የእለት ዜና

Waxa caanaha iyo wax soo saarka caanahaba laga soo saaray darajooyin khasab ah

Waxa wargayska addis maleda uu waramay madaxa wakaalada darajooyinka ee itoobiya qaybta diyaarinta darajooyinka Yilma Mengistu waxaana uu sheegay in wakaaladu ay caanaha iyo wax yaabaha ka soo baxa caanahaba ay 14 darajooyin oo cusub,17 darajooyin oo kuwii hore ah oo dib u habayn lagu sameeyay iyo 4 darajooyin oo khasab ah ay usoo diyaarisay.
Waxa oo kale oo uu Yilma sheegayin xafiiska goolaha ee darajooyinka ee itoobiya uu shirki caadiga ahaa ee 32aad ee uu yeeshay bishii meskerem 20keedii 2014ka ku ansaxiyay 7 qaybood oo darajooyin la soo diyaariyay uu ansaxiyay markii uu baadhitaan ku sameeyay kadib.

Sidaasi darted buu yidhi waxa xafiiska gooluhu uu goa’aan kama danbays ah ansaxiyay 7 qaybood oo 332 darajooyin oo cusub, 190 la mamnuucay iyo 184 darajooyin oo sidii ay ahaayeen lagu wadi doono isku wada dar oo 706 darajooyin.

7da qaybood ee darajooyinkooda la ansaxiyay waxa ka mid ah qaybta maryaha iyo hargaha 113 cusub, 33 la mamnuucay guud ahaan 146 darajooyin. Qaybta keemikda iyo wax soo saarka keemikada 13 cusub, 4 la mamnuucay guud ahaan 17 darajooyin, qaybta cuntada iyo wax soo saarka beeraha 122 cusub, 126 la mamnuucay iyo 33 sidii ay ahaayeen lagu wadayo guud ahaan 281 darajooyin, darajooyinka guud iyo kuwa asaasiga 80 cusub,27 la mamnuucay iyo 141 sidii ay ahaan jireen lagu daayay guud ahaan 248 darajooyin, sida oo kale dhismayaasha iyo muhandisnimada madaniga ah 3 darajooyin oo cusub, qaybta elektromakanikaal 2 darajooyin oo cusub, qaybta cafimaadka 9 darajooyin oo cusub ayaa inta darasaad lagu sameeyay la ansaxiyay sida uu hadalkiisa ku sheegay.

Darajooyinkan la ansaxiyay ee ay ka midka yihiin maryaha 74, hargaha 72 iyo wax soo saarka hargaha keemikada loo isticmaalo hawsha wax soo saarka hargaha 17, wax soo saarka maryaha iyo hargaha ku dhaqanka sumada guud iyo habka maaraynta (Generic code of practice and management system) 22, qaybta khudaarta 105 iyo waxyaabaha loo isticmaalo khudaarta oo ka ilaaliya caleemaha aan loo baahnayn ama haramaha 72 darajooyin, malabka 16 guud ahaan 381 darajooyin ayaa la ansaxiyay ayada oo lala kaashanayo wasarada ganacsiga iyo warshadaha iyo caawimo laga helay mashruuca tayada kaabayaasha dhaqaale.

Sida oo kale waxa uu sheegay in mudo dheer lagu samaynayay daraasad darajooyin la soo diyaariyay 6 qaybood oo wax soo saarka dalka ah oo ay ka midka yihiin shuuro wadida, basbaaska, basada iyo wax yaabo kale oo la mid ah markii ugu horaysay. 6dani qaybood ee wax soo saarka dalka ah ayaan hada ka hor lahayn buu yidhi magic caalami ah oo lagu yaqaano oo aan darajooyinana loo samaynin.

Yilma waxa sida oo kale uu sheegay in xafiiska gooluhu uu ansaxiyay darajooyin khasab ah oo la xidhiidha caanaxa iyo wax soo saarka caanaha oo ay dadka oo dhami yar iyo wayn sida aadka ah uu isticmaalaan, darajooyinkan khasabka ah ee la ansaxiyay waxa ka mid ah weelka ay caanaha ku shubaan kuwa ka ganacsada tayadooda, gaadiidka lagu qaado caanaha in u yahay mid ku haboon iyo in kale iyo bacaynt caanaha.

Waxa kale oo uu hadalkiisa raaciyay in darajaynta caanaha iyo wax soo saarka caanaha markii ugu horaysay la ansaxiyay sanadkii 1994tii 20 sano ka hor,darajayntuna ay ku salaysnayd mid ogolaansho ah. Waxana dhibaato ahaan loo arekayay wax soo saarka oo yaraa, dabagalka lagu samayn jiray oo koobna,qaybtaasi oo aan la balaadhin iyo nidaamka kala iibsiga oo aan hagaagsanayn.

Waxa kale oo uu yidhi si loo hagajiyo arimahaasi waxa loo baahna in la qabto hawsha in darajooyinka khasab laga dhigo oo si daraasadaysan dabogal loogu sameeyo, in inta la diyaariyo dabagal dhinaca calafka loo sameeyo darajo oo la dhaqan galiyo, in awooda fahanka la dhiso oo kor loo qaado oo hawlahana si wada jir ah loo qabto iyo dadka ku hawlan qaybtaasi la isku xidho oo la kaalmeeyo ayaa hawsheeda lagu jira.

Dalka itoobiya waxa uu qani ku yahay sida loo soo saaro darajooyinka iyo sida loo ansaxiyo, laakinse buu yidhi masuulkaasi darajooyinkaasi la ansaxiyay sidii loogu dhaqmi lahaa ayaa waxa ka muuqata caqabad.sida oo kale waxa uu sheegay in hawsheeda lagu jiro sidii loo ilaalin laha cafimaadka muwaadiniinta iyo daganaanshaha agagaarkaasi oo tijaabooyinka caalamiga ah dalka la keeno sida oo kale loo diyaariyo fursadaha tababarada oo wax soo saarka dalkana laga dhigo qaar caalmaka la jaan qaada.

Waxa kale oo uu yidhi in kor loo qaado xirfada darajooyinka kaalinteedu dhiiri galinta ay ku samaynayso ka sakoow waxa ay ilaalinaysa faaidooyinka cafimaadka bulshada iyo amniga ilaalinta deegaanka iyo faaiddoyinka macaamisha,sida oo kale si cida dabagalka ku samaysa ay ugu dhaqanto hawsha dabogalka iyo kaalmadda oo ay uu noqoto mid haboon.


አዲስ ማለዳ Tiqimt 6 2014 No 17
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

error: Content is protected !!