Ururiyaha guud ee gudiga xafiiska war baahint ee dawld deegaanedka somalida mudane Cali Badal ayaa sheegay in mashruucan ay ku baxayso 170 milyen oo bir, deegaanka somalidana laga dhisi doono .
Imika ka hor war baahinada deegaanka ka jiray oo wax yabo badani ka dhinaayeen sida u sheegay ururiyaha gudigu,ha ugu darnadaan qolalka shaqaluhu ay ku shaqaystaan (production roo) iyo xafiisyada mareeyayaasha oo ay ku yaraayeen kombitarada iyo wax yaabo la mid ah ayaa ah sababta ugu horaysa ee loo dhisaayo hayadan.
Dhaawrki sanadood ee la soo dhaafay dhibaatooyinki ay soo martay war baahintu ee kaga imanaysay dalka iyo dibadaba sida oo kale awooda lacageed waxa lagag gudbay duul qaad iyo hawl adag, hadana waxa ay mar walba isku dayayeen in ay noqdaan codka shacabka.
Sido kale ururiyaha guud ee gudigu waxa u sheegay in madax waynaha deeganka somalida mudane mustafe Maxamad oo soo booqday xafiiska war baahinta u ku arkay in ay halkaasi ka jirto baahiyo kala duwan.
Waxana u intaasi u raaciyay in xarunta telefishiinka oo u soo tabiisa bulshad warar tayo leh iyo barnaamijyo hadana in balaadhinta mashruucani ay tahay xalka ugu horeeya.
Waxa kale oo u sheegay si loo hir galiyo mashruucan in deegaanku u ku bixin doono 170 malyuun oo bir dhisitaanka hayadan.
Madax waynuhu waxa u cadeeyay in sadxdii sanadood ee la soo dhaafay in ay war baahintu deeganka iyo dalkaba ay faaidooyin kala duwan u lahayd,sidaas darteedna qorshe loo dajiyay iyo wada hadalo la yeeshay ayaa lagu gooansaday in dhibaatooyinka halkaasi ka jirana la xalin doono oo balaadhinta mashruucanna la samayn doono.
Sidaas darteedna ayaa madaxda gudiga war bahinta iyo madaxda sarsare ee deegaankuba ay wada hadalo iyo wada tashi u yeesheen bu sheegay.
Sida u sheegay ururiyaha gudigu mashruuca ama hayada la dhisi doono oo ah dhisme hal dabaq ah in lagu xalin doono yaraanta xafiisyada ee halkaasi ka jirtay,waxa intaasi dheer in dhismaha la dhisaayo u leeyahay hool balaadhan oo lagu shiro.waxa kale oo u leeyahay buu yidhi qolka wax lagu koontroolo(control room),studiyo casri ah, maqaaxi iyo goob lagu raaxaysto.
Waxa kale oo u sheegay masuulku in xiligan xaadirka ah la bilaabay samaynta dhismahaasi, labada sano ee soo socdana la dhamays tiri doono adeeg bixintana u bilaabi doono.
Waxa farxad ii ah buu yidhi masuulku in qorshihi loogu talo jiray dhismahan sanado ka hor u hir galay hada ,in kasta oo ay jirtay hada ka hor dhibaato wayn oo dhinaca dhaqaalaha ah.
Cali waxa kale oo u sheegay in dhismahan ay dhisi doonaan koontraaktaro dalka gudihiisa ah,in xiligi loogu talo galay ay ku dhamays tiri doonaanna kontraaktaradu way noo xaqiijiyeen.
Ururiyaha gudiga war baahinta deegank Cali Bada lwaxa u sheegay, in kasta oo xarunta telefiishiinka wax yaabaha ay qabteen ay tahay hawl dhiiri galin ah, hadana waxa dawlada deegaanka looga baahan yahay taakulayn hor leh oo muuqata.
ቅጽ 3 ቁጥር 139 ሠኔ 26 2013


