Macalimiintii jaamacadaha deegaanka tigreega wax ka bari jiray islamarkaana barakacay ayaa mushaarkoodii loo bilaabay

0
319

Macalimiintii hada ka hor laga joojiyay mushaarka islamarkaana wax kabari jiray jaamacadaha deegaanka tigreega gaar ahaa raayaa iyo maqale ayaa mushaaraadkoodi loo bilaabay ayay addis maaladaa usheegeen.

Deegaanka tigreeg dagaalada ka dhacay awgeed jaamacadaha joojiyay geedi socodkii wax barashada macalimiintii wax kamari jiray labadii bilood ee la soodhaafay bilaa mushaar maadaama ay ahaayeen dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha inay a kuleen ayaa laga warqabaa.macalimiinta marar badan wasaarada saayniska iyo tacliinta sara inay waydiisteen in mushaarkooda la siiyo laakiin hada mushaarkoodi loo bilaabayayay ka markhaati kaceen.

Deegaanka tigreega waxaa ku yaala afar jaamacadood oo ay dawladu leedahay,kuwaasoo ku kala yaala maqale,raayaa,aksum iyo adigraat.macalimiinta jaamacadahan labadii bilood ee la soodhaafay ee xili roobaadkii in kasta oo aan wax mushaar ah la siinin,gaar ahaan jaamacada raaya saddax bilood oo kala ah sane/2013 ilaa nahaase 2014 mushaarkooda wala siiyay.macalimiinta jaamacada maqale hable ilaa nahaase/2014 laba bil mushaarkooda ayay qaateen.jaamacadaha mushaaraadka laga joojiyay in kasta oo ay afar yihiin ilaa iyo hada macalimiinta jaamacada aksum iyo adigraat inaan mushaarkoodii loo bilaabin laakiin dhawaan oo bilaabi doono ayay wararku sheegayaan.

Wasaarada saayniska iyo tacliinta sare oo jaamacadaha maamula inuu macalimiintan usheegay in mushaarkooda la siin doono,ilaa bisha nahaase macalimiintii mushaarkooda qaatay laakiin ilaa hada mushaarka busha maskaram inaysan qaadanin ayay sheegeen.

Macalimiinta jaamacadaha raayaa iyo maqale sababta ayaga loogu horumariyay mushaarka ayay wasaarada saayniska iyo tacliinta sare ku tilmaamtay inay shuruudihii loo baahnaa soo dhamaystireen.wasaarada ayaa sheegtay labada jaamacadood ee kale maadaama aysan shuruudihii soo buuxinin ayaan ilaa hada mushaarka loo siinin.

Wasaarada shuruudaha ay macalimiinta inay soo buuxiyaan loo baahanyahay ee mushaarka loogu bilaabayo waxaa ka mid ah,ilaa iyo hada jaamacadii ay wax ka dhigayeen inay mushaarkooda ka qaadan jireen warbixinta bangiga mushaarka uu ugu soo dhici jiray.warqadii shaqaalaysiinta ee jaamacada ay ka shaqeeyaan iyo kaarka aqoonsiga ee shaqaalaha.

Wasaarada sababaha ay macalimiinta shuruudahan u hordhigtay ayaa lagu sheegay in lagu xaqiijiyo in macalimiinta ay wali jaamacada ka shaqeeyaan oo aysan shaqada ka tagin ama saqo kale aysan ka shaqaynin.

Macalimiinta jaamacada adigrat iyo aksum ayaa bilaabay inay wasaarada ka codsadaan in ushaarkooda loo bilaabo,waxaana la filayaa shuruudahan hadii ay soo buuxiyaan in mushaarkooda loo bilaabi doono.

Dagaalada ka socda deegaanka tigreega maadaama ay wali socdaan in aan la saadaalin Karin mustaqbalka macalimiinta ayay barayaasha usheegeen addis maaladaa.macalimiinta mushaarka loo bilaabay iyo kuwa aan loo bilaabin inay shaqada ka tagaan oo shaqooyin kale ay galaan warqada sagootinta iyo khibrada shaqada in aan loo ogolaanin ayay sheegeen.
Jaamacadaha deegaanka tigreega dagaalada awgeed maadaama la xiray macalimiinta oo kaliya ma ahane ardaydii halkaas wax kabaran jirtay maadaama ay bilaa cama iska joogaan qaabkale oo ay wax barashadooda ku dhamaystaan sida addis maaladaa ay sheegeen.

Wasaarada saayinska iyo tacliinta jaamacadaha ku yaala deegaanka tigreega ardaydii wax ka baran jirtay qaabkii ay wax barashadooda ku dhamaysan lahaayeen in la yeelo in kasta oo ay wasaaradu sheegtay ilaa iyo hada wax laqabtay inaysan jirin ayaa la sheegay.jaamacadaha kale ee deegaanada dalka ardaydii dhigan jirtay inay qalin jabiyeen ayaa la ogsoonyahay.
Wasaarada saayniska iyo tacliinta sare oo maamuli jirtay jaamacadaha dalka nidaamka cusub ee la dajiyay waxaa la hoosgeeyay wasaarada wax barashada,hada ka hor jaamacada waxay hoos iman jireen wasaarada saayniska iyo tacliinta sare.


አዲስ ማለዳ Tiqimt 6 2014 No 17
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here