የእለት ዜና

Xaaladaha xiligan xaadirka ah ee dalka ka jira iyo culayska ay ku hayaan baraha bulshadu

Xaladaha xiligan xaadirka ah dalka ka jira marka la barbar dhigo xaladihi hore ee dalka ka jiri jiray waxa la is odhan kara waxaan hore loo arag ayaa dalka ka dhaca ama xaalado cakiran ayaa dalka ka jira.

Xiliyadi hore dadku kuma aysan kalsoonayn dawlada kaliya ee waxa ay sugi jireen nabadgalyadooda. Waxana ay ogsoonaayeen hadii ay is dhayalsadaanna in kooxo ay uu iman jireen oo waxa ay haysataan ka boobi jray. In dadku ay qabiil isku laayaana baryihi hore wax la arki jiray maah ee waa wax baryahan danbe la arkay.

Xiligii dhergiga ee la odhan jiray waxa aad loo laaya dadka rayidka ahba marka la barbar dhigo xiligan xaadirka ah waa waa wax lala yaabo. xiliga soo socda waxa dhici doona xata lama garanayo. Xiligii dhargiga dadka sida imika loo silciyo looma silcin jirin loomana layn jirin sida dadka xiligan loo laayo.

Dad badani waxa ay qabaan fikir ah in waxyaaba xiligan xaadirka ah ka dhacaya dalka in ay yihiin waxyaabo hore loo sameeyay oo loogu talo galay in dalka lagu burburiyo. Waxyaabaha la xidhiihda qabiilka iyo qabyaalada waxa la abuuray xiligii boqor xayle silaase, dhibaato kasta oo la xidhiidha qabyaalada ee ka dhaca dalka waa wax hore loogu talao galay in mustaqbilka itoobiya lagu burburiyo.

Itoobiyadan xiligaan xaadirka ah jirtana marka la eego in dadku ay isku kaashadaan qabiil iyo qabyaalad waxa la bilaabay markii tplf la asaasay, fikirka qabyaalada xanbaarsani ma ahayn mid ka duulaysa casriyaynta itoobiya iyo in la rumeeyo qarannimada dalka iyo waxyaabaha kale ee wacan, balse waxa uu ahaa fikir ah yaan dilnaa yaanse boobnaa, waxa ay duurka la galeen xaasidnimo iyo xumaan. Meelo kala duwan dagaalada ka qarxaya ee dalka xiliyada kala duwan waa wixi ay tplftu sameeyeen.

Markii danbena waxa ay meel kasta ku aseen miinooyin marka loo baahda qarxa waxaana ka mid ah xisbiyada mucaradka ah ee ay sameeyeen sida xoreynta shacabka oromada,ka amxaarada, ka ogadeen, ka gaambeela iwl.

Sidaas darteed xiligan xaadirka ah in qoofku uu meel ka mid ah dalka afarta koonodba uu tago oo uu hoydo waxa uu marka hore is waydiinaya in meeshaasi ay nabadgalyo ka jirto iyo in kale. Dadku marka ay qorshaystaan in ay meel tagaan intooda badani meelaha ay tagayaan way ka hadhaan madaama ay shaki ka qabaan amniga, waxana soo badatay dadka yidhaahda deegaankan anaga uun baa iska leh, horumarka deegaanada qaar kwua kale way ka xunyihiin, waxaana la arkaa ayada oo dhibaatooyinka dadka ay ku farxaan qaar kale.

Waxaa kale oo jira fikiro ah in qoomiyadi ay qoomiyada kale baabiso, meel kasta waxa ku badatay dhimasho, xaalada muwadiininta ee xiligan xaadirka ah waxa ay noqotay dhibaato iyo silic oo ay dadka qaarna ay la jah wareersanyihiin xaladaha ka jira dalka.

Hadii la is waydiiyo oo la yidhaahdo itoobiya imisa dawladood ba ka jira jawaabteedu cid kasta way ku adagtahay.waxa meel kasta badanaa ka jira kooxo ciidan gaar ah iyo hub haysata oo meesha ay joogan ka xukuma.

Dawlada jirta xiligan muwadiniin badan weerarada lagu soo qaadayo kama difaacdo. Lama kala saari karo in dawladu aanay haysanin awood ay ku difaacdo muwadiniintaasi iyo in ay qayladoda iska dhago tirayso. Waxa soo batay kooxo leeb iyo medfacba haysta oo dadka raydka ah laynaya. Xili kasta waxa jira qax meelihi ay dadku daganayeen ay ka qaxayaan.

Meelaha ay nabadgalyadu ka kajirto xataa waxa ka jira shaqo la’an iyo saboolnimo, waxana waxaasi oo dhan dheer oo murugo ku noqotay muwaadiniinta dagaalada soo af jarmi waayay.
Shacabka itoobiya si aanay si nabadgalyo ah dalkooda ugu noolaan oo aanay dalkooda horumar uu gaadhsiin waxa caqbad ku noqday waxyaabo badan. Waxyaabaha ka jira dalka ayada oo ay nolashooda ay caqabad ku noqotay ayaa hadana wadamada kale waxyaabaha ay ayagu horumar ku gaadhayaan ee casrigu abuuray ayaa loo isticmaala si loo baabiyo wadanka.

Waxaana ka mid ah wax yaabahasi sida fees buuga iyo baraha bulshada ee kala duwan oo wadamo badani lacagaha ay ka helaan aan la qiyaasi Karin. Muwaadiniin badan waxa ay lacagahooda in badan ku bixiyaan baraha bulshadan oo wadamo kalena ay horumar ku gaadhsiinayaan wadankoodana ay ku burburinayaan.

Waxa dhawan ka hadlay senaatar maraykan ah oo yidhi wadamada itoobiya iyo maynamaar waxa dhibaato badan uu gaysanaya fees buuga. Waxa la sheega in wadanka maynamaar shacabkeedu kala badh ay xogta ka helaan fees buuga, wadanka itobiyana dadka intooda badan in bulshadu ay baraha bulshada waxyaabo badan ka isticmaalaan oo ay ka helaan wararka.

Waxa dad badani ay sheegaan ama laga maqlaa in dagaaladu ay ugu danbaynta dhinaca dawlada ku soo noqon doonaan. Waxaana murugo ah in dawladu wararka ay doonayaan in ay maqlaan shacabku aanay xiligeeda soo gaadhsin, waxaana wararka ay dadku ka helaan wararka baraha bulshada, sidaas darteed waxa ay cid kasta noqotay diradiraale iyo falanqeeye.

Xiligan xaadirka ah wadamo badani waxa ay baraha bulshada uu isticmaalaan si ay wadamadooda ugu houru mariyaan. Wadamada iska leh baraha bulshada iyo wadamo kale oo isticmaala waxa ay ogsoonyihiin sida ay uga faiidayn karaan wadamadooda. Wadamada qaar isticmaalka baraha bulshada ee aan xadka lahayn waxa ay ogsoonyihiin dhibaatooyinka ay ku keeni karaan wadankooda iyo sida uu dib uu dhac ugu keenayo horumarkooda, sidaas awgeed waxa ay uu sameeyeen shrci.

Tusaale ahaan wadanka hindiya waxa uu ka midka yahay wadamada sharciga uu sameeyay baraha bulshada. Dalka hindiya gudaheeda cid kasta oo wax ku soo qorta baraha bulshada hadii ay tahay dawlada ama kuwa sida sharciyaysan uu isticmaalaba hadii loo soo gudbiyo amar in ay ka qaadaan wixii ay soo qoreen, waxa ay kaga qaadayaan wixii ay soo qoreen 26 sacadood gudaheed. Hadii ay sidaasi yeeli waayaan waxa ay ku mutaysanayaan raali galin, in waixii ay soo qoreen ay hagaajiyaan iyo in la ganaaxoba.

Wadanka awstraaliya sida oo kale waxa uu ka mid yahay wadanka uu sameeyay baraha bulshada cid dabagal ku samysa. cid kasta oo wax aan wadankaasi ku haboonayn ku soo qorta baraha bulshada hadii ay yihiin dawlada ama ha’ayado waxa lagu ganaaxaya in ay bixiyaan nus milyoon oo doolaar, hadii ay shakhsiyaad yihiinna waxa lagu ganaaxayaa in ay bixyaan ilaa boqol iyo toban doolaar.

Wadanka koonfurta kuuriyana waxa ay dhawr sanadod ka hor ay soo saartay sharci adag oo ka hor tagaya cidi kasta oo ku soo qorta baraha bulsada waxii dhaawacaya mooraalka shacabka, ku xad gudbaya xaqa dalka iyo wax kasta oo wasakhaynaya fikradaha dhalinyarada in sharciga la hor keeni doono.

Waxa aan sida oo kale aan yarayn wadamada sharciga uu sameeyay dalakooda si aanay argagaxiso uga abuurmin, oo shacabku ay uu isticmaalaan baraha bulshada si haboon kuna dhiiri galiya waxyaabaha wacan oo ahmiyadna siiya.

Wadamada ay ka jiraan dadka wadankooda aadka uu jecelna waxa la arka ayaga oo baraha bulshada uu isticmaala si ilaalinaysa amniga dalkooda iyo sidii dalkoodu uu uga fa’aidi lahaa. Tusaale ahaan waxa la arkay xiligii buuxinta biyaha wareega labaad ee biyo xidheenka dib uu curashada markii lagu hawlanaa in muwaadiniin badani ay ku caawiyeen lacag, waxana loo soo ban dhigay dadka wadankooda jecl in ay twiiterka isticmaalaan. Wadanka masar waxa ay culaayska itoobiya ku saaraysay ayaa ah maadama ay tahay wadanka kowaad ee afrika ee tiwiiterka isticmaala. Kooxda tplf laftigeedu waxa ay dawlada culayska ku saaraysay oo ay itoobiya in si kale ay uu arkaan wadamada dibaduhu uga dhigaysay waxa ay isticmalaan waa tuwiiterka.

Qolyaha loo yaqaano dilaalinta baraha bulshada ee (lobbyists)ka ee lacagaha badan ku uruursaday waxyaabahii ay sameeyeen ee dalka dhawacay, ayaa waxa la sheegay in sababtu ay tahay dalka itoobiya oo ay dadka isticmaal baraha bulshadu oo uu ku yaryahay. Xiligan xaadirka ah waxa haboon in wadan kasta laga furo qunsuul oo safiir loo magacaabo si loo ilaaliyo danta dalka oo lagu dadaalo, arimahaasi kasakoow waa in teeknoolojiyada loo isticmaalo oo dad ka shaqeeya baraha bulshada (public diplomacy) loo sameeyo waxa ay dalka uu yeelanaysa qiimo badan.

Shaalaqa Taamene Abaate waxa uu hore u soo ahaan jiray mareeyaha ururka horumarinta iyo cawinta cidanka. Waxa uu wargayska addis maleda u ugu waramay dhibaatooyinka ay baraha bulshadu xiligan xaadirka ah ku hayaan dalka. Sida uu sheegay shaalaquhu dad badan oo isticmaala baraha bulshada uma isticmaalan danta dalka ee waxa ay uu isticmaalaan si ay lacag uga helaan. Waxa kale oo uu yidhi waxa ay cid kastaba jiri kartaa waa marka uu dalku jiro, in warar aan waxba ka jirin oo aan isku dheeli tirnayn oo dalka burburinaya laga waramo oo lacago lagu uruursado waa ficil aad uu fool xun.

Waxa kale oo uu sheegay in xiligan xaadirka ah baraha bulshada lagaga waramo wararka been abuurka ah ee dagaalada la xidhiidha in ay bulshada jah wareer ku abuuraan kasakow waxa ay saamayn balaadhan ku yeelanaysa ciidanka dagaalka ku jira. Inkasta oo xeryaha milatariga ay madaxdu wararka ku saabsan dalka iyo cadawgaba ay markasta uga war bixiyaan ciidanka oo aanay cidanku wararka kale sidii ay ku maqli lahaayeen ay cidhiidhi tahay oo aanay wakhti ay wax ku akhristaanana haysanin saamaynta ay ku yeelan karto way yartaha . waxa kale oo uu yidhi hadii aan xad loo samayn waxa ay gaysan karaan dhibaatooyin faro badan

Asegidhew Shimelis oo ah macalin dhinaca warfaafinta ah iyo la taliye dhinaca fahanka horumarka ayaa asaguna dhinaciisa sheegay in baraha bulshadu ay xiligan xaadirka ah saamaynta ay dalka ku samaynaysao aanay ahayn mid yar. Si loo ilaaliyo danaha dalka iyo dadkaba oo loo kala saaro fa’aidada iyo wax yeelada ay leeyihin baraha bulshadu masuuliyadeedu maaha qaybta samaysa dabogalka baraha bulshada. Waxa caqabada ugu wayn ee arintanina ah baraha bulshada dadka isticmaala oo aan ahayn dadka aqoonyahanka ah.

Aqoon yari aany ku fahansanayn waxyaabaha ay isticmaalayaan ee dalka iyo caalamkaba ayaa ka dhigaya in ay la xidhiidhaan xisbiyo siyaasadeed oo aan dan ka lahayn sharafta iyo qaranimada dalka, oo aan warna ka haynin culayska ay ku hayaan wadamada shisheeye dalka halki ay kula loolami lahayeen si aqooni ay ku ladhantahay waxa ay ka door bideen in ay dalka been abuur warar ku salaysan ay ku burburiyaan, waxaana loo samaysmay mashrax baraha bulshada ah.

Waxa uu intaasi raaciyay in xiligan xaadirka ah baraha bulshada laga sheego qorshaha iyo diyaar garawga ciidanka iyo sirta wadanka, waxaana jira dad raba in laga sheego baraha bulshada. arintanina amniga dalka aad bay ugu darantahay. Waxa xoriyad loo siiyay wariyayaasha muwaadiniinta ah (citizen journalist) in ay baraha bulshada ay wararka ku gaadhsiiyaan bulshada oo dhan oo ay uu faahfaahiyaan, balse xoriyada la siiyay kama wayna amniga dalka ee wararka aan sii daynayno waxa loo baahanyahay in aan ka fiirsano.

Waxa kale oo uu sheegay in maalmahan danbe wararka dadka aan arimah dalka danaynayn ay ku waramaan ee ku saabsan wuqooyiga walo, koofurta walo, wuqooyiga goondher iyo waagimra ay yihin kuwo bulshada war war ku abuuray.

Madaama xiligan xadirka ah uu caalamku ku wada xidhiidhsanyahay baraha bulshada sida wadamada qaar in dabagal lagu sameeyo kasakoow waa in cida wararka dalka iyo ciidanka sii daynaysa lagu ganaaxo sharciga loo dhigay in lagu ganaaxo danbiilayaasha. Waxa kale oo uu xusay in laga shaqeeyo hawsha sidii loo abuuri lahaa muwaadiniin kala hubisa wararka ay sii daynayaan oo uu isticmaala aqoon war baahineed sidii loo abuuri lahaa.

Waxa kale oo uu xusay in qaarada afriika heerka kartida isticmaalka wararka la hubo ee la sii daayo ay yihiin boqolkiiba 12 kaliya. Shakhsi kasta waxa looga baahan yahay in uu ogaado waxa uu ku qorayo baraha bulshada in ay jiraan dad ay dhibayso arintaasi oo ay silcinayso oo ka dhimanaya sidaasi darteed waxa ay ku khasban yihiin in ay ficiladooda ka dhawrsanadaan.

Waxa kale oo ay ku khasbanyihiin bu yidhi sida wadamada kale ay aqoon yahaanintu bulshadooda ay wax ugu baraan baraha bulshada oo ay ugu loolamaan, waa in aqoon yahaanintu ayaga oo aan yasin baraha bulshada ay yareeyaan saamaynta iyo dhibaatooyinka baraha bulshada oo ay ka shaqeeyaan. Madaama ay baraha bulshadu ku gaadhaan si dhakhso ah bulshada marka la barbar dhigo war baahinada kale.

Anaga oo wadan kaliya ku wada nool hadii aan la is dhagaysan oo hadaf kaliyaata aan la yeelan baraha bulshadu in ay dalkeena burburiyaan iyo in ay dhisaanba kaalinta ay ku yeelan karaan ma yara sida uu sheegay xirfadlahu, waxaana uu ku nuux nuux saday in muwaadin kasta ay masuuliyadi ka saarantahay in uu ilaaliyo sharafta dalkiisa iyo noolasha haboon ee biniaadamka in uu ka shaqeeyo.


አዲስ ማለዳ Tiqimt 20 2014 No 19
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com