Xarumaha warshadaha ee kaladuwan Kanbaniyada ka jira ayaa waxa la sheegay in ay bunka si toos ah uga qaatan beerolayda oo ay qiimahana ku kordhiyaan oo ay u iib gayn doonaan suuqyada dalka dibadiisa.
Sida u ugu waramay wargayska addis maleda Adhuunya Debela oo ah mareeyaha haayadaa bunka iyo shaaha ee itoobiya ayaa yidhi in kanbaniyada ka jira xaruumaha warshadaha ee dalku inta ay qiimaha kordhiyaan in bunka ay u iib geeynayn doonaan daka dibadiisa, taasina ay kor u qaadayso ganacsigi bunka ee dibadaha loo dhoofiyo.
Waxa kale oo u sheegay in bunka qalalan ee itoobiya ee dalka dibadiisa loo iib gayn jiray gaar ahaanna wadamada yurubta iyo maraykanka oo an wax qiimo kordhin ah lagu samaynin ay dakhliga lacagta ee dibadah laga heli jiray u aad u hooseeyay.
Sidaas darteedna ayuu yidhi waxa hawsheeda lagu jira si loo xaliyo dhibaatadaasi in hayada wax soo saarka bunka iyo shaaha ee itoobiya iyo xarumaha warshadaha ee kala duwan ee ka jira dalka inta ay iskaashadeen oo ay kanbaniyaduna bunka qiimihisa kor u qaadan in loo iib gayn doono dalka dibadiisa.
Waxa u maareeyuhu u intaasi raaciyay in xarumaha warshadaha qaar ka mid ah oo ay ka mid tahay xarunta warshadaha ee yirgaalem dhaxdeeda kanbaniyo dhawr ah ku soo biireen in ay bilaabeen hawsha, sida oo kalena jima iyo hawaasa xarumaha warshadaha ee ka jira iyo kanbaniyo kale in si toos ah ay uga iibsadaan bunka beerolayda oo ay qiimaha kordhiyeen oo ay bilaabeen hawshii ay ku iib gayn lahayeen bunka dalka dibadiisa.
Waxa kale oo la sheegay in bunkii qiimaha lagu kordhiyay ee miisaniyada sanadkan 2013ka ee loo iib geeyay dalka dibadiisa laga soo xareeyay sedex milyoon oodoolar.
Waxa kale oo u maareeyuhu u sheegay in hada ka hor dalka dibadiisa lo dhoofin jiray bunka qaydhin ee itoobiya, sidaas darteedna cadadka bunka ah ee u dalku leeyahay marka loo eego laga soo xarayn kari waayay dakhli badan, waxana la bilaabay in qiimaha bunka la kordhiyo oo loo iib geeyo suuqyada dalka dibadiisa.
Sida u sheegay maareeyuhu in bunka qiimihisa la kordhiyay ay hayada bunka iyo shaaha ee itoobiya ay u soo saartay nidaam hage ah oo ay u soo ban dhigtay kuwa ka faaidaysta iibka bunka, sida oo kalena maal qabeenada ka jira dalka ay si balaadhen uga qayb qaaten ganacsiga bunka ee dalka oo ay ku hawlanyihiinna.
In kasta oo bu yidhi maareeyuhu in bunka si toos ah looga qaato oo dalka dibadiisa loo iib geeyo ay faaido gaar ah u leedahay beerolayda, hadana dadaalka loogu jiro bunka saloolan ee la shiiday in suuqa la geeyo ay dhib ku noqotay.
Waxa kale oo u yidhi in bunka qiimihisa la kordhiyay ee dalka gudihiisa in si balaadhan loogu iibiyo ay caqabad ku noqotay, waxa ay bulshadu ka door bidaa in ay iibsadaan bunka saloolan ee shiidan in ay iibsadaan ka aan saloolnayn ee qaydhiinka ah.
Sida u sheegay mareeyuhu in bunkan qiimihiisa kor loo qaday ee iibkiisa dalka gudihiisa ahna kor loo qaado oo loo baahan yahay in bulshada fahan dheeraad ah laga siiyo.
Waxa u intaas u raaciyay in bunka itoobiya ee la saloolay ee la shiiday loo iib geeyo suuqa caalamka si faaido laga helo waxa dhici karta in lagala kulmi karo caqabad, sidaas darted waxa loo baahanyahay marka koowad si suuqa loo geeyo bunka saloolan ee shiidan ee qiimihiisa la kordhiyay in kanbaniyadu ay wadamada kala duwan la xidhiidhaan oo ay wada shqeeyan.
Waxa kale oo u xusay in wadamada iibsan jiray bunka qaydhiinka ah ee itoobiya ay hada ka hor ahaayeen shan wadan oo kaliya, halka ay xiligan xaadirka ah gaadheen 33 dal. Dalakii hada ka hor macaamisha la ahaa dalka ayaa kala ah bu yidhi maraykanka, germalka, jaaban, beelgiyam iyo sacuudiga.
Waxa kale oo la qorsheeyay bu yidhi maareeyuhu in sida oo kale misaaniyada sanadka 2014ka bun qaydhin oo gaadhaya labo boqol iyo sideetan kun oo ton in dibadaha loo dhoofiyo oo laga soo xareeyo dakhli gaadhya hal biliyoon oo doolarka maraykanka ah, sida oo kale bunka qiimihiisa la kordhiyay ee dalka dibadiisa loo dhoofiyay sanadkan oo laga soo xareeyay sadaxda miliyoon ee doolaar ayaa waxa hadana la qorsheeyay in kor loo qaado dakhligaasi ilaa lix miliyoon oo doolar oo hawsheedana loogu jiraa.
አዲስ ማለዳ Nahaase 8 2013 No 8



