Bayaan ay soo saareen Golaha Ururada Bulshada Rayidka ah ee Itoobiya,Barnaamijka Cunnada Adduunka iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka ayaa lagu codsaday in lasii wado qaybinta gargaarka bini’aadantinimo ee deegaanka Tigray.
“Golaha ayaa xaqiijiyay in hadhuudh gargaar ah laga dhacay Tigray, laakiin sii wadida qaybinta gargaarka ee xaalada ay malaayiin muwaadiniin ah u baahan yihiin cunto gargaar ah ayaa ka dhib badan faa’iidada,” ayuu yidhi.
Goluhu wuxuu sheegay in baarista dambiyada la galay iyo shaqada isla xisaabtanka ay si is garab ah uga wada shaqeynayaan iyadoo aan hakad la gelin gurmadka raashinka ah.
Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo maamulka KMG ah ee dowlad deegaanka ayaa ka codsaday golaha in baaritaan lagu sameeyo xatooyada agabka mucaawinada ah, isla markaana tallaabo laga qaado dadka ku kacay falalka sharci darrada ah.
Ugu danbayntii Golaha Ururada Bulshada Rayidka ah ee Itoobiya ayaa sheegay in ay qaybtooda ka qaadan doonaan sidii ay u sii wadi lahaayeen taakulaynta raashinka iyo gargaarka bini’aadantinimo ee loo fidiyo dadka tabaalaysan ee ku dhaqan deegaanka Tigreega, waxayna ku dhawaaqeen in ay diyaar u yihiin taakulaynta.
Labadan hay’adood ayaa bishii hore joojiyey qaybinta gargaarka bini’aadantinimo, iyagoo ku andacoonaya inay xaqiijiyeen in la bililiqaystay bakhaaro lagu kaydiyo dalagyada gargaarka ee deegaankaasi, isla markaana lagu iibiyo suuqa.
Gaar ahaan dagaalkii labada sano socday ka dib, waxaa la sheegay in in ka badan shan milyan oo ka mid ah lixda milyan ee muwaadiniinta ah ee ku nool Deegaanka Tigray ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo.



