Waxa la sheegay in kooxda hubaysan ee gobolka metekel ku sugan ee talabada laga qaadayo ay meesha ay soo gaadhaanba ku laynayaan dad rayid ah.
Deegaanka beenishaangul gumz gobolka metekel ayaa waxa ka hawl fuliya ciidanka qaran iyo qaybo kale oo dawlada ka tirsan oo ka shaqaeeya amniga. Hadaba kuwaasi oo gobolka matakel ka hawl fuliya ayaa waxa ay talaaboyin ka qadeen kooxda hubaysan ee halkaasi degan, kooxdaasi hubaysanina kolba meesha ay soo gaadho dadka raydka ah ee ay ka helaan meelaha ay merayaan ayay ku laayaan.
Waxa wargayska addis maleda uu waramay dadkii halkaasi dagana waxaana ay sheegeen in ay wali ka jiraan halkaasi kooxaha hubaysan sidaasi darteedna waxa uu ciidanku uu ka qaadaya talaabooyin waxaana ay ku jiraan firdhad, firdhadkaasi ay ku jiraanna waxa cidii kasta oo rayid ah ee ay arkaan ku laynayaan meelaha ay marayaan.
Kooxahaasi hubaysani meelaha ay dadka ku laayeen waxa ka mid ah meelaha ka tirsan gobolka metekel ee gilgal beles, hadaba kooxdaasi hubaysan oo ka carartay talaabooyinka uu ka qaadayo ciidanku ayaa waxa la sheegay in ay gilgal beles ku dileen sedex qof. Talaabada milatari ee ay dawladu ka qaaday kuwii ka badbaaday ee ka tirsan kooxdaasi ayaa dadkii ay laayeen ka sakow waxa ay meelahaasi ku dhawacaan dad kale.
Dadkii halkaasi dagana ayaa sheegay in ay tahay arin fiicn in ciidanku uu talaabo ka qaado kooxdaasi, balse hadii la joojiyo talaabadaasi laga qaadayo waxa laga yaaba in ay dib halkaasi ugu soo noqdaan oo ay falal argagaixiso ay sameeyaan, sidaas darteed waxa ay dadkaasi codsadeen in aan laga joojin talaabadaasi sharciyeed ee laga qaadayo kooxahaasi.
Xisbiga ka dhaqdhaqaaqa deegaankaasi ee booro dhimookraasiyawi party ayaa waxa uu salaasadi aan soo dhafnay uu soo saaray bayaan ku saabsan waxyaabaha ka jira dalka xiligan xaadirka ah. Waxaana uu xisbigaasi uu sheegay oo uu ka hadlay deegaanka beenishaangul gumz gobolada metekel iyo kemaashi in kasta oo arimaha la xidhiidha amniga ee halkaasi ay sidii hore dhaamaan oo isbadal lagu arkay hadana marmarka qaar waxa jira kooxo hubaysan oo gaysta weeraro.
Waxa kale oo uu xisbigaasi sheegay in baryahan danbe ay dawladu soo kordhisay awooda ciidanka ee halkaasi oo talaabooyin kala duwanna laga qaadaykooxahaasi, hadana dhibaatadii loo gaysanayay dadka rayidka ah wali way jirta. Si gaar ah gobolka metekel dagmooyinka dhibaate iyo bulan waxa shacabka lagu soo qaada weeraro ku salaysan cida ay yihiin iyo xisbiga ay taaeersanyihii.
Waxa uu hawl fuliyaha xisbigu uu sheegay in xiligii doorashadii ay rabeen in ay ka qayb qaatan oo ay diyaar uu ahaayeen, balse waxa amniga iyo cidamada ka soo gaadhay dil iyo xadhig, arintaasina waxa ay cidhiidhi ka digaysa xaalada siyaasadeed waana in aritaasi la joojiyo. waxa ay cidhiidhi ka dhigaysa oo kale buu yidhi xalada dimoqradiyadeed, waxa ay abuuraysa warwar iyo in aany nabadgalyo waarta halkaasi ka jirin, waxana halkaasi ka dhalanaysa aragtiyo xun oo ku salaysnayn cida uu yahay qofku iyo mushkilado siyaasiyadeed waana in sida ugu dhakhsaha badan loo xaliyo.
Xisbigan oo sheegay in uu daraasaad ku sameeyay arimahaasi ayaa sheegay in ay muwadiniin badan ay xabsiyada ku xidhanyihiin mudo dheer. Taasina waxa weeyaan ku xad gudub xuquuqda muwadiniinta ah, waana arin aad khatar uu ah dawladana waxa looga baahan yahay in arimahaasi ay hore wax uga badasho, waxaana uu dawlada ka codsaday in dadka bilaa sababta ku xidhan xabsiyada si dagdag ah bilaa shuruud loo siidaayo.
Waxa kale oo uu xisbigu uu xusay in awooda ay isticmaalayso dawladu ay noqoto mid sharciga ku salaysan, sida oo kale waa in ay noqoto mid ilaalinaysa amaanka muwaadiniita, wixii intaasi ka baxsan ee shrci darada ah ee la smeeyo maadama aanay ahayn qaar la aqbalayo waa in dawladu ay ka qaado talaabooyinka loo baahan yahay.
አዲስ ማለዳ Tiqimt 27 2014 No 20


