Inkastoo la maqlay in wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ay qorsheynayso in Anthony Blinken uu booqasho rasmi ah ugu diro dalka Itoobiya, haddana lama sheegin waqti cayiman oo uu wasiirku ku imaanayo Itoobiya.
Sida laga soo xigtay xogta ay baahisay Africa Intelligence, oo diiradda saareysa xiriirka diblumaasiyadeed ee dalalka, waxaa la sheegay in safarka Blinken ee Itoobiya uu dhici karo bisha March ee soo socota. Waxaa xusid mudan in Blinken uu horay u yimid dalka Itoobiya sanadkii 2022-kii oo uu kala hadlay madaxda sare ee dowladda.
Inkastoo Blinken aan la ogeyn qorshaha ugu weyn ee uu ku imaanayo dalka Itoobiya ayaa hadana waxaa la filayaa inuu madaxda dowlada kala tashado sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii nabadeed ee u dhaxeeyay kooxda TPLF iyo dowlada Federaalka, kaasoo uu goobjoog ka ahaa dowlada Mareykanka.
Gaar ahaan, sida ku cad heshiiska nabadda ee Pretoria, Maraykanku wuxuu si isdaba joog ah u muujiyay xiisaha uu u qabo arrinta isla xisaabtanka ee ku salaysan caddaaladda ku meel gaarka ah ee labada dhinac.



