Warshadaha cusub ee ku hawlan wax soo saarka saliida ayaa la sheegay in ay dhibaato kala kulmeen dhinca awooda koronto taasina ay caqabad ku noqotay dhinaca qaybinta saliida

0
1069

Warshadaha saliida ee dhawaan dhamays tiray dhismayashoodi ee bilaabay sosaarida saliida cuntada ayaa sheegay in ay dhibato kala kulmeen dhinaca awooda korontada ooy soo sar kari wayeen salidi ay soo sari lahayeen.qaarkood ay sacadahooda oo dhan isticmalaan genereter, qaarkoodna sacadihi wax soo saarka kala badh ay isticmaalan genereter.

Belayneh Kindhe oo ah mid ka mid ah kuwa dhawaan soo gashaday dalka warshada saliida in u xiligi u ku soo sarayay salida kala badh u genareter isticmaalo,wasarada ganacsiga iyo dhismaha oo sane 21keedi 2013kii ayaa shir ay yeeheen ku sheegtay dhibaatadasi soo sarayasha saliida cuntada haysata.

Warshada saliida ee laga taagay deeganka axmaarada ee magalada bure ee u leeyahay Belayneh Kindhe ayaa hore loo sheegay in ay baahi tirayso boqlkiiba lixdan baahida loo qabo salida dalka etobiya.warshadaasi oo ay ku baxday lacag ka badan 4.5 bilyon oo bir ayaa la sheegay in ay soo saari karto malintiiba 1500 oo ton oo salid ah,balse warshada salida febela ee kale ay kalabadh sacadaha wax soo sarkeeda isticmaasho genareter sida u sheegay hantailahaasi.

Sida u sheegay Belaayneh in kast oo ay shirkado waawayn oo salida ah ay ku soo bireen maal galinta dalka,hadana awoodoodi wax soo saarka ay kala kulmeen dhibaatooyin kala duwan.dhibaatooyinkaasina waxa ka mid ah buu yidhi awooda korontada,sido kale midhaha salida laga miiro oo yaraaday ayaa ka mid ah.

Shirkii lagaga hadlaayay dhibatada haysata warshadaha sliida cuntada soo saara wakiil ka socday warshada saliida ee tena oo la yidhaahdo Abraham Mekoonin ayaa sheegay in dhawaan warshada la yidhaahdo art kraaft ee salida cuntada la dhisay oo hawshi ay bilawday,balse ilaa imika aanay heelin adeega koronytada.

sidaas darteedna warshadu xiligaeeda wax soo saarkeeda oo dhan waxa ay u isticmaasha genareter.warshadu wax ay dhamays tirtay hawlihii looga baahna oo dhan sida sacada laydhka oo ay soo gashatay,si ay u heesho awooda korontada,balse wax adeeg koronto oo ay hesha ma jirto.

Xafiiska wasarada oo wada hadal la yeeshay soo sarayaasha salida cuntada ayaa sheegay in daraasad la sameeyay lagu ogaaday in labada sano ee soo socda ay wax badan ka dhinmayaan wax soo saarkii loo bahna sandka 2014ka boqolkiiba 7 sanadka 2015kana boqlkiiba 9. sanadka 2014ka wax soosarka salida ee loo bahanyahay bishii waxa weeyaan 75.5 milyen oo litir, halka sanadkiina loo baahan yahay 906.5 milyen oo litir.

Sidoo kale waxa la sheegay in daraasadka la sameeyay lagu ogaaday dhibatada kale ee dhinaca midhaha saliida laga miiro oo yaraatay lagu ogaaday sanadihii 2007_2013kiii u dhaxaysay wax soo sarki midhahaas ee dalka, dhulkii loogu talo galay laga istcmalay uun 6% oo kaliya.

Dhulkaasi loogu talo galay in lagu beero midhahaasi guud ahaan dalka waxa laga helay oo kaliya 2.7%,sidaas darted warshaduha waxa ay kala kulmeen midhahaasi salida laga miiro oo aad u yaraaday iyo qiimaha oo kordhay,taasina waxa ay ku khasabtay in qiimaha saliida aad loo kordhyo.

Inkasta oo la sheegay awooda wax soo saarka salida cuntada ay 89 milyen oo litir oo ton kor uga kacday 1.25 oo bilyan oo litir,waxa ay baahi tirtay baahidi laga qabay salida cuntada ee dalka guud ahaan.in kasta oo wax soo sarka salid ee dalka ay kor u kacday hadana waxa la sheegay dhibaatooyinka ay la kulmeen awgeed wax soo saarki looga baahna kala badhkeed oo kaliya in u noqdqy.

Waxa kale oo la sheegay in wax soo sarka salida ee dalka ay kor uga kacday 5% ila 40%kiiba hadana xalada ilaa iyo imika jirta ee etobiya waxa ay dibada ka soo galisa saliida cuntada 60%kiiba.


ቅጽ 3 ቁጥር 139 ሠኔ 26 2013

መልስ አስቀምጡ

Please enter your comment!
Please enter your name here