የእለት ዜና

Dhibaatooyinka ay ka cabanayaan dadka rikaabka ah ee la xidhiidha gaadiidka.

Magalo madaxda dalka dhibaatooyinka ka jira ee ay dadku la kulamaan dhinaca gaadiidka ah waxa ka mid ah yarida baabuurta, marka uu qofku gurigiisa ka baxo gadiidki uu rabay sidi uu ku heli lahaa way adegtahay. Waxyaabaha dadka lacagtooda iyo wakhtigoodaba ay ku baabiyaan waxa ka mid ah ee ugu horeeya waa gaadiidka, arintanina waxa sababa u ah waa dadka ku nool magalada iyo tirade gaadiidka oo aan isku dheeli tirnayn.
Dhibaatooyinka la xidhiidha gaadiidka ee magalada maaha mid kooban ee waa mid balaadhan, marka mid ka mid ah la xaliyo waxa soo baxaysa caqabad kale.

Waxa maalin kasata la arkaa xiliyada shaqada la tagayo iyo xiliyada shaqada laga soo baxayoba saf dheer oo loo galo tagaasida, sidaas darteedna dad badani kama soo gaadhaan xiliga shaqada la galayo sida oo kale habeenki dad badan ayaa guryahooda soo gaadha xili danbe.

Waxa dhibaatooyinkaasi ka mid ah sida oo kale in wadooyinka magaaladu ay yihiin qaar kooban, magaalada addis ababa ka caasimad ahaan wadooyinkii loo baahna in ay yeelato waxa ay leedahay oo kaliya boqolkiiba 20, taasina waxa ay ku noqotay caqabad dadka ku nool casimada si aanay meelaha dhaw dhaw ugu lugaynin iyo in baaburtaba ay raacanba.

Madaama anaay jirin wadooyin kale oo u noqon kara marka ay mid xidhanto in ta kale la maro ayaa hadii wadada kaliyaata ee jirta ay xidhanto ama shil baabur uu ka dhaco in saacado badan ay istaagayaan gawaadhidu.
Waxa kale oo caqabad ku noqotay wadooyinka ayada oo aan markii horeba aanay jirin wadooyinku ama ay yaryihiinba, in dukaamo laga furto wadooyinka dhinacyadooda ama dhisme laga bilaabo wadooyinka agtooda oo qalabkii lo isticmaalayay dhismahaasi la soo dhigo banaanka ayaa ah wax yaabaha acqabadaha ku noqday gaadiika. Waxa kale oo caadi laga dhigtay ama lala qabsaday in makhaayaduhu ay wadooyinka kuraas dhigaan oo ay halkaasi dadku fadhiistaan oo ay wax ku cunaan, hadaba caqabadahan aan kor ku soo xusnay ayaa dhib ku noqday gaadiidka iyo dadwaynahaba, kuwaasi oo mudoo dheer qaadan doonta sidii loo xalin lahaa.

Hadaba ayadoo ay jiraan dhibaatooyinkaasi aan kor ku soo xusnay iyo qaar kaleba hadana waxa ay shacabku ka cabanayaan in mar kasta lacagta qiimaha gaadiidka lagu kordhiyo iyo in lacagta ay bixiyaan aan baaqi looga soo celinin.

In tagaasidu ay lacgta ay doonayaan ay iska dul saartaan waxa ay tusinaysa in aanay jirin cid ayaga wax ka qabata, malinta axada ama maalmaha ciidana halkii lagu tagi jiray sadexda bir ayaa waxa ay dadka ka qaadaan shan bir halkii shanta bir lagu tagi jirayna waxa ay ka qaadan toban bir, rikaabka yidhaahda bixin mayno duulsaarkana waa laga dajiya gaadhiga ama waxa lagaga dhiga khasab in ay bixiyaan.

Sida meelo kala duwan lagu arkayna waxa jira mar hadii ay habeen noqoto laga bilaabo todobada fiidnimo waxa ay tagaasidu bilaaban in ay dadka lacgaha ku shan jibaaraan. Hadaba dhibaatooyinkaasi oo dhan waxa la mooda in dawladu aanay dan iyo muraad toona ka lahayn , dadka meelaha fogfog uu shaqo taga dhibaatooyinka iyo silica soo gaadhi karana waa mid la qiyaasi karo.
Waxa kale oo maalin kastaba dadka rikaabka ah ka xanaajiya in aan loo soo celinin baaqiga lacagaha ay bixiyaan waxa ay ku badantahay arintanina baa la yidhi tareenka.

Hadaba waxa arintan ka hadlay shakhsi aan rabin in magaciisa la sheego waxana uu u waramay wargayska addis maleda, waxa u yidhi marka aan tareenka isticmaalayno waxa na loog baahanyahay in aanu bixino afar bir balse inta badan waxa nalaga qaada shan bir. Hadii aan toban bir uu dhiibnona halki nalooga soo celin lahaa lix bir wax ay noo soo celiyaan shan bir. Waxa inta badan kuwa tigidhka tareenka jara ay noogu jawaaban mahayno lacag sarif ah oo aan idiin soo celino, dadka qaar ayga oo bixiya sanaatiin oo aan arkayno ayay hadana noo diidaan oo ay na dafiraan. Shacabku waxa ay nooqdeen qaar meel kasta ay tuugtu ku ciyaaraan. Dawladuna arintan way ogtahay, in shacabka magaalda addis ababa ay yihiin dad danyar ah oo halka bir qiimo badan uu leeyahayna waa la iska ogyahay, balse ma jirto cid danaysa dhibaatada shacabka.

Sida uu wargayska addis maleda uu ku soo ogaaday arinta cabanayaal badan ayaa waxa uu soo ogaaday in dad badani ay rabaan in ay ka shaqaystaan tareenka oo ay noqdaan in tigidhada ay jaraan. Waxaana ay ka faaidaystaan sanaatinta aanay rakaabka u soo celinin oo ay ayagu uruursadaan, waxaana maalinti tareenka raaca dad tiro badan hadii ay maalin kasta boqol qof boqol bir ka helaan waa marka ay ugu yartahay ee bishii waxa ay helayaan sadex kun oo biro oo mushahaar kooda ka baxsan.

Wargayska addis maleda oo arintan kala hadlay maareeyaha tareenka ee magaladan addis ababa mudane Muluqen Asefa ayaa waxa uu yidhi marka shaqaalaha tigidhada loo dhiibayo waxa loo dhiiba lacag sarif ah oo sanaatiin badan ah, hadii ay ka yaraatona waxa loo sahalay in ay bangiga ka qaatan ilaa kun bir oo sanaatiin ah si ay u is ticmaalan, meelaha ay rikaabku ku badanyihiinna sida toor haylooj iyo ayaat waxa aan wadnaa hawsha sidii kor loogu qaadi laha sanatiinta halkaasi la geeynayo.

Mareeyuhu waxa kale oo uu sheegay hadii ay jiraan shaqaale aan rikaabka lacag u soo celinin in rikaabku ay markaaba tilifoonada ku qoran meelaha tigidhada lagu jaro in ay kala soo xidhiidhi karaan, markaaba talaabo ayaan ka qaadayna shaqaalaha sidaasi samaynaya, sida oo kale rikaabku marka ay dhibaatooyinka noocaasi ah ay la kulamaan waxa ay ogaysiin karayaan booliska taagan xarunta tigidhka lagu jaro markaaba arintooda waxa lagu xalin karaa halkaasi.

Waxa kale oo ay dhibaato nocani ahi ay ka jirta meelaha basaska waawayn laga raaco, waxa basaska waawaynna dhibatadooda ugu badani ay tahay in markasta la yidhaahdo hadii aydaan wadanin lacag sarif ah waxba idiinma qaban karno sida ay sheegayaan cabanayaashu.

Waxa kale oo ay cabanayaashu sheegeen in xiliyada shaqada la galaayo iyo xiliga laga soo baxayo shaqada ay shaqaalaha basasku ku yidhaahdaan hadii aydaan sarif wadaniin tigidh idiinma jarayno iyo qaar yidhaahda baaqi kuuma hayo madaama aanan lacag sarif ah haynin.

Wargayska addis maleda ayaa meelo badan ku soo warwareegay si arintan uu wax uga soo ogaado waxaana uu soo arkay wargaysku in ay arimahani ay dadku ka cabanayaani in ay jiraan oo shaqaalaha ka shaqeeya tigidhka sida ay rabaan ula dhaqmaan, waxaaba uu wargaysku soo arkay haweenay ka shaqaysa baska loo yaqaano sheger bus ayada oo aan baska cidi ku jirin ay rikaabka u diidayso in ay baska soo koraan hadii aanay haysanin lacag sarif ah.

Dadka rikaabka ahi meelaha ay ku badanyin sida xafada maganaanya oo shaqaalaha xaafadaasi ka shaqeeya ay ka kala yimaadana magaalada koonayaasheeda oo dadkuna ay aad ugu badanyihii in halkaasi safaf dhaadheer loo galo gaadiidka, ayada oo dadku ay ku jiraan safka ayay shaqaalaha bsasku ay sheeko isaga fadhiistaan oo aanay dadka dan iyo muraad toona ka galin.

Dadka ka shaqaysta qaybta gaadiidka in ay rikaabka dhayalsadaan oo ay dhibaatooyin kaasi oo dhan u gaystaan waa arin aad looga xumaado., hadii ay yihiin tagaasida iyo basaka dawladaba. Meelo badan oo caalamka ka mid ah ardayda waxa lagu qaadaa basas si tabaruc ahaan ah waxa jira basas dadka waaweyn lagu qaado, maalmaha ciida na waxa jira basas dadka qaada oo uu adeega uguna adeega bila lacag, adeegana waxa ay dadkooda ku baraan wanaag.

Dalka itoobiyana in bilaa lacag loogu adeego iska daayo adeegi looga baahn in ay u fidiyaan bulshada sidii looga baahna uguma adeegan ee waxa ay sameeyan in ay dadka boobaan.
Arintan waxa ka hadlay madaxa isgaadhsiinta xafiiska gaadiidka ee magalada addis ababa mudane Aregaawi Maaru waxana uu yidhi waxa jira dhibaatooyin badan oo la xidhiidh qaybtan, waxaana la bilaabay hawlo cusub si wax looga badalo caqabadaha ka jira dhinaca gaadiidka, si looga baxo dhibaatooyinkan Waxaana dhawaan la bilaabay in laxaliyo meelaha ay safafka dhaadheeri ka jiraan sida xaafadaha meeksiiko,megenaanya, piyaasa, jemo iyo toor haylooj, ayada oo isbadal yar lagu arkay ayaa hadana xiligii wax barashada la bilaabayay la gaadhay xalki loogu talo galay lama gaadhin.

Arinta ku saabsan maalmaha ciida iyo axadana oo ay lacagta lagu raacayo gaadiidka kordhiyaan tagaasidu, waxa uu yidhi gaadiid kasta oo rikaabka uu adeega maalinkasta lacagtii loogu talo galay in ay wax ku kordhiyaan maalmahan aan soo sheegnay ma awoodi karaan. Si arintanna loo dabo galo meel kasta in cid dabogasha loo dhigo way adegtahay, waxaana xal u noqon kara in tilifoono khadka bilaa lacagta ah loo diyaariyo oo ay ka soo hadlaan rikaabku ama in boolisiiska traafikada ah ee meelahaas jooga lala xidhiidho ayaa loo baahanyahay.

Sida oo kale waxa uu sheegay in tagaasida habeenkii shaqeeya ay lacagta dadka ku kordhiyaan si looga hor tago waxa loo samayn doona dad dabogal ku sameeya.
Kuwa yidhaahda lacag la idiin soo celiyo mahayna ama kuwa yidhaahda hadii aydaan sarif haysanin waxba idiinma qaban karno waa khalad, in ay haystaan lacag sarif ah oo ay dadka uu celiyaan gaadiidku way ku khasbanyihiin, cid kastaana lacagta ay haysataan in ay gaadiidka ay rabaan ku fuulaan xor ayay u yihiin. waxa kale oo uu yidhi arinta noocaasi ah looga baqayo in ay ka danbayn doonto in danbiyo kale la sameeyo, sidaasi darted maaha in rakaaku ay arintan si dhayal ah ay uu arkaan oo ay ka aamusaan.

Basaska adeega rikaabka uu fidiya sheger iyo kuwa kaleba dhibaatooyinka ay kala kulmaan rikaabku waxa ay u sheegi karaan kuwa kala habeeya gawaadhida ee dharka dhaldhalaalka leh xidhan. Sida oo kale buu yidhi waxa ay rikaabku ogaysiin karaan xafiiska gaadiidka ama booliska traafikada ama inta ay qortaan namberka gaadhigaasi iyo xafada uu tagayo ayay ashkatayn kara si uu qofku xuquuqdiisa uu ilaashado.

Waxa kale oo uu ugu danbayntii yidhi gudoomiyuhu dhibaatooyinka ka jira dhinaca gaadiidka magalada si loo xaliyo sanadkan wax lagu jira hawl labo nooc ah, hawsha kowaad waxa weeyaan in gawaadhida adeega bixiya oo dhami ay hawshooda soo galaan oo lagu dabo galo dabogal teeknoolojiyadu ay ku ladhantahay, hawsha labaadna waxa weeyaan si baahida loo qabo gaadiidka loo yareeyo xafiisku waxa uu ku talo jira in basas kale la soo kordhiyo oo la soo iibiyo.

Waxa kale oo jira wax aan la dafiri karin in ay jiraan shaqaale gaadiidka ah oo bulshada si fiican ugu adeega, sida uu wargayska addis maleda uu ku soo indho indheeyayn in ay jiraan shaqaale dadka tix galiya gaar ahaan dumarka uurka leh iyo waayeelkaba oo in lagu mahadiyo mudan oo sharcigana ilaaliya in ay jiraan.


አዲስ ማለዳ Tiqimt 13 2014 No 18
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com