የእለት ዜና

Waxaa la sheegay in isbadalo lagu samaynayo xeerka maaraynta iibka agabyada iyo hantida

Laga soo bilaabo sanadkii 2001 nidaamkii lagu shaqayn jiray ee xeerka maamulida iibka agabyada iyo hantida dawlada isbadalo in lagu samaynayo ayay wakaaladu u sheegtay wargayska addis maaladaa.

Wakaaladu nidaamka maamulida iibka agabka dawlada iyo dhowrsita hantida ee lagu shaqaynayo si looga dhigo mid hufan oo natiija wanaagsan leh,sidoo kalena dawlada hantideeda inay ku hesho faa’ido u qalanta,ayada oo lakala soocayo golduleelooyinka jira,dhanka kalena khibradaha wadamada horumaray nidaamkan lagu soo darayo,sanadihii la soo dhaafay nidaamka iibka agabka iyo maamulida hantida si loo horumariyo wakaaladu shaqooyin badan ayay qabatay,xiligan la joogana Waxaa la diyaariyay oo la dhameystiray diyaarinta qabyo qoraalka ku saabsan iibka iyo maamulka hantida dowladda.

Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha ee wadaalada Iibka iyo Hantida Dawladda mudane satagn galaan oo lahadlaya wargayska addis maaladaa ayaa yiri shaqooyinka dib u habaynta nidaamkan in kasta oo la bilaabay sanadkii 2006dii,sababa kala duwan awgeed qabya qoraalka in aan la ansixinin ayuu sheegay.hada qabya qoraalka dib u habaynta lagu sameeyay ee nidaamka iyo maaraynta iibka iyo hantida dawlada xubnaha ay arinta khusayso (xafiisyada dawlada)ururada gaarka looleeyahay,iyo shirkadaha gaarka looleeyahay iyo bulshada rayidka ah ayaa wadatashi iyo wada xaajood lala sameeyay,waxaana loo gudbiyay xeer ilaaliyaha guud waxaana la horgeeyay golaha wasiirada ayuu masuulku yiiri.

Qabya qoraalkan ayaa la filayay in sanadkii hore la ansixiyo sida uu sheegay masuulku,markii la horgeeyay golaha wakiilada shacabka maadaama ay jireen waxyaala u baahnaa in la badalo ama dib u habayn lagu sameeyo,taasina had la soo dhamaystiray laakiin in la ansixiyo maadaama ay ku xirantahay xarumaha ay khusayso wali ma hubno xiliga la ansixin doono ayuu yiri.

Xeerka dib u habaynta lagu sameeyay ee maaraynta iyo maamulida iibka iyo hantida dawlada ayaa waxay diirada saaraysaa,xiligii hore markii nidaamka la diyaarinayay awooda lacagta ay leedahay iyo waxa lagu iibsan karo iyo markii dib u habayn lagu sameeyay awooda iyo qiimaha ay lacagta leedahay farqiga udhaxeeya ayaa si cad isbadal loogu sameeyay.sidaas daraadeed sanadihii la soo dhaafay sarrifka lacagta isbadalada lagu sameeyay iyo lacagta qalaad oo dalka ku yar dhibaatada ay ku keenayso nidaamka iibka in lagu xaliyo hada nidaamka cusub ee la diyaariyay agabyada la soo iibinayo qiimahooda ugu sareeya isbadalo ayaa lagu sameeyay.

tusaale ahaan nidaamka wax lagu kala iibsanayo hadii si cadcadaan ah shirkadaha loo tartansiiyo,waxa la soo iibinayo dhismo haduu yahay qarashka ugu badan ee loogu talagalayna uu ahaa 150 milyan isbadal ayaa lagu sameeyay oo waxaa loo dalacay 600 oo milyan.sidoo kale waxa la soo iibinayo hadii ay tahay alaab lacagta ugu sareeyso ee loo qoondeeyayna ay ahayd 50 milyan oo birr isbadal ayaa lagu sameeyay oo 200 oo milyan ayaa laga dhigay.

Habka qandaraaska iibka xaddidan ee ahaa 1.5 milyan waxaa loo dalacay 3.75 milyan.agabyada dawlada ee la iska iibinayo ee qandaraaska wargaysyada lagu soo daabacayay ee qiimihiisu ahaa 10 kun waxaa lagu badalay 50 kun.sidaas darteed nidaamka cusub ee dib u habaynta lacagaha lagu sameeyay in ay jiraan ayay wakaalada wargaysa addis maalada u xaqiijisay.

Intaas waxaa sii dheer ilaa iyo hada xeerka lagu shaqeeyo inaysan ku jirin xarumaha horumarka ee dawlada laakiin nidaamka cusub ee dib u habaynta lagu sameeyay in lagu soo daray wakaaladaha iyo xarumaha horumarka ee dawlada taaso ka qaybqaadanayso dal ahaan inay xarumahan noqdan kuwa xeerkan hoosyimaada.sidaas awgeed shirkada isgaarsiinta ee itiyo telekom, bangiyada dawlada,shirkadaha caymiska ee dawlada,warshadaha sonkorta iyo shirkadaha kale ee iskooda isku maamula in wakaalada iibka iyo ilaalinta hantida dawlada dhankeeda agabyada ay doonayaan looga soo iibin karo ayaa la sheegay.

Sidoo kale, qandaraasyada xaraashka iibka oo kaliya maadaama ay khusaysay nidaamka cusub laakiin qodob xusaya iibka agabkana in qandaraas xaraash uu leeyahay ayay wakaaladu sheegtay.


አዲስ ማለዳ Hidhaar 11 2014 No 22

Comments: 0

Your email address will not be published. Required fields are marked with *

error: Content is protected !!