Waxa la sheegay in bangiyadu ay gudoonsiin doonan bangiga qaranka lacag shakhsiyaad ay leeyihiin oo an 15 sano la dhqdhqaajinin akonkooda.

0
1022

Waxa ay bangiyadu  sheegeen macamiishooda aan 15 sanadood dhaqdhaqaajin xisaabaakooda in ilaa iyo bisha tiqimt ay lacagahooda kala baxaan akoonkooda, hadii se ay sidaasi yeeli wayaan in ay lacagahooda gudoonsiin doonaan bangiga qaran.

Bangiyada loo yaqano jiilkii hore ee la asaasay 15 sano ka hor lacagaha yaala ee aan la dhaqdhaqaajin 15 sano in laga soo saray hage amar cusub ah, bangiga qaran ee dalka ayaa yidhi lacagahaasi waxa aan raba in aan adeegsado.

Bangiyada awash, abisiiniya iyo dhaashin oo ka duulaya hagaha amarka cusub ee u soo saaray bangiga qaran ayaa shaaciyay akoontiyada aan la dhaqdhaqaajin 15 sano.

Amarkan oo sanadki hore la soo saray ayaa ah mid u ogolaanaya shaqsiyaadkaasi leh akoonka ama wakiiladooda in ay la baxaan lacagahooda ayaga oo waraaqahooda sharciyaysan isticmaalaya oo sharciga raacaya.

Desaaleny Yizengaaw oo ah ku xigeenka maamulaha lacagaha ee bangiga abisiiniya ayaa wargayska addis maleda u sheegay in shakhsiyaadka aan xiliga loo qabtay lacagahood la bixin hadii ay la yimaadaan cadaymo macquul ah in ay ka qaadan karaan lacagahooda bangiga qaran.

Sida u sheegay mudane Desaleny akaontiyada shakhsiyaadku ay leeyihiin ee la sheegay ay yihiin qaar aan cid lahayn oo 15 sano oo aan wax lacag ahna lagu shubin oo aan waxna la gala bixin.

Lacaguhu madaama ay yihiin qaar aan cidi lahay waxa amarka laga soo saaray lagu xusay in amarku u yahay mid ka dhigaya in dawladu ay la wareegto oo ay horumar bulshada anfaca ugu qabato balse aan ahayn mid la dhaxli doono.

Dr. Sewale Abate oo ah maamulaha jamacada addis ababa qaybta kuliyada biznes iyo ekonomiks asosheet ahna madaxa gudiga bangiga buna hadana ah xirfad leh mashaariicda iyo lacagaha ayaa sheegay in shakhsiyaadka akoontiyadaas aan 15ka sano la dhqdhaqaajin leh  ay muujinayso in ay yihiin qaar dhintay ama qaar dalka dibadisa uga baxay.

Sawale oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in marka bangiyada lacagaha la dhiganayo akontiyada ay laba nooc u qaybsanyihiin oo ay kala yihiin mid la dhqdhaqajin karo iyo mid aan la dhqdhaqaajin Karin, siada oo kale marka ay bangiyadu lacagahaasi wareejinayaan waxa u hoos u dhimaya lanbarada akontiyadooda.

Bangiga qaran ayaa sheegay in lacagahaasi u usamayn doono meel u ku wada uruuriyo lacagahaasi, marka u samaynayo bangigu halkaasi u ku wada uruurinaayo hadii ayakoontiyada ka jira bangiyada ay yihiin qaar aan la dhqdhaqaajin Karin ama aanay wax lacag ahi ku jirin waxa laga saaraya liiska bangiyada.

Dadku marxalado kala duwan waxa ay ku khasbanadaan in ay la soo baxaan akoontiyo kala duwan, meelihi ay ka furteen akoontiyada marka u xidhiidhkoodu kala go’o waxa jira dad badan oo inta ay buugooda lacag yar kaga tagaan iska daaya. Sidaas darteedna akoontiyada, sidaas akoontiyada lagu furayna inta la uruuriyo ayaa waxa lagu wareejinaya bangiga qaran.

Waxa u xusay Sewale in bangiyada looga baahanyahay in inta ay tiriyaan akoontiyadan oo ay sheegaan inta ay hayaan, hadana waxa looga baahan yahay in ay hawsha lacagta kaydka ah sidii ay u kordhi lahayd in falawgeed ay qabtaan.

Waxa kale oo u yidhi bangiyadu inta ay wadooyinka joogsadaan ama ay xafiisyo kala duwan ku wareegaan ayay dadka ku booriyaan si ay akoontiyo u furtaan, taasi oo la hubo in ay tahay mid dadka dhiiri galinaysa qofka, ayaa hadana loo baahanyahay in dadku marka ay furtaan akoontiyada kadib laga dhigo in ay kaydsadaan lacag ku filan.

Dalal badan in ay lacago ku kaydsadaan  bangiyada ayaa dhaqan u ah bu yidhi dalkeenana oo noolashu ay tahay mid hoosaysa ayaa hadana macaamishu kolba dakhliga soo gala in ay wax ka kaydsadaan in lagu dhiiri galiyo loo baahan yahay, taasina waxa ay bangiyaadana u noqonaysa in ay awoodooda ay ku kobciyaan.

Sawale waxa u sida oo kale sheegay in etoobiyaanku ay badana qariyaan lacagahooda oo ay ka qariyaan eheladooda. Marka ay iskudayaan in ay ka qariyaan eheladooda ama cid kastaba waxa ay furtaan akoontiyo kala duwan oo ay lacagahooda kala dhigtaan, hadaba akoontiyadan qarsoon hadi shakhsigu asaga oon isticmaalin wax noqdo cid lacagtisa dhaxlaysa ma jirayso.

Waxa kale oo u hadalkiisa raaciyay in bangiga qaranku u soo saarey hage sadex bog ka kooban sanad ka hor .hagahaasina waxa u ka dhaqan galaya akoontiyada 15ka sano ka hor la furtay ee baangiyada oo dhan ka jiraan.waxana ay ogaysiis ugu soo qorayaan bangiyadu wargaysyada aadka loo akhristo ee todobad laha ah, qaybaaha bangiyada ee akoontiyadaasi laga furay boodhka ogaysiisyada lagu soo dhajiyo iyo baraha bulshada ee bangiyada mudo 3 bilood ah, kuwaasi oo ah mid ka mid ah dariiqyada lagu dhqan galinaayo hagahaas. Hadii mudadaas ay ku iman waayaan shakhsiyaadkaasi oo ay ogaysiin waayaan bangiyada, waxa akoontiyada ay ku jiraan lacag dhan 5 bir ah laga bilaabo lagu wareejin doona bangiga qaran ee dalka.

Waxa kale oo u xusay in bangiga qaran iyo bangiyada kaleba looga baahan yahay in barha bulshada ee ay bangiydu leeyihiinba ay ku qoraan ogaysiis kaasi mudo ilaa 10 sano ah.

 

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here