የእለት ዜና

Waxaa la sheegay Amni darada ka jirta gobolka mataka inay caqabad ku noqotay dhaqdhaqaaqa gaadiidka

Taasoo dhibaato ku noqotay gaadiidka agabyada u qaadaya biya xireenka way nee wabiga abaay.
Gobolka matakal ee degaanka benishangul gumuuz amni darada ka jirta maadaama aysan isbadalin gobolka adeega gaadiidka inay caqabad ku keentay ayay bulshada aagaasi ku dhaqan u sheegeen addis maaladaa.

Xasilooni la’aanta ka jirta gobolka matakal in kasta oo ay sanada ka soo wareegatay,ilaa iyo hada maadaama aan xal loo helin bushada ku dhaqan gobolkaas gaar ahaan dadka ku nool goobaha miyiga dhaqdhaqaaqoodii in uu xaddidmay ayay bulshada deegaanka sheegeen.

Nabad galya la’aanta gobolka wax isbadal ah maadaama aysan kajirin,gobolka waxaa lagu soo rogay xaalad dagdag ah.waayadan dambe maadaama aan wax isbadal ah laga dareemin gobolka ciidanka difaaca qaranka iyo ciidanka gaarka ah ee degaankaas in goobta loo diray ayaa la ogsoonyahay.sikastaba ha ahaate bulshada goobtaas ku nool sida ay sheegayaan kooxo hubaysan inay aagaas ka dhaqdhaqaaqaan islamarkaana ay bulshada reer miyiga isusocodkooda ay xaddideen.

Bulshada sida ay ugu warameen addis maaladaa,xiligan la joog inta badan bulshada ku nool goobaha aan magaalada ahayn in la xadhiday dhaqdhaqaaqa bulshada iyo gaadiidka.
Kooxa hubaysan maadaama ay caqabad ku noqdeen isu socodka gaadiidka,agabyada kala duwan ee loogu talagalay dhismaha biya xireenka way nee wabiga abaay inay dhibaata dhanka gaadiidka ah jiraan ayay bulshada addis maaladaa usheegeen.laga soo bilaabo wabiga gigas give ilaa biya xireenka wadada isku xirta gawaarida agabyada dhismaha sida ayay kooxaha burcadka dileen hal dirawal qalabkii saarnaana way dhaceen,sidaas daraadeed gawaarida alaabta dhismaha sida ee biya xireenka ilaa todobaad inay taaganyihiin ayaa lagu soo waramayaa.

Agabka dhismaha ee biya xireenka abaay maadaama aysan soo dhaafin gigal balas,inay dhibaatooyin kala duwan la kulmayaan ayay sheegeen dad markhaati ah oo goobahaasi ku sugan.“darawalada gawaarida agabka sida maadaama ay hal goob todobaad ka badan taaganyihiin way dhibaatoonayaan,qaarkood qarashaadkii ay biilka ka dhigan lahaayeen ayaa ka dhamaaday,hoteeladii ay daganaayeena waalaga soo cayriyay,laakiin dadka sariiraha iyo qolalaka jiifka kireeya ayaan ka barinay oo sidaas ayay ku noolyihiin hada” ayay ka markhaati ka ceen bulshada la socota xaalada darawalada.

Nabadgalya la’aanta ka jirta gobolka matakal in kasto oo muda lab asana laga joogo,ilaa iyo hada dhimashada bulshada rayika ah iyo barakaca xal lagu joogiyo in aan la helin ayay sheegeen shacabka gobolka ku nool,inkasta oo ciidanka difaaca qaranka iyo laamaha amaanka gobolk ay yimaadeen hadana dhibaatadan inaysan xalinin ayay bulshadu sheegayaan.xasilooni la’aanta gobolka ka jirta awgeed xili roobaadkan maaddaama aysan beeralayda aysan waxba beeranin,sanadaha soosocda nabad la’aanta inay gaajo iyo abaaro gobolka ka jiri doonto ayay sharaxeen.

Ciidanka difaaca qaranka iyo laamaha amaanka degaankaasi si wada jir ah ayay ujoojinayaan dhimashada bulshada rayidka ah islamarkaana kooxdan falaagada ah ayay tallaaba lama ilaawaan aha ka qaadayaan inkasta oo la islahaa taasi inaysan dhicin ayay bulshadu sharaxayaan.laamaha amaanka ee dawlada ee goobta la geeyay in kasta oo ay leeyihiin awood buuxda oo ay kooxahan tallaaba kaga qaadi karaan, laakiin ilaa iyo hada wax tallaaba ay qaadeen inaysan jirin ayay bulshadu ku tilmaamtay wax lalayaabo.waxayna bulshadu dawlada federaalka ka codsadeen kuna baraarujiyeen amni darada gobolka ee sanadaha badan soo jiidamayay in xal waaro loo helo.

Saddax gobol oo hoos yimaada deegaanka benishangul lama ka mid ah ee gobolka matakal iyo gobolk kaamaashii maadaama nabadgalyadooda aan wax isbadal ah laga arkin, doorashadii lixaad ee dalka ka dhacday labadaas gobol in aysan doorasha ka dhicin ayaa la ogsoonyahay,ayada oo labadan gobol aysan lahayn xilbaano shacabka ay soo doorteen oo golaha wakiilada shacabka ku matalaya.


አዲስ ማለዳ Tiqimt 6 2014 No 17
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

error: Content is protected !!