Askari ka tirsan ciidamada difaaca Qaranka ayaa afar qof oo aan waxba galabsan ku dilay magaalada Kebridehar ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, sida uu shaaciyay xafiiska nabad-sugidda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Waxa la sheegay in Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka uu rasaas ku furay Saddex Nin iyo Qof dumar ah oo ku sugnaa halka loo yaqaan Keble 8 ee Magaalada Qabri-dhaar oo uu ku dilay.
Goob joogayaal ku sugnaa halkaasi ayaa u sheegay wargeyska Addis Maleda. Marka laga soo tago dilka afar qof oo uu ku jiro gudoomiyihii xafada ninkasi askariga ayaa rasaas ku furay dad aan tiradooda la garanayn.
Xafiiska Nabadsugida Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen. Waxa uu shaaca ka qaaday in natiijada uu soo bandhigi doono marka uu soo dhameeyo baaritaanka.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Soomaaliyeed ee ka hawlgasha gobolkaas, ayaa arrintan ku saabsan; Ka dib markii uu yidhi, “Xundarrada noocan oo kale ah ayaa marba marka ka dambaysa ku soo badanaysa gobolka”; Tusaale ahaan, wuxuu xusuustay in bishii May ee la soo dhaafay weerar kan la mid ah lagu dilay dad aan waxba galabsan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga.
Sidaas darteed, wuxuu xusay in sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda iyo saddex ka mid ah ciidamadii hore ee dagaalka lagu dilay magaalada Qabri-dheer Isniintii lasoo dhaafay, laba kalena lagu dhaawacay. “Dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka labaduba waa in ay tallaabo degdeg ah ka qaadaan dadka ku lugta leh falalkan sharci darrada ah,” ayuu ku boorriyay.



