Waaxda Nabadda iyo Amniga ee Jiidda Galbeedka Gonder ayaa wargeyska Addis Maleda u sheegtay in ka dib markii ciidamada Suudaan ay gacanta ku dhigeen dhulka Itoobiya ee loo yaqaan Gwang (Alfashga) ee ku teedsan degmada Metema ee galbeedka Gonder, maalgashadayaasha Itoobiya ee ka barakacay deegaanka. iyagoo ka iibsanaya, kuna tacbanaya dhul-beereedkooda askarta Suudaan.
Waxaa la sheegay in dadka maalqabeenada ah ee deegaankaas ku nool ay tacbanayaan dhulkii ay dib uga iibsan jireen ciidamada Suudaan, iyadoo dadkii awoodi waayay ay sheegeen in ay ka barakaceen deegaankaasi.
Yonas Gadisa oo ah madaxa colaada iyo arrimaha diimaha ee waaxda nabadgalyada ee aagga galbeedka Gonder ayaa sheegay in deegaanka Ders ay gacanta ku hayaan tan iyo sanadkii 2013 markii ciidamada Sudan ay galeen dalka Itoobiya.
Madaxa ayaa intaa ku daray in ciidamada Suudaan ee gacanta ku haya dhulka Itoobiya ay ku hubeysan yihiin hub culus oo makaaniga ah, waxaana dowladda Federaalka ay tiri “Arrintan waan dhameyneynaa si aydaan u gaarin”, wuxuuna sheegay ma aysan isku dayin in ay ka furtaan askarta deegaanka.
Markii uu bilaawday dagaalka waqooyiga ayaa ciidamada Suudaan waxay xoog kula wareegeen deegaanka iyagoo gubay xeryihii maalgashadayaasha Itoobiya, hantidoodiina ku burburtay, taasoo sababtay in in ka badan 230 maalgashi ay ka barakacaan deegaanka.
Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada Suudaan ay weli gacanta ku hayaan magaalooyinka Auderafi (Desert), Poli, Salam Ber iyo Arbajra oo ku yaalla Galbeedka degmada Armachho ee deegaannada Metma iyo Qara.
Waxaa la tilmaamay in ciidamadu ay sidoo kale dhiseen buundada isku xirta dalka Suudaan iyo Itoobiya, isla markaana ay ballaarinayaan kaabayaasha dhaqaalaha, sisintana ay uga soo saarayaan deegaannada ay maamulaan iyagoo abaabulaya ciidamo milateri.
Inkastoo dowladda federaalka ay sheegtay in si gaar ah ay uga jawaabi doonto arrintan, haddana waxaa la sheegay in aan weli xal loo helin.



