Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada federaalka ayaa shaaca ka qaaday in dad ka badan 200 oo qof lagu soo oogay dacwado la xiriira dambiyo la sheegay in ay ka dambeeyeen doorashada, xiliyadii doorashada ka horaysay iyo doorashada kadib.
Awel Suldaan oo ah madaxa xafiiska qaybta saxaafadda ee xeer ilaaliyaha guud ayaa u sheegay Addis maleda in lala xisaabtami doono shakhsiyaadkaasi danbiyada gaystay ee ku xad gudubay qodobka 1162 ee sharciga ciqaabta.
Waxa kale oo u cadeeyay masuulku in arrintani danbiyada ee la xidhidha doorashada ay ka wada shaqeynayeen Booliska Federaalka, Addis Ababa iyo komishneerada Booliska ee deegaanada .
Dhamaan xaafadaha qaayb magaalo ee Addis Ababa, iyo maamulka magaalada Diridhaba, waxa ay si gaar ah u kormeerayeen dambiyada laxidhiidha doorashada, ayuu yidhi
Waxa kale ee u xusay inay jirtay wax yar oo xasillooni-dari ah oo ka jirtay qaybo ka mid ah dalka intii lagu jiray doorashadii guud ee 14kii sane ee 2013.
Awel waxa kale oo u sheegay in ka badan 200 oo qof in si kumeel gaar ah loogu soo oogay dambigaasi,waxa una danbiyadaasi u qaybiyay sadex qaybood.
Waxa u sheegay in dadka qaar lagu soo oogay dacwada ay arintoodu la xidhidho dil ka dhacay meelo ka mid ah dalka intii ay doorashau socotsy, waa qaybta koowaad.
Waxa u tusaale u soo qaatay dil sarkaal boolis ah xiligii rabshaduhu ay ka dhaceen deegaanka Amxaarada, waxana u sheegay in la qabtay shaqsiyaad hubaysna oo falkaasi gaystay.
qaaybta labaadna waxa u ku sheegay in ay carqaladeeyeen howlihii doorashada, isla markaana goobihi ay dooraashooyinku ka socdeen in ay rabshado iyo qalaaso ka bilaabeen ooy ka shaqaysan kari waayeen howl fuliyayaashi doorashada.
qaybta sedexaadna waxa u yidhi waxa ay aad u khusaysa 80% in kabadan 200 oo ee qof ee dacwada lagu soo oogay, laga bilaabo intii la bilaabay hawlahan dacwada iyo uruurinta macluumaadkan waxayna jeexjeexay boodhadh, xayeysiisyona burburiyeen, waxa aanay xanibeen hawlihii halkaasi ka socday.
Waxa u sheegay in dacwada afaraad ay tahay markii ay ka hadhsanayd doorashada afar cisho oo la sheegay in olole doorash aan la samayn Karin, shaqsiyaadkii sameeyay ololaha doorashada ka hor malin iyo isla malintii doorashada kuwaasi oo ku xadgudbaya sharciga ka dhanka ah doorashada.
Sida uu sheegay sarkaalku, xeer ilaaliyaha oo weheshanaya booliska ayaa waxa baadhitaan lagu sameeyay oo dacwad lagu soo oogay kuwa laga hayo cadeyn ku filan
Imika ka hor wargayska addis maleda oo waraysi la yeeshay Komishanka Booliska Federaalka ayaa waxa u sheegay in ay dadka dhib ku noqotay in six or ah ay cododkooda u dhiibtaan.
Si gaar ah na buu yidhi Komishaneerka booliska federaalkau in xubno katirsan kooxda onag Shene, in ay khalkhal galiyeen codbixiyayaashi si aanay six or ah wax u dooran oo ay dhaawaceena xubno katirsan booliska.
Waxaana xusid mudan in magaalada Adama ee deegaanka oromiya ay ka jirtay rabshado kuwaasi oo ay fuliyeen koox hub sitay si ay u carqaladeeyaan doorashada shaqsiyaad falalkaaasi sameeyayna la qabtay oo la xidhay.
አዲስ ማለዳ Hamle 3 2013 No 3


