Raashin gargaar ah oo la siiyay dad danyar ah oo ka socday hay’ado caalami ah, taasoo la sheegay in si xad-dhaaf ah looga dhacay gudaha Itoobiya; Waxaa shaaca laga qaaday in falkaasi ay ka danbeeyeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Warbixin uu daabacay wargeyska Washington Post, “Waxaan helay dukumeenti si qarsoodi ah u galay gacmaha hay’adaha gargaarka.” Wuxuu yiri “Xatooyada raashinka mucaawinada ah ee inta badan laga soo dhiibo Mareykanka iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dadka tabaaleysan ee ku nool Itoobiya, waa shirqool ay iska kaashadeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Sidan ayaa lagu sheegay in meydadka dowladda ay raashiinka u qeybinayeen askarta iyo dagaalyahanada. Sidoo kale waxaa la sheegay in Hay’adda Mareykanka u qaabilsan gargaarka caalamiga ah ay xaqiijisay in qamadi loo keeno dadka danyarta ah la geyn jiray ganacsatada ka dibna la shiidayay lana dhoofiyay.
Intaasi ka dib, Hay’adda Maraykanka u qaabilsan gargaarka caalamiga ah ayaa sheegtay inay joojisay gargaarkii ay siin jirtay ilaa inta wax laga bedelayo nidaamka Itoobiya.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku baaqday in la xaday raashin mucaawino ah oo lagu waday malaayiin qof oo ku dhibaateysan gudaha Itoobiya in baaritaan lagu sameeyo, lalana xisaabtamo dadkii ka dambeeyay falkan. Bloom ayaa ku dhawaaqay inuu si ku meel gaar ah u hakiyay cuntadii gargaarka ahayd ee uu bixin jiray, isagoo soo jeediyay in dib u habeyn lagu sameeyo.
Dowladda federaalka ayaa sidoo kale tilmaantay in maamulka ku meel gaadhka ah ee gobolka Tigray, halkaas oo “xatooyada ballaaran” ee raashinka gargaarka ah ee laga keeno dibadda, la baari doono.
Kadib markii ay hakiyeen raashinkii gargaarka ahaa ee hay’adaha caalamiga ah ayaa waxaa lasoo sheegayaa in dadka ku dhaqan gobolka Tigray ay halis ugu jiraan macaluul, dadkuna ay macluul u dhimanayaan.
Xogta ayaa sheegeysa in in ka badan 20 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar, dagaalada ka socda waqooyiga, colaadaha deegaano kala duwan, abaaro, fatahaado iyo masiibooyinka kale ee bani’aadamka iyo kuwa dabiiciga ah.



