In ka badan 1,600 oo qof ayaa lagu dilay deegaanka Tole Kebele ee galbeedka Welega Gimbi ee deegaanka Oromada, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
Dad goobjoogayaal ah oo aan magacyadooda la shaacin ayaa u sheegay wargeyska Addis maleda in ka badan 1,600 oo qof ay ku dhinteen weerarka, waxaana la aasay meydadka 900 oo qof.
Goob joogayaal ayaa intaa ku daray in marka laga soo tago dadka meydadkooda la helay oo la aasay ay jiraan kiisas lagu gubay guryahoodii oo aan meydkooda laga helin duurka sababo jira awgeed.
Dadka deegaanka ayaa wargeyska Addis Maleda u sheegay in weerarka lagu qaaday Tole Kebele oo ka tirsan West Welega Gimbi District, West Welega ee deegaanka Oromia, tan iyo 11-kii June 2014, uu ahaa mid aad u daran.
Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haysa xasuuqa loo geystay dadka rayidka ah.
Dhimashada ayaa sii korortay tan iyo markii uu weerarka dhacay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in xaalada amaan ee deegaankaasi ay tahay mid kacsan.
Dadka ku dhaqan deegaanka Tole ee ka tirsan degmada Gimbi ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid hayb ah, isla markaana ay kooxda Shane iyo xulafadeeda ay dhac u geysteen dadka dhintay iyo kuwa ka barakacay deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sido kale sheegay in maamulka deegaanka oromiya aysan wax dareen ah siinin bulshada ku dhaqan deegaanka Tole ee Galbeedka Welega Gimbi ee ismaamulka Oromada.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inkastoo ay halkaasi ku sugan yihiin Ciidamadu, hadana aysan Ciidamadu joojin weerarada ay ku qaadayaan deegaanadaasi, maadaama ay ku sugan yihiin kooxda OLF Shane ee kaymaha kala duwan ee deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inkastoo xaalada deegaanka ay tahay mid amni kadib markii ciidamada gaarka ah ee maamulka deegaanka ay soo faragaliyeen, hadana ciidamada amaanka ay garan waayeen cida sameysay falalkani.
Dadka deegaanka ayaa wargeyska Addis Maleda u sheegay in 3,000 oo qof ay barakiciyeen, hantidiina ay dhaceen kooxda OLF.
Hailu Adugna, oo ah madaxa Xafiiska warfaafinta ee deegaanka Oromada, ayaa arrinta wax ka weydiiyay, balse wax jawaab ah kama helin.
Taliyaha Booliska deegaanka Oromia Ararsa Merdassa ayaa isna diiday inuu ka hadlo.
Weerarkaas kadib ayaa dowladda waxa ay ku dhawaaqday in ay goobta geysay ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta, islamarkaana ay qaadayso tallaabo ka dhan ah maleeshiyada.
Beesha Caalamka ayaa cambaareysay weerarada ku saleysan aqoonsiga ee lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxaana dowladda ay la kulantay dhaleeceyn ku aadan in ay joojin weyday weerarada ay ku heyso dadka rayidka ah.
አዲስ ማለዳ juun yaabaa 18 2014 No 54



