Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee muddo tababar ku qaadanayay dalka Ereteriya, isla markaana arrinta dib u soo laabashadooda ay tahay mid muran badan dhalisay ay dib u soo laaban doonaan maalmaha soo socda.
Madaxweynaha oo ku sii jeeda dalka Mareykanka oo uu ka qeyb galayo shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka ayaa khudbad uu u jeediyay qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota waxa uu ku sheegay in ciidamadan ay billaabayaan inay dalkooda dib ugu soo laabtaan laga bilaabo bisha December ee hadda aan ku jirno.
Waxa ay sheegeen in ay dalkooda si buuxda u geli doonaan marka la gaaro bisha Janaayo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo askartan tababar ugu soo xiray dalka Eritrea bishii April ayaa sheegay in inkastoo askartaasi dhameystay tababarka haddana loo baahan yahay in la kordhiyo xilliga ay ku soo laabanayaan dalka, si aysan qalqal u gelin doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka lagu qabtay dalka.
Waxaa lagu xasuusan karaa in madaxweynaha hadda talada haya ee xasa. Shekh Maxamud uu ballan qaaday in uu askar dalkiisa ku celin doono xilligii uu ololaha doorashada ku jiray, waxaana la og yahay in bishii July ee la soo dhaafay uu booqasho ku tagay dalka Eritrea.
Waxaa la xusuustaa in Madaxweyne xasan shekh Maxamud oo horay Mareykanka uga codsaday in 5 kun oo askari oo ku xayiran Eritrea dib loo soo celiyo, wuxuuna caddeeyay in Eritrea aysan tababarin oo kaliya askar balse ay hubeyneyso.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo labo jeer booqasho ku tagay dalka Ereteriya kadib markii uu la wareegay talada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Eritrea Isayas Afwerki uusan raali ka aheyn in uu soo celiyo askartaasi, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.
Waxaan diyaarinay wax walba oo dib loogu soo celin karo askarta, waxaana aaminsanahay in aanan la kulmi doonin wax caqabado ah wixii intaas ka dambeeya, ayuu yiri madaxweyne xasan sheekh Mohamud, isagoo intaa ku daray in askarta ay ku biiri doonaan dagaalka uu dalkiisa kula jiro Al-Shabaab.


