የእለት ዜና

Maxaa looga dhigay hal deegaan oo kaliya in baaqa gurmadka ee ciidanka lagu birayo?

Waxa la ogsoonyahay in kooxda tplf ee goolaha wakiildu ay ku magacawday atrgagaxisada in ay sanad ka hor dhabarka ka toogateen ciidanka qaranka ee wuqooyiga dalka ku sugnaa, dagaaladii ka danbeeyayna ay kooxdu meelo badan dhibaatooyin ay soo gaadhsiiyeen.

Dhibaatooyinkaasi badan ee ay soo gaadhsiiyeen kooxdaasi ayaa waxa ka mid ah deegaanada amxaarada iyo canfarta. Deeganadana kooxdaasi waxa ay ku laayeen dad badan xoolo badan waxana ay burburiyeen hanti badan, ilaa iyo xiligan xaadirka ahna waxa ay wadaan wax yeelooyinkii ay gaysanayeen.

Hadaba waxa la isku dayay in kooxdan budhcadka ah weerarada ay gaysanayaan laga hortago. Si gaar ahaan markii ay dib uu qabsadeen magaalada maqale ka dib waxa ay bilaabeen in ay weraro ku soo qaadaan deegaanada canfarta iyo amxaarada, waxaana ka garab dagaalamay ciidanka qaranka booliiska gaarka ah ee deegaanada oromiya, soomalida, sidhaama iyo deegaano kale iyo waliba dhalinyaro oo gobta ay dagaaladu ka socdaan tagay oo dagaalo la galay kooxdaasi, arintana marar badan ayay dawladu ka hadashay.

Hase ahaate ayada oo waxan oo ciidan ahi ay la safteen ciidanka qarn ayaa hadana weraradii ay soo ku soo qadayeen deegaanada canfarta iyo amxarada wali ma joogsanin. Deegaanka amxarada wuqooyiga iyo koonfurta goondher sida oo kale gobolka walo meelo kala duwan inta ay soo galeen ayay dad rayid ah ku layeen, waxa kale oo deegaanka canfarta meesha la yidhaahdo gaalikooma ay ku layeen dad rayid ah ayga oo uu isticmaalaya hub culus. Arimahan oo dhami waxa ay dhaceen laga bilaabo bishii hamle ee sanadkii hore ilaa iyo xiligan xaadirka ah, xiliganina waxa weeyaan xili ay dagaalka ku wada jiraan ciidanka qaran, booliska gaarka ah ee deegaanka iyo milishaha amxarada xili la odhan karo.

Inkasta oo ay jiraan dad leh dhibaatooyinka ay gaysteen kooxda tplf waxa sababta uu ah in ay ka dhigeen mid shacbi ah, ayaa hadana waxa jira dadka qaar oo leh shacbi kasta hadii ay ka dhigaan ayada oo dalku uu leeyahy waxaas oo ciidan ah in ay waxan oo dhibato ah ay gaystaan in loo ogolaado ma haboona. Waxa kale oo aan meesha ka madhnayn in ay jiraan dadka qaar oo leh dhibaatooyinka loo gaystay canfarta iyo amxaarada in la gaadhsiiyo waxa sababay madax kala duwan oo hawshoodi gabay.arintanna waxa loo arkaa in ay tahay mid shacabka sabab uu noqotqy in ay wararka been abuurka ah ee la sheegayo ay ku jah wareeraan oo cadawgana albaabada uu furtay.

Maadama ay maalmo dhawaydna kooxdaasi weeraradi ay soo qaadaeen ay ku soo galeen kombolja iyo dhase waxa ay dadkii halkaasi ku noola soo gaadhsiiyeen dil bilaa naxariis ah. Waxaana xusid mudan in dawlada deegaanka amxaaradu uu baaq soo jeediyay sheegayna in arintani aanay ahayn mid ku joogsanaysa kaliya sharciga caadiga ah ee lagu sugayo nabadgalyada ee waa in cidii ay da’adoodu gaadhay in ciidanka ay ku biraan oo dhami waa in ay tababar qaatan oo 21kii bisha tiqimt 2014kana soo saaray bayaan baaq gurmad dagdag ah oo lagu soo xaraynayo xarumaha tababrka milatari dadka oo dhan.

Ayada oo kooxda tplf ay yihiin cadawga dalka itoobiya oo dhan, oo dagaaladana ay uu soo qadeen si ay wadanka uu burburiyaan,waxa sababta bayaank gurmadka dagdaga ah ee lagu soo xaraynayo dadka loogu baaqay kaliya deegaanka amxaarada in ay jiraan dad badan oo ka hadlay arintan.

Waxa la sheegay In xiligan xaadirka ah deegaankasi la joojiyay shaqaalaynta shaqaalha iyo xilalka shaqo in kor loogu qaado shaqalaha iyo in misaaniyada deegaankaasi oo dhan loo qorsheeyo in dagaalada uun loo isticmaalo. Waxaana dad kala duwani ay fikradahooda kaga bixinayeen in deegaanada kale ee dalka oo dhamiba ay sidaasi oo klale in ay sameyaan looga baahanyahay.hada ka hor taariikhda dalka itoobiya waxa uu la soo wajahday in cadaw dalka dibadiiisa iyo dalka gudihiisaaba ahi ay weeraro ku soo qadaan, waxaana si wada jir ah looga wada hor tagi jiray cadawga mana jiri jirin in qaarna ay cdawga la dagalamaan qaarna ay ku daawadaan dagaalada hada ka hor. Xiligi boqortooyada ee weerarkii talyaaniga waxa dad waynaha loogu baaqay in ay soo gurmadaan oo ay ku soo xaroodan xeryaha tababarka ciidamada. Xiligii weerarka ay ku soo qaadeen dalka dawlada soomaaliyana sida oo kale si ay dalkooda uga badbaadiyaan cadawga waa loogu baaqay baaqan gurmadka ah.

Weeraradan xiligan xaadirka ah ee dalka ka jira waxa dagalada ku la jira kooxdaasi cadawga ah oo ka qayb qaadanaya dagalada shakhsiyaad wadamo shisheeye ah ka socda oo loogu talo galay sidii dalka lagu burburin lahaa, in baaqaasi gurmadka dagdaga ah loogu baaqo oo deegaan kaliya oo laga fuliyo in aany ahyn arin saxsan ayay dad badani sheegayaan.

Malintii la soo saaray bayaanka baaqaasi gurmadka dagdaga ah ee deegaanka amxaarada maalmihi ka danbeeyay waxa sida oo kale baaqaasi soo jeediyay dawlad deegaaneedyada oromada, sidama iyo koonfurta oo sheegay in loo baahan yahay in laga ilaaliyo dalka kooxaha soo weeraraya.

Xiligan xaadirka ah xaaladaha dalka ka jira arimaha la xidhihda waxa wada hadal la yeeshay madaxda sarsare ee dawlada ee dalka r/wasaraha dalka dr. Abiy Axmed, waxaana wada hadalki baxardhaar lagu qabtayna uu ku sheegay in dagaaladan ay deegaanada oo dhami uu wada diyaar garoobaan, sidaas darteedna ay deegaanada oo dhamina in ay hawsha dyaar garawga ah ay bilaabeen, waxa kale oo uu ugu sheegay hadalkiisa r/wasaaruhu madaxdaasi dawlada in maalmaha soo socda marka ay wax kasta isku habaystaan deegaanadu in baaqa gurmadka dagdaga ah ee dalka la meel marin doono.

Suaasha halkaasi ka taagan ee wax la iska waydiin karo ayaa ah maxaa baaqaasi r/wasaaruhu uu sheegay looga dhigi waayay mid qaran. Waxa jira dad leh oo is waydiinaya hadii uu baaqaasi yahay mid deegaanaada laga hawl galinayo markii uu deegaanka amxaaradu uu baaqa gurmadka dagdaga ah soo saaray ee uu shacabka ka qayb galiyay maxay deeganada kalena markiiba si dagdag ah ay uga jawaabi waayeen.waxa intaasi dheer in ay jiraan deegaano aan laga maqalin in baaqaasi gurmadka ah in ay rabaan in ay sameeyaan, markii kooxda tplf ay weerarka ku soo qaadeen dhase, komolja iyo agagaarkeeda ee ay dilka iyo boobkaba gaysteen oo uu deegaanka amxarada baaqaasi soo saaray ciidankoodi gaarka ahaana dagaalka ay ka soo qayb galiyaan, maxaa deegaano kale oo dhaqdhaqaaq sameeya si hawshaasi ay uga qayb qaatan loo wayay.

Ayada oo kaalinta koowaad wuqooyiga itoobiya dadkii ku noola hantidooda oo dhan ay ka boobeen kooxda budhcadka ah ee tplf oo si arxan daro ahna inta dhalinyaro ay safeen lugu laayeen fagaraha, ayaa hadana waxa r/wasaaruhu uu madaxda uu sheegay in awooda dalka ee dagaalada lagaga hortagayo aan wali waxba laga taaban. Waxa jira dad badan oo sheegaya in hadii la ogyahay in dawladu ay haysato awood maxa baaqaasi gurmadka dagdaga ah inta loogu baaqo dadka oo dhan inta dagaaladu aany gaadhsiinin khsaare intan ka badan dalka maxaa loo joojin kari waayay.

Madaxa xisbiga enaat dr. Seyfe Silaase Ayaalew ayaa sheegay in dagaalada xiligan xaadirka ah jira dalka aanay ahayn qaar uu gaar ah deegaanada canfarta iyo amxaarada oo kaliya, deegaanka amxaaraduna in misaaniyadiisa uu dagaalada ku bixiyo maaha arin haboon. Sida uu sheegay madaxu waxa waxa uu yidhi waxa aan aaminsanahay hadii uu deegaanku misaaniyadiisa oo dhan ku dhameeyo dagalada oo ku guulaysto dagalada oo hawlaha aan loo baahnayn in la joojiyona inta uu joojiyo deegaanku uu dhaqaalaha deegaankasi gilgilo in marka danbe ay dhibatooyin ka abuurmi doonaan, sidaas darteed si dagalada ay kooxda tplf ay ku soo qaadeen canfarta iyo amxaarada si guul leh loogu soo dhamays tiro waxa masuuliyadeeda leh dawlada federaalka. Waxa kale oo uu xusay in misaaniyada ku baxaysa dagaladaasi oo dhan looga baahan yahay in ay bixiso dawlada federaalka. Waxa sida oo kale ooo uu yidhi yaan loo malayn baaqa gurmadka dagdaga ah ee ay soo saarayaan deegaanada kalena in uu yahay mid lagu caawinayo deegaanada canfarta iyo amxaarada oo kaliya. Sida oo kale wax yaabaha aadka loogu baahanyahay mooyi ee hawlaha kalena waa in inta la hakiyo dagaladaasi deegaanada si isku mid ah la isigu wada tago.

Waxa uu xusay gudoomiyahaasi in sida oo kale ay xisbiyada kala duwan dhaxdoodana ay hore sua’alo ugu abuurtay arintan sababtay baaqa gurmadku dagdaga ahi ay deegaan ahaan uun uu noqotay, xiligan xaadirka ahna laftigeeda madaama ay dawlada federaalku awood iyo misaaniyadba kaga sarayso deeganada waa in ay dagalada sidii lagu joojin lahaa ay sfalawgeed qabato. Waxa jira dad aminsan in dawladu bayaankii dagdaga ahaa ee ay soo saartay 23kii tiqmt ee 2014ka in uu yahay baaq guurmad dagdag ah oo qaran, balse baaqa gurmadku iyo bayaanka dagdagu waa labo shay oo kala duwan.

Bayaanka dagdagu waa sharci uu dalku ku dhaqmi doono si meel ku gaadh ah ee maaha baaq gurmad oo dagaalka ah.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay in dagaalada ka socda deegaanada Canferta iyo amxaarada laga dhigo in ay soo saaraan bayaano gaar ah oo dagaalada ay ka qayb qaatan oo dagaladana laga dhigo qaar deegaanadasi uun uu gaar ah oo la yaraysto xaaladahaasi maaha arin haboon.

Waxa kale oo uu yidhi kooxda hubaysan ee madafiida iyo kaaraha haysata ee weeraradaa ku soo qaaday deeganadaasi oo mudada dheerna u diyaar garoobaysay dagalada in beerolayda deegaanka amxaarada ee haysta ubka aan casriga ahayn la yidhaahdo kula dagalama waa arin uu baahan in laga fiirsado oo dawlada federaalkana wada hadlo lagala yeesho.

Dhinaca kalena waxa wargayska addis maleda la hadlay oo fikirkiisa ka dhiibtay wiil dhalinyaro ah oo ka soo qalin jabiyay wax barashada saxaafada oo magacissa la yidhaahdo Taamene Mengistu waxana uu sheegay in ay arin haboon tahay in amxaarada iyo canfartu ay kooxdaasi la dagaalamaan madama ay ayagu yihiin deeganada ay saameeyen dagaladu, in kasta oo aanu tageersanayn in baaqa gurmadku uu noqdo mid deegaan oo kaliya ah, waxa kale oo uu sheegay in shacabka deegaanada amxaarada iyo canfartu ay goaan qaatan oo ay la dagalamaan cadawga oo ay kaga guulaystaan dagalada waa arin uu abuuraysa shacabkaasi midnimo. Waana arin aan uu baahnayn in inta ay cawimo ka helayaan qaybaha kale in ay sugaan, hawsha adag ee ay sameyeen ee ay ku muujiyeen sida ay nabadgalyadooda iyo sharaftoodaba ay ku ilaashadeen waa mid faaido wayn uu leh shacabka moraalkooda.

Waxa kale oo fikirkiisa ka dhiibtay arintan oo wargayska uu waramay sharci yaqaan Kaabitaal Kibre waxaaana uu sheegay in degaanadu ay awood u leeyihiin sidii ay nabadgalyadooda uu ilaashan lahayeen oo ay uu samaysan kari lahayeen ciidan amniga suga sida ku xusan dastuurka qodobka 52aad.sidaas darteed buu yidhi in weerarada lagu soo qaado ay iska difaacan ayaga oo ka duulaya awooda la siiyay in ay uu adeegsadaan ciidanka aminga suga ee ay haystaan oo hadana ka qayb galiya dhaqdhaqaaqyada shacabka in ay is difaaci karaan.

Waxa intaasi dheer bu yidhi hadii ay deegaanadu xalin kari wayaan xaladahaasi sida ku xusan dastuurka qodobka 93aad waa in dawlada federaalku ay bayaan dagdag ah soo saarto oo ay ilaaliso amniga dalka. Waxa dhacday in kooxda tplf ay dagaalo soo qaadaan si nidaamka dastuurka ay uu caqabadeeyaan sida ay madaxdu sheegeen iyo ficil ahaanba sida lagu arkay.arintanina marka ay nidaamka dastuurka ku xad gudubto waxa halkaasi ku joogsanaysa in ay noqoto arintu mid hal deegaan kaliya ah ku aadan.

Waxa uu intaasi raaciyay sharci yaqaanku in xiligan xaadirka ah ee dawlada federaalku ay ku dhawaaqday bayaan xalad dagdag ah ay dhaafsiisantahay deegaanada oo ay tahay xalad adag oo la soo daristay dalka. Xiliyada soo socdana bayaanku uu noqon doono mid taliska ciidanka lagu hagayo oo dawlada federaalku xaalad kasta oo shacabka dalka, maamulka iyo amnigaba si qaab isku xidhan ah ay uga hawlgali doonto si dhibaatada dalka soo wajahday dalka wax looga badalo oo baaqi gurmadka ahaa ee deegaanadana kaliya ahaana uu noqon doono mid qaran ayaan filaya.

Arintu si kastba ha ahaate waxa loo baahan yahay in si wda jir ah loola dagaalamo cadawga oo si aanay mar kale kor ugu soo qaadin madaxooda loo a’aso. Itoobiya waa dal hada ka hor dagaaladi ay ku soo weerareen talyaanigu ayaga hub casri ah sita oo is baahaystay la dagalantay oo kaga guulaysatay dagaalkaasi oo xornimadeeda sugtay. Waxa kale oo ay taariikhdu ay uu markhaati furaysa in dalku uu yahay wadan weerarada lagu soo qaado ee laaga soo qaado dalka iyo dibadahaba si wada jir ah laga bilaabo wakhtiyadii hore kaga guulaysatay si guul leh oo ah wadan ilaa iyo hada jira ah.

Waxa ay taariikhdu sheegaysa in xiligii ay dawlada soomaaliya ay soo weerartay itoobiya in ay kooxda tplf ayada oo ku sugan dalka suudaan ay cadawga garab gashay oo ay itoobiya la dagalantay. Kooxdani waxa ay ka shaqaysa sidii wadanka ay uu burburin lahayd iyo in itoobiya ay noqoto wadan aan jirin oo caalamka laga yaso oo burbura. Waxa cid kasta looga baahan yahay in aanay uu arkin dhibatadani in ay tahay mid ku soo aadan deegaanada qaar oo kaliya waa in ay is kaashadaan sidii gacan kaliya iyo si goaan leh in itoobiya ilaa abad si qarannimadeeda loo ilaaliyo in loo hawl galo.


አዲስ ማለዳ Tiqimt 27 2014 No 20

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com