warbahinada u qaylo tagaan oo ay cabashadooda ka maqashiiyaan.

Waxa la ogsoonyahay in qaylo dhaanka dadka rayidka ah ay idaacaduhu sii daayaan, balse qaylo iyo daal mooye aan wax iska badala aanay jirn. Siciid waraysigi uu la yeeshay wargayska addis maleda waxa u ku soo gabagabeeyay fariintan xigta.

Waxa xiligan xaadirka ah dhibatooyinka iyo dagalada dalka ka jira ay igu abuureen dhaawac dhinaca cilmi nafsiga ah oo aan la qiyaasi karaynin.waxa nasiib dar ah buu yidhi in anagu aanu iskeen fursad isu siino in aan is cuno, in kasta oo ay jiraan qaar ku badbaaday qayladii ka soo yeedhaysay hadana waxa jira qaar qayladoodi ay ka badbaadin wayday in la laayo.

Waxa uu intaasi uu raaciyay dhibaatooyinka soo gaadhi lahaa marka ay dadku ay qaylo dhaan soo gudbistaan waxa ku haboonayd in xal loo sameeyo, balse hadii qayladooda dhagna laga maqlo oo dhagta kalena laga sii daayo maxaad ku sheegi kartaa? Dadka meelaha kala duwan lagu laynayo ee itoobiyaanka ah wax badan ayay dawlada uu qayliyeen. Mudo ayaa ka soo wareegtay intii laga dhago xidhay, sida uu wargayska addis maleda uu ugu cadeeyay.

Waxa la ogsoonyahay in kooxda tplf argagaxiso lagu magacaabay sanadkii 2012kii bishi tiqimt 30keedi, waxana meesha la yidhaahdo maay kaadhra lagu laayay dad rayd ah si jilmad ah, waxana hal good lagu wada riday 74 qof oo mayd ah oo lagu wada aasay, sida oo kale maalin kaliyaata waxa lagu laayay 600 oo qof oo rayd ah. Waxa kale oo xafiiska koomiishinka shaqaalaha iyo arimaha bulshada ee itoobiya uu sameeyay daraasad ku saabsan arintaasi waxaana uu xusay in guud ahaan kun qof in ka badan halkaasi ay ku naf waayeen.

In kasta oo xiligii weerarkaasi loo gaystay bulshadii halkaasi daganayd ay qaylo dhaan soo gudbisteen hadana ay wayeen cid soo gaadha oo badbaadisa waxa ay mutaysteen dhimasho. Xiligaasina in war baahinada dalka iyo kuwa dibaduhuba ay arintaasi aad uga warameen ayaa xaqiiqda ficiladaasi cadaynaysa.

Waxa kale oo xusid mudan in dadkii halkaasi loogu laayay ay dadka qaar oo halkaasi dagana ku sheegeen in dadkaasi loo laayay madaama ay amxaaro yihiin oo kaliya, dadkii sidaasi yidhina dhibaatooyin loo gaystay. Ilaa iyo intii arintan warkan laga soo diyaariyay dadka weerarada lagu soo qaadayo ee ku kala nool canfarta, amxarada, beenishaangul gumz, oromiya iyo tigraay ay sababtu ku salaysantahay qabiil takoor oo ay tahay arin xal loo heli waayay.

In deegaanka oromiya gobolka welaga dagmooyinka kala duwan dad ku nool ay yidhaahdeen kooxda argagaxisda ah ee onag shane way na laayeen ay oo mudo badan ay sheegayeen oo ay ka warameen idaacadaha dalka iyo kuwa dibadahaba ay markhaati u noqonayaan, balse ilaa iyo xiligan xaadirka ah wax xal ah oo laga qabtay aanay jiri sida ay sheegayaan bulshada halkaasi ku nool.

Dadka ku nool dagmada karamu ayaa 3dii bishi tiqimt ee 2014ka wargayska uu sheegay in kooxda argagaxisada ah ee onag shane ilaa xiligan xaadirka ah ay ku soo qaadan weeraro, waxana ay wargayska ku yidhaahdeen na soo gaadha oo cod noo noqda oo dawlad noogu qayliya. Waxa kale oo ay yidhaahdeen todobaadkan oo kaliya dagmada keremu qabelaha haro dadka lagu laayaa maalin kasta way soo kordhayaan, dawladu ciidan ha noo soo galiso oo ha na badbaadiso.

Waxa kale oo la ogsoonyahay in deegaanka canferta muwaadiniin kala duwan oo ku kala nool meelo kala duwan ay soo weerareen kooxda argagaxisada ah ee tplf laga bilaabo bishii hamle ee 2013kii oo ay sheegeen in dad rayid ah lagu laayo halkaasi, bishan aanu ku jirno ee tiqimt ee 2014ka todobaadkii ugu horeeyay ay dib weeraradi ugu soo qaadeen oo dad rayid ah oo halkaasi ku noolna lagu laayo ayaa waxa ka warama war baahino kala duwan.

Waxa kale oo intaasi dheer in ay jiraan muwaadiniin kala duwan oo deegaanka amxaarada ku kala nool in laga bilaabo bishii hamle sanadkii 2013kii lagu laayo dad rayid ah, sida oo kale waxa wargayska addis maleda uu waramay dad kala duwn in kooxda argagaxisada ah ee tplf ay si joogto ah ay weerarada ugu soo qaadan.

Dastuurka dalkeena itoobiya si loo ilaaliyo xuquuqda bini adamka waxa ku xusan qodobo dhawr ah, qodobadaasina waxa ka mid ah qodobka 25aad, hadii aan eegno qodobka 25aad waxa u sheegaya in cid kasta oo muwaadin ah aan lagu weerari Karin qabiilkiisa, diintiisa,jinsigiisa iyo sababo kale oo aan lagu takoori Karin.

Sida oo kale qodobka 10aad waxa uu sheegaya in muwaadiniinta iyo shacabkaba la ilaaliyo xuquuqdoiisa biniadamnimo iyo xuquuqdiisa dimoqraadiyeed.waxa caadi noqotay in dadku ay marar badan yidhaahdaan itoobiya waxa ay leedahay sharciyo qoraalka lagu goa’amiyay balse aanay jirin wax dhulka u soo dhaadhacay, taasina waxa muujinaysa dagaalda meelaha kala duwan ee dalka ka jira.

Profeesar Temesgen Siisaay oo macali sharciga ah oo wax ka bara magalada baxardhaar ayaa sheegay dastuurka itoobiya in uu sheegayo in muwaadiniintu meelaha ay ku noolyihiin loo ilaaliyo xuquuqdooda biniaadamnimo oo ay xaq u leeyihiin in meel kasta ay ku nooladaan, balse aan shrcigan lagu dhaqmin waxaana tusaale uu ah dhibaatooyinka la arkayo ee meelaha kala duwan ee dalka ka jira.

Waxa kale oo uu yidhi sharci yaqaanku dalkeena itoobiya waxa uu qaatay sharciga wadamada caalamka u yaala ee xuquuqda biniaadamka. waana uu qaatay sharcigaasi oo uu goa’amiyay. Waxaana ka mid ah in cid kasta oo itoobiyaan ah aan lagu kala saari Karin qabiil iyo midab oo ay meelo kala duwan mari karaan , ku noolaan karaan kana shaqaysan karaan qodobka xusaya.

Laakiinse bu yidhi Siisay Temesgen waxa la arkaa in meelo badan oo dalka ka mid ah lagu xad gudbo xuquuqda biniaadamnimo ee muwaadiniinta, marka arimahaasi oo kale ay dhacaan waxa masuuliyada wayni ay saarantahay waa dawlada in muwaadiniintaasi meelaha ay daganyihiin ay amnigooda iyo nabadgalyadooda ilaaliso, hadii dawladu aanay sidaasi samaynin waxa ay ka dhigantahay masuuliyadeedi kama aysan soo bixin.

Waxa uu intaasi raaciyay in xiligan xaadirka ah ay deeganada oromiya, beenishaangul gumz, amxaarada iyo canfartaba meelo kala duwan ay dadku ka qaxayaan oo ay naftoodana ku waayayaan sida oo kale ay laxaadkooda ku waayayaan oo ay qaylo dhaani ka soo yeedhayo.

Waxa kale oo uu xusay in idaacadaha kala duwan oo uu ay ka mid tahay warbaahinta amxaaradu ay arintan marar kala duwan oo taxane ah ka warantay,ayada oo ay jiraan buu yidhi in cid kasta oo bulshada ka mid ah masuuliyad saarani hadana dhinaca dawlada madaama aanay jirin wax xal ah oo laga qabtay waxa ay tusinaysa in dawlada hawshii looga baahna in ay qabato aanay waxba ka qabanin.

Waxa kale oo uu intaasi uu raaciyay in jiritaanka dawladu masuuliyadeea ugu muhiimsani ay tahay in muwaadiniint ay dareeman amaan, in la ilaaliyo naftooda ,hantidooda iyo cafimaadkooda xiligan xaadirka ah se waxyaabaha la arkayo waxa ay tusinayaan in dawladu aanay ka soo bixin masuuliyadeedi oo aanay ixtiraamin masuuliyadii saarnayd.

Sharci yaqaanku waxa uu sida oo kale yidhi masuuliyada muwaadiniinta saran ayada oo ay halkeedi tahay hadana marka aan eegno masuuliyada dawlada waxa ay dawladu ku khasbantahay in ay ilaaliso xuquuqda iyo danta cid kasta oo ku nool meelaha kal duwan ee dalka ka mid ah hadii ay hadlaan iyo hadii kaleba, arinta xiligan xaadirka ah jirta se waa mid ka duwan sidaasi. In kasta oo qaybaha amniga ilaaliya ee federaalka iyo kuwa deeganadaba loo asaasay in ay ilaaliyaan amaanka muwaadiniinta meelaha ay joogan hadana waxa xaqiiqo ah in ay awoodi kari waayen in ay sameeyaan sidaasi.

Hadii ay muwaadiniitu hadlaan iyo hadii ay qayliyaanba, iyo hadii ay naftooda iyo maalkoodaba ku waayan in la arko waa arin ayada oo aan wax hordhac ah loo samayn oo aan wax fahfaahin ah laga bixininba waa dawlada oo musuuliyadeedi ka soo bixi wayday.

Ugu danbayntiina waxa uu yidhi Temesgen markii la yidhi dawlad cusub ayaaa la dhisay dad badan ayaa rajaynaya in la sugi doono amniga oo xuquuqdana la ilaalin doono, si kalsoonida lagu qabo dawlada ay uu noqoto mid waarta oo dawladuna shacabkii doortay ay u ilaaliso amaanka muwadiniinta meel kasta ku nool waa in ay amnigooda ay sugto. Dawlkada ka sakoow si dhibaatooyinkan loo xaliyo waxa cid kasta oo muwaadin ah iyo kuwa xilalka haystaba looga baahanyahay in ay is kaashadaan.


አዲስ ማለዳ Tiqimt 6 2014 No 17
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com