‹shirkada rays ee amaahda lacagaha yaryar ayaa sheegtay in bilaabayso nidaamka amaahda ee casriga ah

0
797

Shirkada Reys microfinance (sahay pay) nidaam ladhaho oo casri ah oo lacagaha la isku ahaahiyo iyo qaab internetka ah lagu kala adeegto aalad casri ah inay soo bandhigayaan ayay addis maladaa uga warameen.

Aplikashinka ay loo yaqaano (sahay pay) ee ay soo saartay reys microfinance ee lacagaha la iskugu diro deegaanka somaalida iyo deegaanada dariska la aha ilaa xadka wadanka jaarka ee keenya ayuu si ballaadhan uga dhaqan galay.

Nidaamkan cusub ee lacagaha lagu kala daynsado laguna adeegto ee farsamada casriga ah waa nidaam khibrad wanaagsan lagaga helay wadamada jaarka ah ee sida dalka kiiniya sida ay ku waremeen maareeyaha shirkada sahay pay iyo aasaasaha shirkada reys microfinance.

Sahay pay dhawaan nidaam cusub oo shariicada iyo awaamiirta diinta islaamka waafaqsan oo loo yaqaano (mudaarabah) oo qaab electronic ah lacagaha si dagdag ah lagu kala daysanayo inay soo bandhigayaan ayay ugawarameen addis maaladaa.

“shirkadan ayaa aasaaskeeda ah degaanka somaalida inta badan dadka macaamisha u ahna maadaama ay yihiin muslimiin nidaam diinta islaamka iyo shariicada waa faqsan in adeegan lagu bilaabo inay ka hawgalayaan ayay sheegeen.nidaamka lacagaha lagu kala amaahanayo waxay ku xirnaan kartaa shaqsiga awoodiisa iyo kaydkiisa sida uu sheegay cabdilcaziiz xasan.

Nidaamka casriga ah ee lagu kala adeegto wuxuu lahaan doonaa sida la sheegay superkiyosk taasoo bulshada deegaanka adeega ay doonayaan hadii ay heli waayaan ilaa caasimada intii ay iman lahaayeen oo ay rafaadilahaayeen ayuu nidaamkan ka caawin doona sida ay sheegeen.

Nidaamkan qaab aan hada ka hor jirin anaga oo ku xiryna nidaamka amaahda,dadka wax qaybiya iyo dadka dalabaadka bixiya inay adeegan u fidin doonaan ayuu cabdulcaziiz sheegay.
Getu miliyoon bangiya kala duwan ayuu ilaa iyo 12 sanadood ka soo shaqeeyay nidaamka casriga ah ee digitalka,nidaamyadan inkasta oo ay dalka ka jiraan hadana dadka isticmaala aad ayay u yar yihiin ayuu yiri.

Shirkada reys micro finance shirkada shariikada ay yihiin ayaa la sheegay server u gaar ah in ay leeyihiin oo ilbiriqsigii uu awoodo xog 1GB in uu diro,taleefanada ku shaqeeya 2G IYO 3G ee talefanada ardridka iyo IOS sidoo kale USHDacher iyo taleefan walba in loo isticmaali karo ayaa nidaamka loogu talagalay.

Horumarka dhaqaalaha in kasta oo caqabada ay ka jiraan,ganacsatada iyo dadka adeeganaya golduleelooyinka ka dhax jira ama aqoon yarida nidaamkan casriga ah in uusan kubcin ayaa caqabad ahaan loo arkaa.bangiyadana nidaamya kala duwan oo lacagaha lagu kala xawilo ama lagu adeegto ayay soo bandhigaan laakiin inta aysan nidaamyadan soo bandhigin bulshada inay wacyigalin ballaadhan u fidiyaan ayaa muhiim ah.

Sidoo kale dawladuna waa nidaam loo baahanyahay inay fiigara gaar ah siiso oo ay ka shaqayso shirkadaha ku hawlan shaqooyinkana inay dhiiri galin siiso.lacagaha marka nidaamka digitalka la galiyo dawladu waxaa u baaqanaya lacagihii ay daabacaysay qarashka kaga baxaya.sidoo kale waxaa lagugala socon karaa ganacsiyada sharcidarada ah iyo lacagaha sharcidarada ah.
Todobaadkii la soo dhaafay shirkada reys micrcofinanace 460 in kabadan laamaha bangiga awash nidaamka cusub ay ku wada hawl galidoonaan ayay si wada jir ah xariga uga jareen.

Sidaas daraadeed bangiga awash macaamiisha bangiga isticmaala meel walba oo ay joogaan gaar ahaan goobaha aan bangiyada laga heli Karin wakiilada sahay meel walba oo uu qofka joogo bangiga awash asaga oo isticmaalaya sahay in lacag uu heli karo oo uu asna xawili karo ayuu mudane cabdicaziiz sheegay.

2 milyan in kabadan oo faa’ida ah iyo 76 bilyan lacag ka badan oo ay kaydsadeen macaamiisha bangiga awash ayaa jira,xiliyada soosocda bangigu goobaha adeega baniga aysan gaarin gaar ahaan bariga harargee iyo magaalooyinka deegaanka oromiya sida sahay nidaamyada u shaqeeya inay macaamiil badan ku soo jiidaan inay qorshaynayaan ayay tilmaameen.

Inaan la shaqayno sahay gaar ahaan bulshada xoolo dhaqatada ah goobaha ay ku noolyihiin ee reer guuraaga ah nidaamkan wuxuu u sahlayaa inay helaan nidaam bangi oo casri ah.
Xiligan la joogo 1 milyan oo macaamiil ah oo isticmaasha sahay bay ayaa jira,maalinkiina 920 milyan oo birr in kabadan ayaa nidaamkan lagu kala ganacsadaa ama loo isticmaalaa.


አዲስ ማለዳ Tiqimt 20 2014 No 19
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here