Abaartii ugu xumayd ee Geeska Afrika ma dhici karteen haddaanay hawada sii dayn, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay shalay soo saartay kooxda caalamiga ah ee Saynisyahannada Cimilada.
Isbeddelka cimilada ee bini’aadamka ayaa la sheegay inay 100 jeer kor u kacday abaaraha ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan dhinaca beeraha.
hay’ada waxaat sheegtay in abaarta xun xun ee jirta aanay dhici lahayn haddaanay hawada hawada ku sii dayn, laba sano ka hor, Eritrea, Djibouti, Kenya, Somalia, Sudan iyo South Sudan oo ay ku jirto Itoobiya, waxa ku dhuftay abaar aan hore loo arag afartankii sano ee la soo dhaafay.
Cilmi baaristan ayaa diiradda lagu saaray saddex goobood oo ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, kuwaas oo kala ah Koonfurta Itoobiya, Soomaaliya iyo Bariga Kenya.
Iyadoo isbeddelka cimiladu aanu saameyn yar ku yeelan roobabka sannadlaha ah ee gobolka, heerkulka sare ayaa si weyn u kordhiyey uumiga ciidda iyo dhirta, 19 saynisyahano ah oo ka qaybqaatay daraasaddan ayaa tilmaamay.
Sidaas darteed, waxaa la sheegay in ka badan 20 milyan oo qof ay soo food saartay cunto yari Geeska Afrika labadii sano ee u dambeeyay taas oo ay sabab u tahay burburka dalagyada beeraha iyo dhimashada xoolaha.
Sidaa darteed, si loo xalliyo dhibaatada si waara, waxaa la sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo horumarin hal abuur leh oo lagu sameeyo nidaamka cuntada, si habboon loo isticmaalo macluumaadka, lana yareeyo baylahda iyadoo la adeegsanayo aqoonta dhaqanka iyo tignoolajiyada cusub.


