Sida ku cad heshiiskii nabadeed ee ay wada saxeexdeen dawlada dhexe iyo kooxda TPLF, kooxda TPLF ayaa ku dhawaaqday inay dawlada dhexe kala xaajoon doonto maamulka ku meel gaadhka ah ee loo dhisayo gobolka Tigray.
Arintan ayaa kooxda TPLF u samaysay gudi ku meel gaadh ah oo qabanqaabada xukuumada oo ka kooban ciidan, aqoonyahano iyo xubno TPLF ah.
Guddoomiyaha guddigaasi Jeneral Tadese Nadiish ayaa sheegay in dooda ay ka qeyb galayaan wakiilo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xisbiyada siyaasadda, waxaana dooda kadib la ansixin doonaa dukumeenti gacan ka geysanaya sidii loo dhisi lahaa dowlad KMG ah.
Jeneraalka ayaa sheegay in dokumentigan lagu shaacin doono madal la diyaarin doono toddobaadka soo socda.
Janaraal Tadese ayaa sheegay in dhismaha maamulka kumeel gaarka ah ay tahay tilaabo lagu ilaalinayo madaxbanaanida gobolka Tigray, si loo ilaaliyo nabada deegaanka iyo amaanka dadka deegaanka.
Generaalka ayaa sheegay in dhismaha xukuumada kumeel gaadhka ah ay tahay mid lagu xalin karo mashaakilaadka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka, wuxuuna sheegay in aysan xal u noqon doonin dhibaatada shacabka gobolka Tigray, balse ay cashar weyn ka qaadan doonto dal ahaan.
Si kastaba ha ahaatee dadka ka faalooda arrimahan ayaa sheegay in kooxda TPLF oo uu golaha wakiiladu u aqoonsan yahay inay tahay argagaxiso ay tahay in sharciga argagixisada laga qaado ka hor inta aan la dhisin dawlad ku meel gaadh ah.
Sidoo kale waxaa su’aalo la iska waydiiyey madax banaanida gudiga ay dhistay kooxda TPLF, waxaana General Tadese uu sheegay in ay ku jiraan dhamaan dhinacyada. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka oo ku aadan arrintan.



