Waxa la sheegay in ay jireen shirqoolo la rabay in lagu carqaladeeyo doorashada, magaalada anbo ayaa waxa ku geeriyoodeen 3 qof

0
1035

Deeganka oromiya gobolka bariga shawa inkasta ooy doorashadu si nabadgalyo ah ku dhamaatay hadan waxa la isku dayay rabshado shacabka baqo galisay si aanay doorashada uga qaayb qaadan waxaana wargayska addis maled u sheegay madaxa xidhiidhka dad waynaha ee federal booliska Jeelan cabdi.

Masuulkaasi oo faahfaahin ka bixiyyay ayaa sheegay in doorashadu si nabad galyo ah ay ku dhamaatay oo booliska bariga oromiyana hawshiisi u ka soo baxay,hadana dagmadaasi si aanay shacabku codadkooda u dhiiban ayaa la isku dayay,dhibaatooyinkaasina sidi ugu dhakhsaha badnayd in lagu xaliyay oo talaabooyinna lagu qaaday ayuu sheegay.

Waxa kale oo Jeelaan u sheegay in shacabku si nabadgalyo ah aanay ugu cod bixinin doorashada ay kooxda argagaxisada ah ee oneg shane ay halkaasi rabshado ay ku qaadeen oo ay ku dhaawaceen qaar ka mid ah shaqaalihi amniga,booliskuna uga jawaabay oo u ka buriyay falkoodi argagaxisada ahaa.

Waxa u intaasi raaciyay in deeganka oromiya magalada adamana ay qaar isku dayaan in ay carqaladeeyaan geedi socodka doorashada ooy hub ayaga oo sitana dhaqdhaqaaqayeen ,shaqsiyaadki sidaasi sameeyayna gacanta lagu dhigay.

Arintani oo sidaasi ahna waxa kale oo u sheegay in deeganka axmaarada gobolka goondher hal boolis ah lagu dilay, koox hubaysan oo timid mid ka mid ah goob doorashoyinki halkaassi ayaa ka codsaday booliski halkaasi ku sugna in ay hubka dhigaan kadibna waxa ay isku waydaarsadeen halkaasi tacshiirado rasaas ah sidaasi darted ayaanu hal boolis ahi ku geeriyooday ayuu yidhi.

Dadki falaalkaasi gaystay iyo tiradooduba madaama aanay cadayn badhiitaanada danbe ee la samaayn doono ayaa lagu cadayn doona buu yidhi.

Xiligi doorashadu socotay dhibaatooyinki kale lala kulmay asaga oo sii faahfaahinaya ayaa waxa u yidhi bariga gojaam qabelaha finoote salaam menz gudoomiyhi ayaa inta u kooxdi amniga inta u yidhi aan casho idiin qaado oo u ka kaxeeyay goobtii hadana u asagu meeshi ku soo laabtay qolkii ay yiileen agabkii doorashada inta u furay qaaday agabkii doorashada kuna riiday ceel biyood markii danbena baxsaday.

Gudoomiyihi qabalahana inta dabagal lagu sameeyay ayaa laga soo qabtay halkii u ku dhuumanaayay, agabkii doorashadana waxa laga soo saaray ceel biyoodki u ku riday doorashadiina si nabadgalyo ah ayaay u dhaacday buu yidhi.

Waxa kale oo u sheegay in gudoomiyihi qabalaha maxkamad la soo taagay nin boolis ah oon hawshiisina sidi looga baahn uga soo bixin la xidhay.

Waxa kale oo ls sheegay in deegaankaasi 15ka dagmo ee ka jira 9 ka mid ah oon loo ogolayn in laga sameeyo olale doorasho,ooy qaar ka mid xisbiyada loolanka waday oo ezema ka mid yahay ay olale ka saeeyeen, shakhsiyaadki waday ololaha oo gaadhaya 15 ilaa 20 qof ayaa waxa la sheegay in iyagana gacanta lagu dhigay.

Doorashada doorka 6aad ee dalka si aan dhibaato dhinaca nabadgalyada loogala kulmin, ayaa waxa si gaar ahna dalka gudihiisa iyo dibadisaba dhibaatooyinka ka iman kara si looga hortago gudoomiyayaasha deeganka iyo labada magaaloba si wada jir ah ugu hawlanaayeen buu yidhi madaxa koomishinka federal boolisku.

Waxa intaasi dheer bu yidhi nabad sugida iyo bahda amniga oo iskaashanaya ayaa si aanay u dhicin falalkaan foosha xun oo kale doorashada ka hor iyo doorashada ka dibba in ay sameeyeen haawl gal.

Xiligii doorashada ka horeeysay oo dadka intooda badani ay baqo ku jirtay dhibaatada ka iman karta kooxaha is bahaystay iyo daganaansho laantaba si looga hortago booliska federaalka,booliska addis ababa iyo kuwa kililadaba in ay diyaar ahaayeen ayuu sheegay.

Waxaana xusid mudan in xafiiska gudiga doorashooyinka ee qaranku u sheegay in doorashadi 14kii sane ee 2013ka t.e.ka dhacday meelo badan oo dalka ka mid ah aan lagala kulmiin dhibaatooyin sidaasi u sii wayn .


ቅጽ 3 ቁጥር 138 ሠኔ 19 2013

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here