Ha’ayadaha bulshada raydka ah ee itoobiya laga diwaan galiyay ee ka dhaqdhaqaaqa dalka ayaa hantida ay haystaan si ay uu soo diwaan galiyaan waxa amar ku siiyay maamulka ha’ayadaha ururadaasi.
Ha’ayadaha ururada bulshada raydka ah oo lagu diiwaan galiyay tirsiga bayaanka 1113/2011 oo lagu salaynayo diwaan galinta ha’ayadahaasi ururadaasi bulshada rayidka ah xafiiska laga maamulo ayaa uu soo diyaariyay foom ku salaysan in ay hantidooda ku soo diiwaan galiyaan.
Ha’ayadaha ururada bulshada raydka ah hantidooda ay soo diiwaan galinayaan waxa la siiyay mudo ay ku soo ogaysiinayaan hantidooda ilaa 30ka bisha taahisaas ee 2014ka, waxaana wargayska addis maleda uu waramay maareeye ku xigeenka xafiiska Faasikaw Moolaliny oo sheegay in hadafka soo diiwaan galinta hantidaasi looga leeyahay uu yahay sidii la iskugu dheeli tiri laha qaabka xogta hantidaasi loo maamulo dabagal loogu samayn lahaa iyo hawsha takulaynta ee ay wadaan looga dhigi lahaa mid casriyaysan.
Sida uu ugu xusay wargayska maareeye ku xigeenka xafiiskaasi in ay yihiin ha’ayadaha ururadaasi bulshada raydka ah kuwa ku khasbani in ay hantidooda soo diiwaan galiyaan waa kuwa xafiiska laga diiwaan galiyay oo dhan ee ka dhaqdhaqaaqa dalka. Waxa kale oo la sheegay in ay haboontahay ha’ayadahaasi ururada bulshada raydka ahi hantida ay mamulaan si dabagal loogu sameeyo oo waxyaabihi loogu talo galay in ay sameeyaan in sidii ku haboonayd ay ugu hawlanyihiin la ogaado oo loo cawiyo loona habeeyo in diwaan galinta hantidoodu ay muhiim tahay.
Waxa uu mareeye ku xigeenku uu sheegay in ha’ayadahaasi ururada bulshada raydka ah hantidooda sida ay uu maamulaan la ogaado oo hadafkii loogu talao galayna in ay gaadheen la ogaado oo hawsha dabagalka iyo caawimadana la qabto in laga shaqayn doono. Waxa kale oo uu xusay in ha’ayadahaasi looga baahanyahay in ay hantidooda ay ku soo diiwaan galiyaan si daacad ah, hadii ay jiraan ha’ayado imika ka hor soo diiwaan galiyay hantidooda waxa lagu xaqiijin doona warbixinadii hada ka hor la soo qoray iyo hawlaha hada ka hor ay ka qabteen fiildhiyada.
Ha’ayadaha bulshada rayidka ah waxa weeyaan buu yidhi qaar bulshada uu adeega oo bulshada uu taagan. Ha’ayadahaasi bulshada raydka ah oo lagu diiwaan galiyay bayaanka tirsigiisu uu yahay 1113/2011 ee dalka ka dhaqdhaqaaqa waxa ay ku khasbanyihiin in hantidooda oo dhan ay soo diiwan galiyaan. Hadii ay jiraan ha’ayadaha qaar oo qariya hantidooda ama aan rabin in ay hantidooda soo diwaan galiyaan waxa bulshad loogu baaqaya in ay soo ogaysiiyaan xafiiska.
Waxa tusaale ahaan loogu soo qaadan kara in ha’ayadaha bulshada rayidku ay hada ka hor sanad kasta dhaqalaha ay haystaan war bixin uga soo gudbin jireen xafiiska. Waxaana la sheegay in ha’ayadahaasi bulshada raydka ahi hantida ay haystaan ee laga soo ururiyay bulshada si dabagal loogu sameeyo awood loo siiyaay ha’ayada maamusha ha’ayadahaasi , waxaana looga gol leeyahay in dabagalka lagu sameeyo in hantida shacabka laga uruuriyay wax loogu qabto shacabka la hubiyo oo qaybtaasi ka dal ahaan hanti intee leeg in ay haystaan oon wax xog ah laga haynin sidii xog looga soo ururin lahaa oo ay muhiim tahay diiwaan galinta hantida ha’ayadahaasi.
waxa hantida ha’ayadaha bulshada raydka ah looga baahan yahay ee hantidooda ay soo diwaan galinayaan ka mid ah gawaadhidooda adeega bixiya, kuwa aan adeega bixinin, gawaadhi la iibiyay, gawaadhi ha’ayado kale laga siiyay, alaabo guryaha iyo xafiisyada ah oo joogto ah sida oo kale hadii ay jiraan hantai ay leeyihiin oo joogto ah sida osbitaalo, kiliinikyo, dugsiyo, xafiisyo iyo geerashyo.
Dalka itoobiya waxa ka jira ha’ayado bulshada raydka ah oo ka badan 3kun iyo 500 oo dalka laga leeyahay iyo kuwo wadamada dibadaha laga leeyahay ah oo dalka gudihiisa ka hawl gala. Waxaana weeyaan ha’ayadahaasi bulshada rayidka ahi qaar ku hawlan hawlaha cafimaadka, waxbarashada iyo hawlo kale oo bulshada uu faaideeya oo aan dawli ahayn
አዲስ ማለዳ Tahisaas 2 2014 No 25


