deegaanka qoomiyadaha iyo shucubta konfurta gobolka konso laga bilaabo 2011 ayay waxa ay codsadeen in qaab dhismeed maamul ay samaystaan suaashasina waxa ku barokaceen dad tiradoodu ay ka badantay 80 kun arintanina waxa sheegay gudiga xuquuqal insaanka ee itooboiya.
Waxa sababay isku dhacyadii halkaasi ka dhacay in sanadkii 2003dii ay ka codsadeen dawlada deegaankaas in ay samaystaan qaab dhismeed maamul oo loo sameeyay urur, ururkaasi ayaa waxa la burburiyay sankii 2003dii kaasi oo ay asaasen dadka halkaasi daga ee sagan, hadaba marki la burburiyay ururkaasi ayaa waxa ay shacabku bilaabeen in ay ka soo horjeesadaan waxaana lagu qaaday dagaalo oo ay ka soo gadheen dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hanti. waxaana arintan darasaad ku sameeyay gudiga xuquuqal insaanka ee itoobiya waxaana uu sheegay in agagaarkaasi laga bilaabo sanadkii 1990kii ay halkaasi ka jiraan qalalaase naf iyo maalba lagu waayay oo ay wakhti adag soo mareen dadku.
Laga bilaabo sanadkii 2011 kii ayaa waxa muwaadiniitu ay codsigoodaasi u soo gudbisteen dawlada federaalka iyo ta deegaankaba, in ay dawlada ka codsadeenna waxa warbixintiisa gaarka ah ee 148aad ku soo saaray gudiga xuquuqal iinsaanka, hase ahaate inta la yidhi maxaad codsigan uu soo gudbisateen ayaa sanadkii 2011kii laga bilaabo waxa guryahoodi laga baro kiciyay dad ay tiradoodu ka badantahay 80 kun.
Cdsigaasi ay codsadeen ee ah in ay samaystaan ay qaab dhismeed maamul ayaa waxa ka danbeyay daganaansho la’aan iyo khasaare naf 81 qof oo rayid ah sida gudigu uu sheegay, sida daraasaadka lagu sheegay waxa dilka sababay in marar badan ay kooxo hubaysan oo ka kala socay burji, koonso iyo dagmada amaro iyo ciidanka garka ah ee deegaankuba ay gaysteen.
Sida lagu xusay warbixinta darasaadkaasi qalalaasaha halkaasi ka dhacay dadka rayidka ah ee lagulaayay iyo kuwa meelahoodi ka barokacay ka sakoow waxa guryahoodi laga gubay 45 kun oo muwaadiniin ah oo halkaasi ku noola, muwadiniinta guryahoodi laga gubay waxa ay ku suganyihiin xalad adag. Waxa kale oo la sheegay in qalalaasihii halkaasi ka dhacay ay ku burburtay hanti lagu qiyasay belayiin, hantidii kale ee dadka uga soo hadhay burburkana waxa hadana ka boobay kooxo is bahaysatay.
Sida warbixinta xafiiska xuquuqal iinsaanka lagu sheegay laga bilaabo sanadkii 2011kii beerihi waxba laguma beerin, beerolaydi isku dayday in ay beerahooda qotaan oo ay wax ku beertaan waxa ku laayay cidanka gaarka ah ee deegaankaasi dad tiro badan. Waxa kale oo warbixinta lagu xusay in bulshada halkaasi ku dhaqan ay ka xidhmeen dhaqdhaqaaqyadi bulshada iyo dhaqaaluhuba, mudo sanad iyo badh ahna wax suuq oo halkaasi ka furan majiro.
Sido kale waxa la xusay in dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee halkaasi ka jiray la joojiyay shan bilood ka hor. Dugsiyo gaadhaya 22 oo dugsiyada hoose iyo kuwa dhaxe ahna labo sanoba waay xidhanyihiin,cisbitaal loogu talo galay 17 qabale oo bulshada agagaarkaasi ku dhaqan ah in adeeg loogu fidiyo ayaa waxa laga dhigay xabsi iyo xero milatari. Masaajidadii iyo kaniisadihii halkaasi ka jirayna waa la xidhay, kaabayaashi dhaqaale ee halkaasi laga bilaabay ee dawliga ahaa iyo kuwii aan dawliga ahaynbana waxa lagu joojiyay halkoodi.
Daraasaadka uu sameeyay xafiiska xuquuqal iinsaanku ayaa waxa uu ku sheegay falalkii ka dhacay meelaha deegaanka shucuubta iyo qoomiyadaha koonfurta ee gobolka koonso, dagmooyinka gaarka ah ee amaaro, eburji, ale iyo dagmooyinkii hore ee gumaaydhe in ay yihiin kuwa xad gudubka lagu sameeyay xuquuqdooda.
Xafiiska xuquuqal iinsaanku waxa uu warbixintiisa darasaadka uu ku soo saaray dadkii xiliyada kala duwan halkaasi lagu laayay iyo kuwii la dhaawacay magacyadooda iyo muuqaalkooda iyo xiligi la laayay iyo meelihi lagu laayay ayau si faahfaahsan uu ugu soo waramay. Waxa sida oo kale la xusay in gudiga nabada ee shacabka gumaaydhe ay 10/01/2014kii ay waraaq uu soo qoray xafiiska xuquuqal iinsaanka waraaqdaasina ayaa waxa ku qornayd in shakhsiyaad kala duwan oo ka tirsan maamulka halkaasi ay shacabka halkaasi dagan wali soo gaadhsiiyaan dhibatooyin oo ay xuquuqdooda ku xad gudbaan. waxaana ay codsadeen in dawladu ay ka qaado dadkaasi talaabadi ku haboonayd.
Waxa kale oo xafiisku uu xusay in ficilada ku xad gudbaya sharciga caalamiga ah iyo kan dastuurkaba ee lagu sameeyay muwaadiniinta madaama aanay dawladu talaabo dagdag ah ka qaadin ayaa waxa dhaawacyo kal duwan la soo gaadhsiiya dadka.
Waxa xafiiska xuquuqal iinsaanku uu dawlada ka codsaday in dawladu ay la tashato bulshada halkaasi ku dhaqan oo waxyaabaha sababaya in dadka xuquuqdooda lagu xad gudbo iyo codsiga bulshada ee la xidhiidha qaab dhismeedka maamulka iyo dhibatooyinka maamulka dawladeed ee halkaasi ka jira si gaar ah na suuasha bulshada ee ku saabsan maamulka haboon xad gudubyada ka soo gaadhaya si looga hor tago waa in loo sameeyo xubno nidaam sharciyaysan halkaasi ka sameeya.
አዲስ ማለዳ Tiqimt 20 2014 No 19
______________________________
ትክክለኛውን የአዲስ ማለዳ ሶሻል ሚዲያ በመቀላቀል ቤተሰብ ይሁኑ
Telegram ➲ t.ly/SOXU
Facebook ➲ t.ly/flx8
YouTube ➲ t.ly/vSgS
Twitter ➲ t.ly/mxA4n



