የእለት ዜና

Waxa la diyaariyay sharci hage qabyo ah oo la filayo in ganacsiga xuduusaha uu hawl sharciyaysan ka abuuri doono.

Waxa la sheegay in sharciga hagaha qabyada ah oo ay soo diyaarisay wasarada ganacsiga iyo iskuxidhka gobolada oo loogu talo galay in hawsha ganacsiga ee xuduudaha ee la is leeyahay waxa uu usamayn doona ganacsi sharciyayasan.waxaana la sugaya fikradaha ay ka soo dhiiban doonan cid kasta oo ay khusayso arintaani.

Waxa ay xafiiska wasaaradu sheegtay in hada ka hor ay u dirtay koomishinka jibriga oo ka mid ah xafiiska ay arintani khusayso daraasaad ay samaysay oo ku aadan hawshan ganacsiga xuduudaha dhookmantiyo sharciyaysan.
Hagahan qabyada ah waxa la diyaariyay sanadkii 1994tii waxaana loo sameeyay 16 dal, xiligan xaadirka ahna waxa ka qayb ah 21 dal oo ganacsi si wada jir ah loogu sameeyay wadamada bariga iyo koonfurta afrika si nidaam garacsi oo hufan loogu sameeyo dhookmentiyona loo diyaariyay. Waana sharci hage qbayo ah oo loo diyaariyay si loogu sameeyo nidaam ganacsi oo hufan oo la ansaxiyay sanadkii 2010kii tirsiga reer yurub.

Waxa la sheegay in nidaamkan ganacsiga ee hufani uu noqon doono mid yaraynaya caanshurta iyo badeecadaha iibka loo soo bandhigayo mid kala saaraya, sida oo kale ilaa masaafad intee in leeg in xuduudaha ay ganacsatadu gali karto oo ay wax kala iibsan karto sharci dhigaya weeyaan.

Ganacsatada ku dhaqan meelaha xuduudaha waxa ay sheegayaan in ganacsiga ka jira xuduuduhu anuu ahayn mid xanbaarsanayn nidaam sharciyaysan waxa ka dhigaya, in nidaamku mid sharci midaysan oo uu ku dhaqmo aanu lahayn. Sababtoo ah ganacsatada waxa laga qaata alaabadooda inta la yidhaahdo waa kontroobaan. Arintanina maaha mid ka qaayb galinaysa ganacsatada. Arintanina waxa wargayska addis maleda uga waramay Faarax Axmed oo ganacsade ka ah magaalada tog wajaale.

Hada ka hor meelaha wax lagu kala ganacsado ee gacanka ah ee xuduudahu ma aysan cadayn. Sida oo kale doolar intee leeg ayaa wax lagu kala iibsan kara wax cad oo loo dhigay majirin. Ayada oo ay awooda lacagta birtuna ay hoos uu dhacday, in kasta oo ay hada ka horna labada wadanba wax ku kala iibsan jireen lacgaha labada wadanba, hada waxa uu sheegay in uu walaac ka qabo si gaar ah wadanka soomaaliya waxa uu noqon doono xidhiidhka ganacsi ee uu dhaxeya.

Waxa wargayska uu waramay agaasimaha wasarada ganacsiga iyo xidhiidhka gobolada mudane G/tsaadiq Taasaw oo sheegay in hagaha qabyada ah ay ka wada xajoon doonaan cida ay khusayso arintu oo wax laga badali doono marka danbena wadamada jaarka ah lagala xaajoon doono ayada oo wasarada arimaha dibada loo adeegsanayo oo la ansaxin doono.

Koomishineerka koomishinka jibriga mudane Dhebele Qaabata ayaa dhinaciisa sheegay in sharciga loo diyaarinayo ganacsatada xuduudaha uu adkaynayo xidhiidhka gobalada ganacsiga ee wadamada jaarka ah. Si loo koontroolo ganacsiga koontobaanka ahna uu ku abuurayo xaalad haboon. Waxa kale oo uu yidhi in xiliyada xigana ay xafiiska wasaarada ay uga wada shaqayn doonaan si wada tashi ah.

Waxa kale oo uu yidhi G/tsaadiq hagahan qabyada ah ee la soo diyaariyay awooda ganacsiga sharci daroda ah oo lagaga hor tagi doono ka sakoow waxa aan ku ogaanayna ganacsiga dalka soo galaya iyo ka kabaxayaba. Marka sharcigana la ansaxiyo ganacsatada meelahaasi dagani waxa ay adeegsan doonaan xuquuqdooda oo waxa uu sharcigu uu ogolaan doona in sixor ah ay uu shaqaystaan.

Sida uu wargayska ugu sheegay G/tsaadq nidaamka xiligan xaadirka ah lagu dhaqmo ee ka jira xuduudaha gaar ahaanna dhinaca keenya in kasta oo uu ogolyahay in wax lagu kala iibsado ilaa 2000 oo doolar, hadana in kor loogu qaado ilaa 5000 oo doolaar ayay ganacsatadu codsatay.

Shanta wadan ee xidhiidhka wanaagsan la leh wadanka itoobiya waxa ka mid ah keeniya, sanadkii ka horeeyay markii uu caalamka ka dilaacay cabuqa covid 19 waxa wadanka keeniya ay dalka uu soo dirtay badeecooyin lagu qiyaasay lacag gaadhaysa 75 miliyoon oo doolar, halka itoobiyana ay keeniya uu dirtay sanadkii 2009kii ganacsi lagu qiyaasay 57 miliyoon oo doolar sida uu warbixintiisa ku xusay bangiga caalamku.

Dr. Urgeesa Dhereesa oo ah maclin wax ka bara jaamacada new genereeshin ayaa sheegay in hagahan qabyada ahi uu yahay bilaw wanaagsan. Waxa kale oo uu sheegay in marka la ansaxiyo hagahan qabyada ah ee lagu dhaqmo xidhiidhka ganacsi iyo arimaha bulshada oo uu xoojinayo ka sakoow waxa uu ka hor tagaya shaqsiyaadka sida sharci darada ah dadka uu tahriibinaya oo ku xad gudubka xuquuqda biniaadamka ah.
Waxa uu intaasi raaciyay macalinku sababaha la xidhiidha yarida sarifka lacagaha dibada oo sababa daldaloolada suuqa, waxaana lagu buuxin kara lacagaha wadamada jaarka ah ayada oo wax lagu kala iibsado.


አዲስ ማለዳ Tiqimt 13 2014 No 18
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com