Dawlad deeganeedka somalida magalada tog wajaale ayaa macamisha bangiga ganacsiga ee etiobiya ee ku yaala ka cabanaya. Laga bilaabo bisha sane ee 2013ka ayaa dadka agaasi ku nool waxa ay sheegen in ay rabeen in ay lacago u soo xawilaan magalada addis ababa oo lagu yidhi wax ka yar 20 kun oo bir kama diri kartaan bangiga waxana ay u sheegeen wargayska addis maleda.
Waxa ay yidhaahdeen macamiishu sababtu waxa ay tahay nalooma sheegin waxana naloo diiday in aanaanu addis ababa u dirsan karaynin lacag ka yar 20 kun oo bir,
Sida ay sheegen dadkaasi cabashada ka soo gudbiyay tog wachaale waxa aad loogu sarifa lacagta doolarka,marka dadka ka imanaya soomali land ay doolarki ay wateen u badashaan bir ee ay damcaan birtooda in ay bangiga ugu so diraan dadkooda, taasina ayaana aad ugu adkaatay.
Dadka ku nool dawlad deegaaneedka somalida hadii xata anay gacantooda ku haynin lacagta birta waxa ay badana isticmaalan wadamada jaarka ah lacagohooda,sidaas darteedna lacagaha ay haystaan cidi ay doonayaan way u diri karaan tasina xaq bay u leeyihin, in layidhaahdo lacag intaasi leeg mooyi ee kama diri kartid bangiga waa sharci daro sidaasina waxa yidhi profeser Teke Alemu oo macalika ganacsiga iyo dhaqalaha ka ah jamacada addis ababa.
Sida u sheegay Teke cid kastaba wadada ay doonayaan bay isticmali karaan in lagu soorogo xanibaad se waa khalad. Sababta sidaasi lagu yidhi oon la garanayn in macamiisha la yidhaahdo lacag ka yar 20 kun oo bir kama diri kartaan bangiga oo sharci looga dhigo waxa lagu qabsan kara bangiga. arintani hadii ay dhacdona shakhsiyaadku lacagta ay haystaan ayay kalsooni dari kaga dhacaysa buu yidhi teke.
waxa kale oo u yidhi waxaan ka baqaya arintani in aanay ku eekaanin uun dds ee ay meelaha kale ee u dalku ku koobanyahay lagaga dhaqmo. Hawshanina hadii ay sii socoto cid kastaaba lacagaha ay sitaan hadii anay helin adeega ay rabaan waxa u lacagaha u wato u la tagi kara meelaha sharci daroda ah. masuuliyiin ka tirsan dds oo u wargayska addis maleda la hadlay ayaa sheegay in aanay u cadayn sababta adeegaasi loo sameeyay.
Waxa kale oo ay sheegen in looga baahanyahay bangiga in cabashooyinka macamiisha ay ku xaliyaan sida ku haboonayd. Wargayska addis maleda ayaa isku dayay in ay wax ka waydiyaan arintaasi xafiiska guud ee bangiga ganacsiga ee etobiya,balse xafiisku waxa u sheegay in aan wax macluumaad ah ka haynin arintaasi. Sida ay xogta bangiyadu ay sheegayso majiro sharci sheegaya in qofka la yidhaahdo ma dirsan kartid lacag ka yar 20 kun oo bir.
Waxa laga yaaba in dhibaatadasi ay kala kulmeen dhinaca khadka, xog leh na ay jirto. Waxa kale oo u wargayska addis maleda soo ogaaday in lacagaha la diraayo aan bangigu xad u samaynin. Xogo aan ka helnay bangiga ganacsiga ayaa sheegaya in cid kasta oo bangiga lacag dhigatay ay ka adeegsan karto meeshi ay doonayaan, lacagta ay dirayaanna aan bangigu awoodi Karin in u xadido lacagta.
አዲስ ማለዳ Hamle 3 2013 No 3



