Waxa la sheegay in kooxda hubaysan ee gobolka metekel ku sugan ee talabada laga qaadayo ay meesha ay soo gaadhaanba ku laynayaan dad rayid ah

0
921

Ha’ayada macdanta qoda ee seqota mining iyo hantiilayaal dalka ruushka ah oo bah wadag ganacsi ka hawl galay deegaanka amxaarada gobolka waag kimra iyo agagaarka saqota oo waraaqda ogolaansha shaqo ku bixisay sadex miliyoon oo doolar ayaa sheegtay in ay halkaasi ka soo baxeen.

In kasta oo ha’ayada saqota mining ay sanadkii 2012kii qorshaysatay in macdan biro ah ay hakaasi ka soo saarto ayaa hadan yaraanta sarifka lacagaha dibadaha ee xiligaasi jiray awgeed iyo cabuqa covid 19 oo caalamka ka dilaacay waxa ay awoodi kari waayday in ay hawsha bilaawdo. Hadana ha’ayadu waxa ay qorsheeysatay in ay hawsheeda bilaawdo 2014/15, balse waxa ay wargayska addis maleda uu sheegtay ha’ayadu in ay qoorshihii ay qorsheeysatay ay wadi kari wayday sababaha la xidhiidha dagalada ka socda wuqooyiga dalka oo waxa ay uu soo guurtay addis ababa.

Luujiyaano Firaanoolin oo ah qayb ka mid ah aksiyoonka saqota mainiing hawl fuliyena ka ah ayaa wargayska uu sheegay in xiligan xaadirka ah ay alaabadoodi iyo mashiinadoodi ay kala soo baxeen halkaasi.

Sida uu Luujiyaano uu wargayska ugu waramay ayaa waxa uu sheegay in qorshahoodi hore uu ahaa in biraha dibadaha dalaka looga soo dhoofiyo boqolkiiba 25 ilaa boqolkiiba 30 ay ku yareeyan, marka ay hawshooda si toos ahna ay uu bilaaban in qorshahoodu uu ahaa in 400 oo kun oo ton oo biro ah ay suuqa dalka iyo dibadahaba uu soo bandhigaan.

Waxa uu xusay oo kale in ha’ayda saqota mining ay 16 sano ka hor wasaaradii hore ee macdanta iyo shidaalka ee hadana magaceeda lagu badalay wasaarada macdanta ay ka qaadatay ogolaansho shaqo oo 20 sano ah oo ay hawshooda ku bilaabeen, waxa ay ha’ayadu ay ha’ayad kale oo shinaha laga leeyahay oo mashruuc “siino stiil” la yidhaahdo oo ku hawlan soo saarista macdanta iyo cilmi baadhka ka dalbatay in ay cilmi baadh uu samayso oo dhul dhan 242 oo skuweer kilo mitir ay awoodeen in ay ku uruursadaan biro ka badan 100 miliyoon oo ton.

Waxana uu qoorshahoodu uu ahaa in marka ay ha’ayadu hawsheeda bilaawdo in warshadaha biraha ee 150 ka badan ee dalka ka jira loogu talo jiray in ay ka faaidaystaan. Waxa kale oo uu wargayska uu sheegay in qiimaha biraha ee caalmka uu koru u kacayo, lacagaha uu wadanku ku bixiyo birahaana sida oo kale, sidaas darteed marka dagaaladu ay joogsadan ee dalka nabadgalyadiisu sugnaato anaga oo aan wakhti baylihinin waxa aan toos uu galayna hawshayada, baahid loo qabo isticmaalka biraha ee dalka inta aan kafaalo yeelno ayaanu hadana suuqa dibadahana uu soo bandhigi doona iib.

Daraasadyo dalka lagu sameeyay ayaa sheegaya in ay ka jiraan dalka in ka badan 157 milyoon oo ton oo macdanta biraha ah, waxa kale oo daraasadyo kale ay sheegayaan in ay jiraan hal milyoon oo ton oo macdanta biraha ah, ayada oo lala kaashanayo bah wdaagta qaybtaasi oo waayo aragnimona lga qaadanayo wadamo kale sida dalalka shiinaha , hindiya iyo koonfur afriika ayaa waxa la yarayn doona sarifka lacagaha dibadaha ee dalku uu ku bixiyo biraha dibadaha laga soo dhoofinayo waxaana warshadaha yaryar ee macdanta soo saara loo soo bandhigi doona wax aoo saarka birahaasi. waxana la bilaabay hawshaasi sida uu wargayska ugu waramay madaxa xafiiska machadka horumarinta warshadaha biraha mudane Teredha Taadese.

Sanadiihi la soo dhaafay dawlada oo ahmiyada siisay waxyaabaha sida biraha, dhuxusha iyo warshado kale oo macdanta soo saara ah ayaa waxa darasaadka geoloogikaala servey labo sanadood lagu sameeyay meelaha goojaam mertu-le maariyaam, mekaane salaam iyo koonfurta walo waxana la soo ogaaday in ay ka jiraan biro badan oo tuulan meelahaasi.

Waxaana arintaasi ka danbaysay in warshada biraha ee “cnd” kanbaniga ka midka ah ee “agodhooyo” uu bilaabay hawsha wax so saarka dhuxusha inta uu la soo baxay ogolaanshaha shaqada uu meesha mekaane salaam la yidhaahdo sidii macdanta uu uga soo saari lahaa xiligan xaadirka ahna uu ka bilaabay hawshaasi.


አዲስ ማለዳ Tiqimt 27 2014 No 20

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here