የእለት ዜና

Dhibaatada nafsiga ee bulsho iyo xamaasadda siyaasadeed ee dalkeena

Cilmi bare ku xeel dheer arimaha cilmi nafsiga bulshada oo lagu magacaabo kurt lewin ayaa sheegay cilmi nafsiga bulshada waa qayb ka mid ah cilmi nafsiga,waana qayb ka mid ah culuumta saayniska ee lagu barto shaqsiyaadka ama kooxaha qaabka ay u hoos yimaadaan afkaarta cadaadiska.qaybtan saayniska faa’da wayn ayay leedahay.bulshada si wanaagsan in loo fahmo iyo kooxaha ama qayb ka mid ah bulshada,hal qof rabitaankiisa ama go’aankiisa cadaadis intee leeg in uu abuurayo in lagu fahmo ayay faa’ido u leedahay.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadee, afkaarta shaqsiga,diinta,aqoonta ama dareenkiisa inaysan faa’ido badan u lahayn ayay khuburada sheegaan.richar haslaam iyo raynoold shaqsiyaad lagu magacaabo oo ku xeel dheer daraasaadka iyo baarista cilmi nafsiga sida ay sheegayaan, afkaarta kooxaha ama bulshada dhanka siyaasada saamayn inay ku leedahay ayay sharaxeen.

Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo kacaanka kooxaha,afkaarta bulshada saamaynteeda inay hoos yimaadaan mooyaane mawqifka siyaasadeed ee shaqsiyaadka isbadal wayn ayaga oo keenaya lama arko.taasi waxay cadaynaysaa cilmi nafsiga bulshada afkaarta siyaasadeed inay xidhiidh wada leeyihiin.

Sidaas daraadeed shaqsiyaadka si xoriyad ah fikirkiisa,diintiisa,aqoontiisa,dareenkiisa iyo awoodiisa asaga oo aan soo bndhigi Karin,nidaamka siyaasadeed ee dalka qaabkaa bulshada loogudhaqan galin karaa?su’aashaas in la iswaydiiyo ayaa qasab noqonaysa.xaqiijinta jiritaankaaga ama inaad qofka aad tahay fahanto inaad iswaydiiso fikirka ah in muwadiniinta dalka loodiiday ayaad moodaa, ayada oo bulshaduna ay caadaysteen in koox koox uun loo noolaado taasoo ay xaqiijiyaan khuburada ku xeel dheer culuumta cilmi nafsiga.

Mudane makonin balata wuxuu marar badan bixiyay tababarko kala duwan oo ku saabsan cilminafsiga,tababarkaas oo uu siiyay shaqsiyaadka,shaqaalaha dawlada,sidoo kale shaqaalaha xarumaha adeegyada kala duwan bixiya si ay shaqsiyaadkan u helaan fikir saliim ah.

Sida uu mudane makonin balada sharaxayo fahanka cilmi nafsiga bulshada,qaabka ay bulshadu u fakarto,waxa ay shaqsiyaadka doorbidayaan ama go’aankooda saamaynta ay ku yeelan karto in lafahmo ayay naga caawinaysa.

Intaas waxaa sii dheer qofka bulshada uu ku dhaxnoolyahay si uu uga dhaxlo qiima wanaagsan oo uu u dhaqn galiyo inay ka caawinayso ayuu sheegay.hasa ahaate in qofka uusan war isku hayin iyo in wax yaabaha aan la hubsanin sidoo kale fikirka shaqsiga in uu kubco bulshado in loo sheego inaan la awoodin inay dhibaato leedahay ayuu tilmaamay.

Mudane makonin sida uu sharaxayo inta badan dadka tababarka ku jira golduleelooyinka ay arkaan waa mid ka dhalatay qofka inuusan naftiisan si wanaagsan u aqoonin.wuxuuna intaas raaciyay qofka inuu naftiisa ka war hayo wax barashada iyo shaqada in u guul ka gaadho hadafkiisana uu rumeeyo ayay ka caawinaysaa.qofka in uu naftiisa ku kalsoonaado dhaleecaynta iyo meelaha uu qofka ka gaabiyay in uu aqbalo oo uu isu dheeli tiro inay wanaagsantahay ayuu sharaxay mudanuhu.

Tirsiga itoobiya 1960kii dhalinyarada kacdoonkii ay bilaabeen ay u dhaqdhaqaaqeen inay isbadalo keenaan natiijadii ka dhalatay waa mid su’aal ka iman karta taasina waxaa sababay in si wada jir ah loo fikiro iyo hal koox hogaamiyahooda niyaadmkiisa siyaasadeed in la aqbalo oo la dhaqan galiyo inay tahay ayuu khabiirka cilmi nafsiga sheegay.wuxuuna intaas ku daray shacabkan hadii ay naftooda si wanaagsan u aqaanaan,fikirkiisa in uu dib u baaro,xog saxsan oo lagu kalsoonyahay inay go’aamada ku gaadhaan,iskudhacyada iyo carada inay yaraadaan,fikir cusub oo siyaasadeed marka lala yimaado siday tahay inaan lagu qaadan ayay noqon lahayd ayuu yiri.

Bulsha aan iska warhaynin naftooda maqadarin karaan,wada shaki ayay noqonayaan.afkaartiisa mid ka baxsan oo dadka afkaartooda fuliya ayuu noqonayaa.fikirkiisa iyo mawqfkiisa inuu cadayn u keensado ayaa ku adkaanaysa.dadka kale markay dhahaan anaga ayaa wax kuu naqaana oo ku horsoconayna wuu iska ogolaanayaa.taasina ay kalifayso inuusan qofka xasilin oo naftiisa uusan aaminin dambiyada iyo xumaantana lagu tilmaamo.

“aniga ayaa garanaya” fikirka ah asaga oo khabiirku ka hadalaya ayuu soo qaatay sheeko yar.nin ayaa jiray oo doonayay in uu naagtiisa furo kadibna abukatihiisii ayuu usheegay.xaaskiisa inaysan heshiin Karin oo aysan wada noolaan Karin ayuu usheegay,abukaatihii maalinkii xigtay ayuu waraaqihii iyo foomamkii furniinka ahaa keenay.kadib maalinkii xigtay 5 waraaq intuu soo qaaday ayuu bilaabay in uu u akhriyo.ninkii dherarka qoraalkan loo akhrinayo iyo dhibaatooyinkii ay xaaskiisa u gaysatay markii uu la noolaa inuusan dareemin taasi inay muujinayso ayuu dareemay oo asagii ayaa iska naxay.dhibkaas oo dhan in lagula kacay ayaa sii cara galisay,ayuu go’aansaday tani in la furo ma ahane in kaw laga siiyo ayay istaahishaa intuu yiri ayuu u dhaqaaqay in uu dilo,sheekadaas ayuu aqoonyaanku isku soo qabtay nidaamka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Qofka dareenkiisa in uu ka war hayn waayo,dadka kale inay fikirkooda u shubtaan ayay fursad u siinaysaa.natiijaduna waxay noqonaysa qofka asaga oon rabin in cadaadis qof kale la saaro taasoo uu mudanuhu uu ku tilmaamay siyaasada ah aniga umbaa wax walba garanaya inaysan haboonayn.

Jooseef istaaliin waa siyaasi dalka ruushka caanka ahaa wuxuuna ahaa hogaamiyihii ururka siyaasada kominist,waxayna siyaasadiisa ahayd mid qoomiyadeed.dalkan itoobiya 1960kii dhaqdhaqaaqyada ardayda siyaasada iyo mucaaradka,cadaadiska qabiilada ee istaaliin bugaag laga qoray ayaga oo akhrisanaya afkaar siyaasadeed oo ballaadhan si ay u abuuraan dhalinyara xiligaas dadaalkeeda ku jiray ayaa jirtay.hasa yeeshee jeesee istaaliin siyaasada ku salaysan qabiilka ama qoomiyadaha dalka ruushka in uu burburo moyaane faa’ida kale inuusan keenin aya iska cad.laakiin xiligaas siyaasiyiintii jiray ee itoobiyaanka ahaa inuu fikirkaas khalday ayuu aqoonyaanku sheegayaa.

Doorka siyaasadeed ee bulshada in si wanaagsan loo qeexo ayay sheegayaan khuburada arimahan ku xeel dheer.fikir siyaasadeed marka uu dhasho ama la abuuro dhalinyaradu siday tahay intii ay u qaadan lahaayeen,ayaga aqligooda isticmaalaya waa inay si wanaagsan uga faaraan oo ay isbarbardhigaan nidaamyada kale ee siyaasada ee jiray.intaas wuxuu dheer nidaamka siyaasada ee dalka ayada oo lagu salaynayo xaqiiqda in lafalanqeeyo ayaa loo baahanyahay.

Fikirka muhiimka ah “aasaaska fikirka muhiimka ah” bugaas waxaa ku qoran,fikradaha marka la qaadanyo waa in lagu saleeya aqoont,si wanaagsan in loo fikiro oo fikradaha wanaagsan laga qaato. Dhibaatada nidaamka siyaasadeed ee dalkan itoobiya in la ogaado waa mida ugu horaysa ee xalka su’aalaha looga jawaabi karo.dhanka dhaqaalaha,maamulka suuban,gumaysiga qabaa’ilka,hantiwadaaga aan cadaalada ahayn,nidaamka wax barashada oo aan ku salaysnayn qoomiyadaha dalka oodhan,shaqa la’aan,xilka in loo isticmaalo jeebka in lagu buuxsado,musuqmaasaq iyo kuwa kale? Intaas oodhan si wanaagsan in loo ogaado waxay nagu hogaaminaysa wadada isbadalka.fikirka muhiimka ah markan oo kale in loo baahanyahay ayuu mudane makonin sharaay.wuxuuna yiri dhalinyarada hadii ay noqdaan kuwa fikir saliim leh,nidaam siyaasadeed oo cid walba ku haboon in la abuuri karo ayuu sheegay.

Hada xiligan la joogo itoobiyada jirta mid nabadgalya ah oo wadada horumarka ku talaabsanaysa,muwadiniintana kuwa is jecel oo sabab moyaane bilaa sabab aan caroonaynin ayay noqon lahaayeen ayuu yiri.qofka in uu naftiisa ka warhayo oo uu heer isgaadhsiiyo naftiisana qiima u yeelo in la joogteeyo oo la barto dalka dhibaatooyinka xalka ugu wayn ee lagaga ilaalin karo weeye.qofka hadii uusan naftiisa war u haynin dadka kale xuquuqdooda ayuu ku xadgudbayaa asaga oo tiisa uun ilaashanaya.dadka kale fikirkooda intii uu dhagaysan lahaa tayda uun halagu socdo ayuu la soo istaagayaa.cod kor ah asaga oo ku hadlaya oo dadka kale aflagaadaynaya ama sharafta ka qaadaya,oo eedaynaya,haduu doonana wuu yasayaa.asaga inuu kuwa kale ka sareeyo ayuu isku arkaa.faa’idadiisa si uu u ilaashado dadka kale ayuu wax yeeleeyaa.nacayb iyo cabsi ay ku dheehantahay aargoosi ayuu ku kacayaa ayuu yiri aqoonyaanka.

qofka fikir fiican naftiiska ka haysta oo naftiisa wax ka yaqaana dadka kale xaqooda asaga oo ilaalinayo ayuu faa’idadiisa si sharci oo sax ah ku raadsadaa.naftiisa iyo dadka kale inay simanyihiin ayuu u arkaa,dadka wuu qadariya wuuna jecelyahay.qorsha walba oo uu dajiyo natiija fiican ayuu ka gaadhaa.qorshihiisa si uu u hirgaliyo si wanaagsan ayuu u shaqeeyaa.naftiisa ayuu ku kalsoonyahay.qiyaas uun kuma hadlo,waa shaqsi cadcadaan muujinaya oo dadka kale aamin u ah.waa qof la jecelyahay oo loobaahanyahay,dhibaatooyinka awood wayn oo uu ku xaliyo ayuu leeyahay,naftiisa ayuu qiimeeyaa wuuna isku kalsoonyahay,dadka kale in uu jeclaado dhib kuma ahan.xaasidnimada iyo nacaybka ayuu ka dheeraadaa.xog la hubo oo xaqiiq ah oo kaliya asaga oo ka duulayo ayuu go’aan gaadhaa.khilaafaadka sida loo xaliyo ayuu garanayaa. Qofka naftiisa in uu ka warhayo faa’idooyinka aan soo sheegnay in ay leedahay ayuu khabiirku sheegay.

Ugu dambayntiina asaga oo sharaxaya jiilkan hada jira naftooda inay wax ka ogaadaan oo ay fahmaan sida ay ku keeni karaa,bini’aadanku waxay leeyihiin dabiici ay marba marka xigta ay isbadal keenaan,rabitaan,dhabar adayg hadii lala yimaado wax aan isbadalaynin majiro.akhriska buugaagta kala duwan waa mida ugu horeyso ee qofka naftiisa uu ku qiimayn karo.akhriska qofka in uu si ballaadhan u fikiro oo uu aqoon yeesho ayay ka caawinaysa.dadka kale inay afkaartooda kugu shubtaan in aadan ogolaanin ayay kuu sahlaysaa.fikiradaha oodhan inaysan sax ahayn ayuu qofka fahmaya,oo qofka wax walba uu baaritaan iyo ka fiirsi uu sameyo.akhrisku dhibaatooyinka inaad xal u hesho ayaad awood u yeelanaysaa.shaqsi ahaan,qooys ahaan,bulsha ahaan iyo qaran ahaanb masuuliyada kaa saaran in aad ka soo baxdo ayaad awoodeeda yeelanaysaa.ugu dambayntiina qofka in uu iska war hayo waxay u sahlaysaa in uu naftiisa,fikirka shaqsiyaadka kale iyo agagaarkiisa inuu si wanaagsan u faho ayuu mudane makonin hadalkiisa ku soo koobayaa.


አዲስ ማለዳ Hidhaar 4 2014 No 21

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

This site is protected by wp-copyrightpro.com