Xukumada dds ayaa wargayska addis maleda ugu warantay in ay walaac ka qabaan in muranka xuduudaha ee u dhaxeeya deegaanada soomalida iyo canferta ay dhibaatooyin kale ka dhacaan.
Maxamed rooble oo ah madaxa xidhiihdhka arimaha dawlada ee deegaanka ayaa sheegay in meelihi ay dhibaatooyinku ka jireen ee xuduudaha u dhaxeeya soomalida iyo canfarta dadakii soomalida ahaa ee ka soo baro kacay aan wali lagu celinin meelihi ay ka soo baro kaceen, waxaana dadkii soo baro kacayaasha ahaa meelihi ay ka soo baro kaceen loogu celin kari waayay bu yidhi in wali dhibaatadi ka dhaxaysay labada dhinacba an xal loo helin. Canfarta oo tidhi meesha idiinkama baxayno iyo soomalida oo ay ka muuqato fikir ah sii xog leh ayaanu ku soo ceshanayna dhulkayagi ayaa waxa laga baqaya in ay iskudhacyo kale ay ka abuurmaan halkaasi.
Sida u sheegay masuulku imika ka hor isku dhacyadi halkaasi ka dhacay waxa ku dhintay dad bada ,sida oo kale isku dhacyadaasi waxa ku wax yeeloobay haween iyo caruur. Dadka halkaasi ka barakacay ee soomalida ahi ee ku nool xeryaha kala duwan ayaa waxa ay gaadhayaan in ka badan 30 kun oo qof.
In kasta oo xukumada dds iyo shacabkuba ay isku dayeen in ay xaliyaan isku dhacyadaasi oo dadka barokacayaasha ah na ay isku dayeen in ay dajiyaan, hadana xududaha u dhxeeya soomaldida iyo canferta ayaa ah kuwa ay dhibaatadu ka kacdo ilaa iyo imikana wax xal ah lagama gaadhin. Asaga oo hadalkiisa sii wata mauulku ayaa waxa u yidhi barokacayaasha oo sheegay in aany xmili Karin roobabkan iyo dhaxamaha jira ayaga oo qaxooti ah ayaa waxa laga baqaya in ay waxyaabahas u dul qaadan kari waayaan oo ay rabshado kale meesha ka dhacaan.
Sida oo kale waxa u masuulku u sheegay in labada deegaanba ay iskudhacyadaasi awgeed aan looga qabanin doorashooyinka dalka ka dhacay, in kasta oo ay dawladu ay qoorsheeysatay in bisha baagume 2deeda ee 2013ka ay doorasho halkaasi ka dhici doonto, hadana daganaansho laanta halkaasi ka jirta iyo si aanay caqabad ugu noqonin bulshada ka qayb qaadanaysa doorashada waxa loo baahanyahay in marka hore mudnaanta la siiyo sidi loo dajin lahaa xalada halkaasi ka jirta.
Waxa kale oo u yidhi intii doorashadu aanay dhicin ka hor maadama xafiiska gudiga doorashooyinku u goaamiyay in aanay doorasho ka dhacayn deeganada soomalida iyo canferta ayaa waxa ka xanaaqay dad tiro badan, sidaas darted in dadku ay doorashada ka qayb gali iyo in kale lama hubo, laakinse wararku waxa ay ila iyo xiligan xaadirka ah sheegayaan in ay doorashadu ka dhici doonto labada deegaanba.
Wargayska addis maleda ayaa kula xidhiidhay qaar ka mid barokacayaasha soomalida ah ee halkaasi ku sugan arikan tilifoon. Wargaysku xogta u ka helay dadkaasi ayaa sheegaysa in dadka labada meelood ka baro kacay ay xiligan xaadirka ah ku sugan yihiin meelihi laga siiyay meelaha ay u qaxeen iyo meelihi loo diyaariyay ee ku meel gaadhka ahaa.
Mid ka mid ah dadkii ka baro kacay isku dhacyadi ay sbabeen muranki xuduudaha ee deegaanada soomalida iyo canferta oo magaciisa la yidhaahdo Siciid yaasin ayaa waxa u yidhi deegaanka canfarta oo magaalooyinki aanu ku noolayn si xoog ah nooga qabsaday awgeed ayaa waxa aanu fadhina hada meel banana ah.
Siciid oo hadalkiisi sii wata ayaa sheegay in meesha ay baro kacayaashu ku suganyihiin aanay ahayn meel lagu noolaan karo, sida oo kale waxa aanu xmili kari waynay xili roobaadkan waxaa aan dawladana ka codsanayna in sida ugu dhakhsah badan meelha sida sharci darada ah nalooga qaaday naloogu soo celiyo oo dawladu ay qaado talaabooyinka loo baahanyahay oo na lagu celiyo meelihi aan ka soo qaxnay.
Waxa xusid mudan in meelaha xuduudaha ah ee u dhaxaysa labada deegaan ee soomaalida iyo canferta ee kala ah cadhaaytu iyo garbo ciiseba in ay dad badani naftoodi ku waayeen, sidoo kale u muran badani wali ka jiro.
In kasta oo wargayska addis maleda u isku dayay in u tilifoon kula xidhiidho oo u kala hadlo arintaas xukumada deegaanka canfarta oo u ka waraysto waxa u fikirkodu u yahay, hadana wax jawaab ah kamusan helin dhinacaasi wargaysku.
አዲስ ማለዳ Nahaase 15 2013 No 8



